Jimac 13Feb 2026 {HMC} Turkiga oo sare u qaaday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Jimac 13Feb 2026 {HMC} Turkiga oo sare u qaaday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Jimac 13Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray dalka Itoobiya.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Friday13 Feb 2026 {HMC} — The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali, presided over the Sixth High-Level Ministerial Meeting of the A3 on Friday in Addis Ababa. Acting in his capacity as the Coordinator of the A3 group, the Minister convened the session on the margins of the 39th Ordinary Session of the Assembly of the African Union to strategize on bolstering the continent’s influence within the United Nations Security Council.
The strategic dialogue brought together a high-level cohort of diplomats, including the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Liberia, H.E. Sara Beysolow Nyanti, and the Deputy Minister of Foreign Affairs of the Democratic Republic of the Congo, H.E. Noëlla Ayeganagato Nakwipone. They were joined by the African Union Commissioner for Political Affairs, Peace and Security, Ambassador Bankole Adeoye, alongside the Permanent Observer of the African Union to the United Nations, Ambassador Mohamed Fathi Edrees.
During the discussions, the Ministers reaffirmed their collective commitment to advancing African priorities on the global stage. The leaders highlighted the urgent necessity of deepening the coordination and coherence between the African Union Peace and Security Council (PSC) and the A3. This alignment is viewed as essential for unifying Africa’s voice and maximizing its strategic impact on resolutions and debates within the UN Security Council.
Facing a backdrop of growing uncertainty in the international system, the meeting concluded with a strong call for African unity grounded in a clear strategic vision. The Ministers agreed on the importance of principled engagement to navigate complex geopolitical shifts while staunchly upholding and strengthening the tenets of multilateralism to protect the interests of the continent.
Source Sonna
Friday13 Feb 2026 {HMC} The African Union Peace and Security Council (PSC) issued a strong condemnation on Thursday regarding Israel’s recognition of the Somaliland administration, declaring the move null and void under international law. The Council emphasized that no entity possesses the authority to alter the established territorial framework of the Federal Republic of Somalia.
In a communiqué released from the African Union Headquarters in Addis Ababa, the Council firmly reaffirmed the unity and territorial integrity of Somalia. The body demanded an immediate reversal of the recognition decision announced in December 2025. The African Union highlighted that Somalia’s borders are inviolable, explicitly rejecting the independent status of the Somaliland administration and reiterating its unwavering support for the full sovereignty of the Federal Government of Somalia.
On the security front, the Council welcomed the significant gains achieved in the ongoing offensive against Al-Shabaab terrorist groups. The statement encouraged Somali security forces and international partners to intensify operations aimed at eradicating the Kharijites. Furthermore, the communiqué noted the importance of regional administrations continuing their respective roles in the fight against Al-Shabaab to ensure comprehensive national stability.
Israel remains the only nation to have extended recognition to Somaliland, a move that has sparked widespread criticism across the Horn of Africa and the international community. The African Union’s stance reinforces the global consensus on Somalia’s unity and serves as a definitive rejection of unilateral actions that threaten regional stability
Source Sonna
Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya kaddib markii ay kordheen taageerrada Ciidan iyo tababarka ciidamada cusub ee loo tababarayo Dowladda Federaalka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Diyaaradaha nooca Ciidanka wax u qaada ah oo Dowladda Turkiga leedahay ayaa dhowr jeer soo caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho inkasta oo aan si dhab ah loo faahfaahin waxyaabaha ay dalka keenneen.
Ankara iyo Muqdisho oo haatan si wadajir ah ugu mashquulsan dhinacyada soosaarka Shidaalka, Iskaashiga Ciidanka iyo dhaqaalaha ayaa wararka la helayo waxa ay intaas ku darayaan in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo adkaynta amniga dalka.
Waxaa hoos loo dhigay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo muujiso dhaqdhaaqa Militari ee Turkiga inkasta oo aan la shaacin sababta arrintaas ka danbaysa maadaama heshiisyada ay wadagaleen sida arrimaha ciidanka.
Turkiga ayaa Soomaaliya keenay diyaaradihiisa Casriga ah kuwaas oo ka qaybgalay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Koofurta iyo Bartamah Dalka, waxa ay la howlgallayaan Ciidamada Dowladda Federaalka
Jimac 13Feb 2026 {HMC} Howlgal Qorsheeysan oo laga Fuliyay Jubbada Hose.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Jimac 13Feb 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 13-02-2026.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar iyo xubno kale oo katirsan ururkaas.
Ujeedka safarkooda Muqdisho waa sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen horumarinta Luuqadda Carabiga ee Goobaha Waxbarashada Dalka sida ay xaqiijiyeen xunbo katirsan Mas’uuliyiintaan iyo ilo ku dhow.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo dhaweeyay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay wadahadlayaan wafdigaan Jaamacadda Carabta ka socda.
Safarkooda ayuu tilmaamay in uu kusoo beegmay iyada oo 52 sano laga joogo markii ay Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta, waxa uu xusay in ay dhankooda diyaar u yihiin wadahadallada wafdigaan ay doonayaan.
“Maanta waxaan Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga oo soo gaaray Dalka, maalmaha soo socda waxa aan kawada hadli doonnaa sidii kor loogu qaadi lahaa luuqadda carabiga iyo Waxbarashad Soomaaliya” ayuu yiri, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku booriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso wadahadal loo dhan yahay oo ay la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah iyo daneeyayaasha kale, si loo adkeeyo midnimada siyaasadeed iyo dadaallada xasillinta dalka.
Bayaan kasoo baxay Golaha Nabadda Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha ka jira maamulka dalka ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dib u dhigayaan dadaallada lagu dhisayo dowladnimo waarta.
Golaha Nabadda wuxuu ku baaqay in la abuuro hannaan wadatashi oo furan, daahfuran, kana tarjumaya danaha dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wada shaqeyn dhow oo u dhaxaysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay muhiim u tahay sugidda amniga, hirgelinta dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo horumarinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dhammaan daneeyayaasha inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed iyo is-qadarin, si loo gaaro heshiis qaran oo horseeda xasillooni iyo midnimo waarta.
Hadalka ka soo baxay Golaha Nabadda Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho la filayo inuu wada hadal uga furmo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si ay heshiis uga gaaraan Doorashooyinka soo socda ee dalka iyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in aysan diyaar u ahayn wada hadal dhab ah, islamarkaasna waxay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu doonayo inuu kursiga iska sii joogo, taasoo ay sheegeen in ay sababi karto qalalaase siyaasadeed oo dalka dib u celin kara.
Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay gogosha wada hadalka, islamarkaana ay mar walba fidsan tahay, isagoo sheega in albaabku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xalay la yeeshay xubno uu ka mid yahay raysal wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ku jira siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira gogosha wadahadalka ee u dhaxeysa dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Xamse ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaariijta, iyo in si wadajir ah looga hortago faragelinta dibadeed ee lagu sameeyo dalka.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Labadan mas’uul ee hore ayaa la sheegay in laga hor istaagay kulan ay Golaha Mustaqbalka xalay ku la haayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayay diyaar garowga wada xaajood la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in ay ka go’an tahay ka qeybgalka wada hadallada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa hannaanka doorashada dalka, loogana baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.