Home Blog Page 1041

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Sababay hoos udhaca ku yimid Lacagta dollarka ee Suuqayada Caalamka?

0

Sabti 12, April-2025 {HMC} Maxaa Sababay hoos udhaca ku yimid Lacagta dollarka ee Suuqayada Caalamka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Soomaaliya oo war layaab leh ka soo saartay xiriirka Itoobiya kadib markii………..

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya uu mar kale deggan yahay, bilooyin kaddib markii heshiis badeed oo dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu sababay mid ka mid ah khilaafaadka diblomaasiyadeed ee ugu xumaa sanado badan ee ka dhex dhaca labada daris ee Geeska Afrika.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka sheegay Jimcihii madasha Antalya Diplomacy Forum ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wuxuu xusay in labada dowladood ay hadda ka shaqeynayaan soo celinta wada-shaqeyntii hore. “Waxaan la leenahay Itoobiya xiriir adag,” ayuu yiri Balcad. “Soomaaliya oo xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.”

Hadalka Balcad ayaa yimid in ka badan sanad kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay muddo 50 sano ah ka faa’iideysato marin badeed 19-kiloo mitir ah oo ku yaalla agagaarka Berbera.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale watay qodob muujinaya suurta-galnimada in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay madax-bannaani, inkasta oo aysan jirin dal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsaday.

Iyadoo cadaadis uga imanayay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka, waxaa la bilaabay wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo lagu soo afjaray heshiiskii Ankara ee la gaaray 12-kii Diseembar 2024.

Heshiiskaasi wuxuu caddaynayay in labada dhinac ay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana uu dhigayay saldhig rasmi ah oo loogu gogol xaarayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee marin badeed sharci ah oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadallada Balcad ayaa u muuqda kuwo dib u furaaya dariiqii diblomaasiyadda kadib markii Soomaaliya si kulul ugu eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa la saxiixatay Somaliland is-afgarad u oggolaanaya inay isticmaasho marin badeedka Badda Cas, taasoo beddelkeeda suuragal ka dhigi karta aqoonsi ay siiso Somaliland.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo wada-shaqeyntii labada dhinac, oo ay ku jireen iskaashigii milatari iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Khilaafkaasi wuxuu walaac weyn ku abuuray xulafada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka, kuwaas oo ka digay in xasillooni darrada labada dal ay wiiqi karto howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolka, isla markaana ay dhiirrigelin karto kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa taariikh ahaan iska kaashan jiray la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ciidamada Itoobiya door muuqda ku leeyihiin.

Si kastaba, calaamado muujinaya is-faham dib u soo laabanaya, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto ciidanka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo beddelaya howlgalka ATMIS ee lagu wado in uu dhammaado. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u oggolaatay inay soo dirto 2,500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AUSSOM.

Wasaaradda Gaadiidka oo amar degdeg ah kusoo rogtay Diyaaradaha la howlgalo Soomaliya.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo sameeyo kormeerro badbaado iyo dib-u-shahaado-siinta dhammaan diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, kaddib shilal duulimaadyo oo isdaba joog ah iyo walaacyo sii kordhaya oo la xiriira amniga hawada dalka.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista, Maxamed Faarax Nuux, la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda duulista rayidka, kaas oo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraarku wuxuu waajibinayaa in baaritaanno badbaado lagu sameeyo dhammaan diyaaradaha ku duulaya, kasoo degaya ama ka baxaya Soomaaliya. Inkasta oo aan la cayimin waqti kama dambeys ah, masuuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada si degdeg ah loo bilaabi doono.

“Waa in la hubiyaa in diyaar kasta oo ka duuleysa ama kusoo degaysa Soomaaliya si buuxda loo baaray, loo diiwaangeliyay, lana hubiyay dayactirkeeda,” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kaddib shil halis ah oo dhacay 22-kii Maarso, markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay Kenya, nooca De Havilland DHC-5D Buffalo oo ay leedahay shirkadda Trident Aviation, ay ku burburtay deegaanka Ceel Xabaaloow, oo qiyaastii 24km u jirta Muqdisho.

Dhamaan shan shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday. Diyaaraddan ayaa kasoo laabatay howlgallo sahay gaarsiin ah oo ay u fulisay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dhoobley. Hay’adaha duulista Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkaas.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib weerar hoobiye ah oo lala beegsaday garoonka Aadan Cadde 6-dii Abriil, kaas oo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa sababay in shirkadaha Turkish Airlines iyo EgyptAir ay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan duulimaadyadoodii. Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda 9-kii Abriil, halka EgyptAir ay weli hakisay safarradii isbuucle ahaa ee ay ku mari jirtay Djibouti.

Waaxda duulista rayidka Soomaaliya ayaa si tartiib ah u kobcaysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo shirkado duulimaadyo caalami ah ay bilaabeen inay toos uga safraan una yimaadaan Muqdisho, taasoo ay suurtagelisay xasillooni amni oo isa soo taraysa. Si kastaba, dhacdooyin duulimaadyo oo halis ah ayaa weli soo laabtay.

Bishii Janaayo 2024, diyaarad xamuul ah oo Kenyan ah oo gargaar u siday Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa burburtay xilli ay degaysay, taasoo dishay laba qof. Bishii Luulyo 2023, diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Muqdisho, kaddib markii ay la kulantay dabaylo xooggan iyo cilad ka timid lugaha degista. Dhamaan 34 rakaab ee saarnaa waa ay badbaadeen, inkastoo laba qof ay dhaawacmeen.

Somaliland oo Dalab ku Aadan Safarka RW Xamze u dirtay Beesha caalamka.

Jimco 11, April-2025 {HMC} – Xukuumadda Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland.

“Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka.

Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood.

Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka.

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya.

Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.

Villa Soomaaliya oo ka reebtay Axmed Madoobe madaxda ay casuumtay.

Jimco 11, April-2025 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad u fidiyey madaxda dowlad-goboleedyada dalka ka jira, marka laga reebo maamulka Jubbaland oo dowladda Federaalka Soomaaliya u aqoonsan tahay Madaxweynaheeda mid kusoo baxay doorasho sharcidarro ah.

Casuumada uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaana si cad looga reebay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana casuumada madaxda loo diray ku jira Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , oo la rumeysan yahay in uusan shirkan kasoo qeybgeli dooni.

Shirkan Golaha Wada-tashiga Qaranka oo lagu wado in uu qabsoomo 1da ilaa labada bisha May, ayaa waxaa kasoo qeybgali doona madaxda maamulada xiriirka la leh dowladda Federaalka , kuwaa oo kala ah Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, oo ka falceliyay casuumadda laga reebay Madaxweynaha Jubbaland shirka Wadatashiga , ayaa sheegay in shirkaasi horey maamulkooda uga baxay, ayna hadda diyaar u aheyn in ay ka qeyb galaan.

“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024, Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa kamid ahaa masuuliyiintii soo dhaweysay gogoshii uu dhawaan ku dhawaaqay Xasan Sheekh in uu dhigayo, hasa ahaatee gogoshaasi ayaa hadda u muuqata mid laga noqday uuna Xasan Sheekh kaliya la shirayo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {11.04.2025}

Jimco 11, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka ka socda Deegaanka Abooreey.?

0

jimco 11, April-2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka ka socda Deegaanka Abooreey.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gurmadyo aan kala Joogsi laheen oo Gaarayo Deeganka Abooreey

0

jimco 11, April-2025 {HMC}Gurmadyo aan kala Joogsi laheen oo Gaarayo Deeganka Abooreey

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 11-4-2025.

0

Jimco 11, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} AS oo wali ka dhax dagaalamaya Masaajid ku yaallo Deegaanka Aboorey.

0

jimco 11, April-2025 {HMC}AS oo wali ka dhax dagaalamaya Masaajid ku yaallo Deegaanka Aboorey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA