Isniin 14, April 2025 {HMC} Haween Canada ku nool Oo Taageero gaarsiiysay Ciidamaada Aboorey .
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 14-4-2025.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Diyaarisay Ciidamo farabadan oo loogu talagalay Dagaalka Daacish.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Puntland oo Diyaarisay Ciidamo farabadan oo loogu talagalay Dagaalka Daacish.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {14-04-2025}
Isniin 14, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Cabdiqani Cosoble
Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei
Hoggaamiyaha militariga Gabon oo ku guuleystay doorashado madaxtinimado oo dalkaas ka dhacday
Isniin 14, April 2025 {HMC} Hoggaamiyaha militariga Gabon, Brice Oligui Nguema, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas, sida lagu sheegay natiijada hordhaca ah ee ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Nguema, oo horseed ka ahaa afgambigii militariga ee dalka ka dhacay sanadkii 2023, ayaa helay ku dhawaad 90% codadkii la dhiibtay maalintii Sabtida. Natiijadaas ayaa ka dhigan guul baaxad leh oo uu ku xaqiijiyey hoggaaminta dalka si rasmi ah.
Musharaxa ugu weyn ee loollanka kula jiray, Alain Claude Bilie-By-Nze, ayaa helay qiyaastii 3% codadka, iyadoo musharrixiinta guud ahaan ay ahaayeen sideed.
Nguema ayaa caan ku noqday doorkiisii uu ku soo afjaray 55 sano oo ay xukunka dalkaasi hayeen xubnaha qoyska Bongo, taasoo keentay isbeddel weyn oo siyaasadeed gudaha Gabon.
Inkasta oo natiijooyinku yihiin kuwo hordhac ah, haddana waxaa si weyn la filayay in Nguema uu ku adkaan doono doorashada, maadaama uu haystay taageero ballaaran oo gudaha ah tan iyo markii uu la wareegay talada.
RW xamse oo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee laascaanood
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye), ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicdaas uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood.
Sidoo kale, xarumaha mashaariicdaas ayaa ah kuwa isugu jira xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood dhaga dhigay mashaariic dhowr ah, kuwaas oo laga hirgali doono deegaannada SSC Khaatumo.
RW xamse oo kulan la qaatay dhaqanka iyo waxgaradka gobolka sanaag
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay odoyaasha iyo xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada ee Gobolka Sanaag.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in loo baahan yahay arrimaha xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa talooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xalay ku dhawaaqay in SSC Khaatumo yahay maamul kamid ah Dowladda Federaalka, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalka la gaarsiiyo.
Dowladda soomaaliya oo maanta daahfurtay shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’isul wasaare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya Cabdi Salaan Cabdi Cali ayaa maanta si rasmi ah uga daah furay magaalada Muqdisho Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kaasi oo markii ugu horeysa taariikhda ay Soomaaliya marti gelisey.
Shirkan oo socon doona mudada Seddexda cisho ee soo socota ayaa waxaa looga hadli doonnaa sida ay Soomaalida cusub ugu diyaarsan tahay hormarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana Ra’iisul wasaare kuxigeenka uu muujiyay sida ay Dowladda uga go’an tahay inay noqoto mid ku horeeysa dhowrida xuquuqda aadamaha.
“Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali khudbadii uu madasha ka jeediyay.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya Cabdi Salaan Cabdi Cali ayaa shaaca ka qaaday in xuquuqul insaanka uu muhiim u yahay inuu fursad u siin doono Haweenka inay u tartami karto xil dowladeed iyadoo aan soo marin nidaamka 4.5, sidoo kale na door muhiim siinayo qofka naafada ah inuu heli karo Shaqo iyo inuu Bulshada door muhiim ah ku yeesho.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo masuuliyiin kale ayaa inta aysan munaasabaddu bilaaban kormeer ku sameeyay goobo si gaar ah loogu xardhay sawirro ka turjumaya ilaalinta xuquuqul insaanka.
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Shirkaan soo diyaarisay ayaa wasiirka Wasaaradaasi Khadiija Al Makhzuumi waxa ay khudbadeedi daah furka ku sheegtay in ay ka go’an tahay Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana kasoo qeyb galayaasha ay la wadaagtay qorshayaasha Soomaaliya ay u qaadi doonto hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo garab istaaga kuwa mudan.
{DAAWO MUQAALKA} 12 Sano kadib Deegaanada Koofur Galbeed oo go’doonka laga qaaday.
Isniin 14, April 2025 {HMC} 12 Sano kadib Deegaanada Koofur Galbeed oo go’doonka laga qaaday.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ajaanib Fara badan oo ka tirsan AS oo lagu Laayey Deegaanka Abooreey.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ajaanib Fara badan oo ka tirsan AS oo lagu Laayey Deegaanka Abooreey.



