Isniin 14, April 2025 {HMC} Maxaa ka jira mareeykanka inuu Aqoonsan Doono Soomaliland.?
{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Dowladda Soomaaliya ka taageeri Doona Dagaalka AS
Isniin 14, April 2025 {HMC} Mareeykanka oo Dowladda Soomaaliya ka taageeri Doona Dagaalka AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatum Waxaa ay heshay aqoonti dhab ah Oo DFS”RW Xamsa
Isniin 14, April 2025 {HMC} SSC Khaatum Waxaa ay heshay aqoonti dhab ah Oo DFS”RW Xamsa
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka AS Waa in Reer galmudug ka miro dhaliyaan.”gudoomiye shuute.”
Isniin 14, April 2025 {HMC} Dagaalka AS Waa in Reer galmudug ka miro dhaliyaan.”gudoomiye shuute.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ruushka oo weerar ku qaaday Magaalooyin ka tirsan Ukraine.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ruushka oo weerar ku qaaday Magaalooyin ka tirsan Ukraine.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Cabdi Xaashi oo kulan xasaasi ah la qaatay Ismaaciil Cumar Geelle.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo iska xogwraystay xaaladda guud ee labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka mahad celiyay soo dhowaynta diirran ee loogu sameeyay qasriga madaxyooyada Jabuuti, ayaa uga mahad celiyay madaxwaynaha Jabuuti kaalinta hagar la’aanta ah ee uu ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in kaalintaas walaaltinimo ay baaqi ku ahaan doonto qalbiyada shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo Guddoomiyaha iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyay salaan gacaltooyo, ayaa guddoomiyaha ku ammaanay kaalintiisa odaytinimo, waddaniyad iyo isku haynta Ummadda Soomaaliyeed oo Qarankooda uu cagta saaray waddadii nabadda iyo barwaaqada.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka Jabuuti halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ugu horrayn lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee xarunta Baarlamaanka Jabuuti, iyada oo la tusiyay xafiisyada kala duwan ee ay guddiyadu ku shiraan iyo hannaanka ay guddiyadu uga shaqeeyaan howlaha Baarlamaanka.
Intaas ka dib labada guddomiye oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee labada dal, qibrad wadaagga iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, iyadoo intaas ka dib labada Guddoomiye ay is dhaafsadeen Billad sharaf iyo hadiyado kale oo muhiim ahaa kana tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka labada dal ee walaalaha ah, isagoo Guddoomiye Cabdi Xaashi mahad ballaaran u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Jabuuti isaga iyo wafdigii la socday.
Dowllada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Aqoonsiga maamulka SSC Khaatumo.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, xalay kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.
“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.
Donal Trump oo balan-qaad wayn usameeyay Dowladda Soomaaliya.
Isniin 14, April 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah Soomaaliya.
Trump ayaa hadal qoraal ah uu soo saaray , wuxuu ku sheegay inuu maamulkiisa ka taageerri doono Soomaaliya , sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada iyo sidii ay barwaaqo u gaari lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump inay kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen , saraakiishooda iyo xubnaha dagaalyahannadooda iskudayayaan inay gudaha u galaan Soomaaliya, si ay uga geestaan dhibaatooyin argagaxiso.
“ Soomaaliya waxaan ka taageereynaa ciribtirka argagaxisada. Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha u ogolaanina Xuutiyiinta in ay soo dhex galaan oo ay ku dhex dhuuntaan dalkiinna.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Dowladda Mareykanka , ayaa Soomaaliya si weyn uga taageerta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada Mareykanka duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaan goobaha ay joogaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.
Dowladda Soomaaliya oo agab ciidan kala wareegtay Dowladda Masar.
Axad 13, April 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Masar kala wareegtay agab ciidan oo ay Muqdisho soo gaarsiiyeen wafdi sare oo ka socday Qaahira.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka ciidanka ay ku deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta mas’uuliyiinta dowladda, wuxuuna sheegay in ujeedka imaanshihiisu uu qeyb ka yahay xoojinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, taasoo muujineysa aragtida Madaxweynaha Masar.
Wuxuu xusay in dowladda Masar qeyb weyn ka qaadatay tayeynta iyo tababaridda saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo tilmaamay in wejiga koowaad ee tababarada la siiyay 100 ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa ay Masar bixisay 40 ka mid ah koorsooyinka la siiyay ciidamada booliiska. Kaaliye Axmed ayaa intaa ku daray in uu jiro wejiga labaad oo la qorsheynayo in tababarayaal Masaari ah loo soo diro dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu ballaarinayo tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo ilaa 200.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxamed Cali Xagaa, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in taageeradan ay muujineyso xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin taageerada lagu xasillinayo amniga gudaha dalka, taasoo ay ka mid tahay taageerada dhinaca tababarka ciidamada iyo qalabka ciidanba.
Munaasabadda wareejinta agabka waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka iyo Qunsulka dalka Masar ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Maxamed Albazi iyo Maxamed Fowzi, halka ay Wasiiru-dowlaha Amniga Soomaaliya ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga XFS, Yuusuf Cali Maxamed iyo Jeneraal Maxamed Maxamuud Garaar.
Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdiga Masar guddoonsiiyay haddiyado ay ugu talo-gashay Wasaaradda Amniga, iyaga oo intaa kadib wafdigu dib ugu laabtay dalkooda Masar.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.04.2025}
Axad 13, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud



