Home Blog Page 1047

{DAAWO MUQAALKA} “Taliye Nuur Farey waxa uu ahaa halgamaa u shahiiday qaranka” Jeneraal Garabey

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} “Taliye Nuur Farey waxa uu ahaa halgamaa u shahiiday qaranka” Jeneraal Garabey

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka bilaabayaan qodista shidaalka

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} Turkiga oo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka bilaabayaan qodista shidaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka AS

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyihii Guutada 14-ka October oo Salaada Janaasada lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} Taliyihii Guutada 14-ka October oo Salaada Janaasada lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maydka Jeneraal Sheegow oo magaalada jowhar loo qaaday

khamiis 10, April-2025 {HMC} Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay.

Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday.

“Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.”

Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 10/04/2025

0

khamiis 10, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Faransiiska oo ku dhawaaqay in uu bilaha soo socdo aqoonsan doono Falastiin

khamiis 10, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah bilaha soo socda, isagoo xusay in tallaabadan si rasmi ah loogu dhawaaqi karo shir heer caalami ah oo lagu qabanayo New York bisha Juun, kaas oo looga hadlayo dagaalka Falastiin iyo Israa’iil.

“Waa inaan u dhaqaaqnaa dhanka aqoonsiga, waxaana sidaas samayn doonaa bilaha soo socda,” ayuu Macron ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka France 5.

“Tillaabadaasi waxaan u qaadeyna waa arrin sax ah waqtigaan, sidoo kalena waxaan rabaa inaan ka qeyb qaato dhaqdhaqaaq iskaashi oo ballaaran, kaas oo u oggolaanaya cid kasta oo Falastiin taageerta inay iyaguna aqoonsadaan Israa’iil.” ayuu yiri Macron.

Faransiiska ayaa doonaya inuu door fiican ka ciyaaro dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil, iyada oo la raadinayo laba dowladood daris ah in ay noqdaan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-10-2025}

Khamiis 10, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble & yaasiin cali

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiis Soomaaliya iyo Masar wada galeen

khamiis 10, April-2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyagoo ku bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

War laga soo saaray fadhiga Golaha uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa ammaanay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskaan labada Dowladood ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.