Home Blog Page 1040

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaarey magaalada Laascaanood

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goordhow gaarey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo ay boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ku soo dhaweeyeen.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu gudaha Laascaanood kulamo kula yeesho Madaxda iyo Bulshada SSC Khaatumo.

Waxaa lagu wadaa in kulamadan looga hadlo xiriirka SSC Khaatumo iyo Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulkaasi.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Ka socda Garoonka diyaaradaha Laascaanood.

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} Maxaa Ka socda Garoonka diyaaradaha Laascaanood.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gacan Dhawacdayada Macawisleeyda ku daaweyn haayna gacane dagaalka aboorey.

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} Gacan Dhawacdayada Macawisleeyda ku daaweyn haayna gacane dagaalka aboorey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} AS-ka Go’doonka ku ah Abooray qaar ayaa bilaabay in ay is dhiibaann”Taliye Xasan Faarax.”

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} AS-ka Go’doonka ku ah Abooray qaar ayaa bilaabay in ay is dhiibaann”Taliye Xasan Faarax.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan manta Laascaanood,

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan manta Laascaanood,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliye odowaa oo furumaha Dagaal kasoo Diray Hambalyada Ciidamada Xooga dalka

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} Taliye odowaa oo furumaha Dagaal kasoo Diray Hambalyada Ciidamada Xooga dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Raysal Wasaare Xamse oo Booqasho Taariikhi ah maanta kutagaya Magaalada Laascaanood.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Waxaa Saakay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si weyn looga dareemaya u diyaar garowgii ugu dambeey ee la xariira soo dhaweyn balaaran oo maanta halkaasi loogu sameynayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Laascaanood saacadaha soo socda ee maanta, waxaana halkaasi ku sugan labadii maalin ee lasoo dhaafay wafdi ka tirsan hay’adda kala duwan dowladda Fedaraalka oo horudhac u ahaa safarka Raysal wasaaraha ku tagayo Laascaanood.

Amniga guud ee deegaanada maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, gaar ahaana magaalada xarunta u ah ee Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkaya ciidamo aad u farabadan.

Wadooyinka waa weyn iyo fagaareyaasha magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale lagu xardhay sawirka Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo calanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in socdaalka Xamse ee Laascaanood ay si weyn uga soo horjeedaan Somaliland.

Booqashada la filayo inuu maanta ku tago magaalada Laascaanood Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu Raysal wasaare Soomaaliyeed ku tago magaaladaas mudo ka badan 50 sano.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {12.04.2025}

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ciidanka xoogga dalka oo udabaal-dagaya 65-Guuradii kasoo wareegatay Aas’Aaskoda.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Maanta oo ay ku beegan 12-ka Bisha April waxaa ay ku asteysan tahay 65-guuradii kasoo wareegtay maalimtii la Aas’aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,in kastoo maanta dalka aysan ka jirin wax dabaaldeg ah.

Xilligaan oo kale ayaa meelo badan oo kamid ah ayaa waxaa lagu qaban jirey munaasabado loogu dabaal-degayo Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka,hayeeshee sanadkaan aan la qabaneyn sababo la xiriira dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo u direy Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,isaga oo sheegay in aysan jiri doonin munaasabado loogu dabaal degayo Maalinta Ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Dagaalkii 1977 ay la galeen Itoobiya ayaa ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee dal deris ah ay la galaan.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka waxaa ka mid ahaa janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, janaraal Salaad Gabeyre iyo madaxweynihii hpre ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Burburkii dalka kaddib waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo waayay taageero dowladeed.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida Jeneral Sheegow.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow, ayaa faahfaahin ka bixiyey geeridii ku timid Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo dhawaan ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Liibaan oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay daruufahii ku gedaannaa geerida Sheegow, ayaa sheegay in marxuumku uu u geeriyoodey cudurka Kansar Beerka oo uu in muddo ah la ildarnaa.

Liiban Gali Yarow ayaa dhanka kale meesha ka saaray eedo lagu faafiyey baraha bulshada oo tibaaxayey in marxuumku uu sababsaday dayacaad, maadaama uu ahaa maxbuus u xiran dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyahu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xil weyn iska saartay sidii Sheegow Axmed Cali uu u heli lahaa daryeel caafimaad, islamarkaana hay’adaha kala duwan ee dowladdu ay u dadaaleen. Wuxuuna intaas ku daray in marxuumka wakhtigiisi dhammaaday xilli loo diyaariyey adeeggii socdaalka ee loogu qaadi lahaa dalka Hindiya.

Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal hora uga tirsanaa militariga Soomaaliya, ayaa 2-dii Nefember 2023 waxay maxkamadda ciidan ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, ka dib markii lagi helay dambiyo lagu soo oogey.