Isniin 14, April 2025 {HMC} Wasiir Al-Cadaala “Halgan in la galo waxaa ka dhib badan natiijadiisa in la sugo.”
{DAAWO MUQAALKA} RW Ku Xigenka Soomaiya oo Tababa Usoo Xiray Ciidamo Cusub
Isniin 14, April 2025 {HMC} RW Ku Xigenka Soomaiya oo Tababa Usoo Xiray Ciidamo Cusub
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Macawiisleeyda Aboorey oo Dhiiragalin loo sameeyay
Isniin 14, April 2025 {HMC} Macawiisleeyda Aboorey oo Dhiiragalin loo sameeyay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 14-04 2025.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.04.2025}
Isniin 14, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussen
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Magaalada Muqdisho oo laga daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daahfuray ololaha qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Waxaa la qorsheynayaa in bartamaha toddobaadkan ay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabato diiwaangelinta muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda. Dadkaasi ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan doorashada golaha deegaanka oo loo asteeyey in ay qabsoonto bisha Juun.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ololahaani uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu soo celinayo awoodda go’aan ka gaarista shacabka.
Wuxuu si gaar ah u xusay in diiwaangelinta si rasmi ah looga bilaabi doono Degmada Shangaani maalmaha soo socda, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka in ay si firfircoon uga qeyb qaataan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in 15-ka bishaan April si rasmi ah loo furi doono goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo xusay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa uu dhammaaday.
Dhankiisa, Maxamed Axmed Yabooh oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in toddobaadkan gudaheed laga bilaabi doono diiwaangelinta sagaal degmo oo ka tirsan gobolka.
Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu bulshada ku wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka doorashada qof iyo cod.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku qabato doorasho qof iyo cod ah, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan in nidaam aan sax aheyn loo maray hanaankan doorasho.
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Taageerada Madaxweyne Trump
Isniin 14, April 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay Taageerada Madaxweyne Trump
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadhimo-sharafeed lagu maamuusay magaalada Ari-Caddeeya.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa hadhimo-sharafeed lagu maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya oo 30 KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlay shacabka magaalada ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhi ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan.
Waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha heer federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.
Ra’iisul Wasaaraha oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada kaarka muwaadinka.
Socdaalka Xamza oo loogu magac daray “socdaalkii nabadda iyo midnimada” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaaladaasi.
Safarka Xamza ayaa waxaa si adag uga horyimid maamulka Somaliland oo horey uga talin jiray magaalada Laascaanood, balse looga saaray dagaal, kadibna waxaa si buuxda uga talinaysay SSC-Khaatumo, oo dowladda federaalka u aqoonsatay mid kamid ah maamul goboleedyada dalka.
{DAAWO MUQAALKA} “Saacadaan laga bilaawo waan is diiwaan galiyay” Sheikh Shaakir.
Isniin 14, April 2025 {HMC} “Saacadaan laga bilaawo waan is diiwaan galiyay” Sheikh Shaakir.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} RW Xamsa oo balan qaad cusub u sameeyay Dadka SSC-Khaatumo
Isniin 14, April 2025 {HMC} RW Xamsa oo balan qaad cusub u sameeyay Dadka SSC-Khaatumo



