khamiis 10, April-2025 {HMC} Dadkii ugu badnaa oo Meydka General Sheegoow lu ku geeyay garoonka Muqdisho
Taliye shub “Dadkii fulayga ahaa ee kasoo cararay furimaha dagaalka waan soo qabaynay”
khamiis 10, April-2025 {HMC} Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday talaabooyin adag oo laga qaaday qaar ka mid ah ciidamadii Asluubta ee isaga soo baxay furimaha hore ee dagaalka.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadii kasoo cararay furimaha hore ee dagaalka qaar kood ay Muqdisho kusoo laabteen, iyagoo dib u iibinaya qaryahii loogu talo galay iney ku dagaalamaan, halka kuwa kalana ay uga soo tageen qoryahooda Furimaha hore.
Jenaraalka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka soo iibsaday qoryihii dagaalka loogu tala galay, haatan xasbiga la dhigay, islamarkaana kuwa kale furimaha uga soo cararay qoryahoodii dib loogu celiyey furimaha dagaalka.
“Dadkii fulayga ahaa ee kasoo cararay furimaha dagaalka anaga Muqdisho kuma sii deyn waan soo qabay, Ninkii qori la soo baxsaday, qorigii baanu ka gudnay, kii iibsadayna Xabsiga ayuu ku jiraa, kii qorigii aan gadan ee goobta ka soo tegay waxa aan dib ugu celinay furimihii uu ka yimid, malaha haatan Cadale ayay kusii dhaw yihiin ” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad.
Jeneraal Mahad ayaa saraakiisha iyo ciidanka Asluubta ee ku sugan furimaha dagaalka ku boggaadiyay sida ay uga go’an tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.
Dhawaan ayay aheyd markii askar ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyay furimaha hore ee dagaalada ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
{DAAWO MUQAALKA} Ragga iskaabulanimada ku gaara 35 sano oo khatar wayn ku jira
khamiis 10, April-2025 {HMC} Ragga iskaabulanimada ku gaara 35 sano oo khatar wayn ku jira
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Soomaaliya iyo masar oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AS
khamiis 10, April-2025 {HMC} Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Masar Dr Badr Abdel Caati, ayaa shalay oo Arbaco aheyd, waxa uu magaalada Qaahira kusoo dhoweeyay Axmed Macallin Faqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal.
Danjire Tamim Khalaf, Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in Wasiir Abdel Caati uu caddeeyay in intii uu socday kulanka in dalkiisa uu ixtiraamayo midnimada iyo wadajirka gayiga Soomaaliyeed iyo in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay hay’adaha Qaranka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wuxuu kaloo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada Soomaaliyeed si looga hortago caqabadaha amni ee hadda jira, loona soo celiyo amniga iyo xasiloonida, iyadoo la raacayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, maadaama ay tani ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee khatarta ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka.
Labada Wasiir arrimo dibadeed ee Masar iyo Soomaaliya ayaa isla gartay baahida loo qabo dadaallo mideysan oo heer gobol iyo mid caalami ah si looga hortago weerarrada argagixisanimada iyo ciribtirka xididdada argagixisada.
Dagaal Maalintii Sedaxaad Ka Socda Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.
khamiis 10, April-2025 {HMC} Dagaal Culus oo u dhaxeeyo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka iyo AS yaa Maalintii sadaxaaad ka soconaya Degaanka Abooreey oo hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ,
Dagaalkan ayaa Xoogiisa waxaa uu ka socnaya Gudaha Deegaanka iyagoona kuwada Dagaalamaya labada Dhinac
Saraakii ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda AS ay inta badan ka saareen Gudaha Magaalada Abooreey Balse Dagaalka Xoogiisa uu ka soconayo Duleedka Deegaanka
Inta uu socday Dagaalka waxaa ku Geeriyooday Saraakiil ka tirsan kuwa Deegaanka iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu kamid yahay Taliyihii ururka 163 Guutada 16 ee Kumaandooska Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Saacadihii ugu Dambeeyey Gurmayo kala Duwan oo ka kala Baxay Deegaanada iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa Gaaray Furimaha Hore ee Dagaalka si ay kaga qeeyb qaataan Howlglada ka socda Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ka soconaya Deegaanka Abooreey ayaa saraakiisha Ciidamada Deegaanka Qaarkood wexeey Aaminsan yihiin ineey heli waayeen Duqeeymihii dhinaca Cirka Alshabaabne Fursad u siisay ineey kasii Dagaalamaan godad la sheegay ineey halkaasi ka qoteen iyo Difaacyo ay ka galeen masaajid ku yaalo Deegaanka abooreey
sidoo kale Koxda AS ayaa kasoo Gudbaya Deegaanka Jiinka wabiga shabelle iyagoo ku sugan Deegaanada Galbeed ee Gobolka Hiiraan.
horaantii Todobaadkan Xubno ka tirsan kooxda AS ayaa taagay Deegaanka Abooreey oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo dhowr jeer oo kala Duwan Dabayaaaqadii Sanadkii 2022 kula Dagaalamay kooxda AS.
Deegaanka Aboorey ayaa qiyaastii 30 KM Dhica waqooyi wexeey kaga Beegan tahay Degmada Buulo Burde wexeeyna u dhaxeeysaa magaalooyinka halgan iyo Buulo Burde.
Somalia reaffirms commitment to migration cooperation at Khartoum Process Conference in Cairo
Thursday 10,April 2025 {HMC} Somalia has reaffirmed its commitment to enhancing migration cooperation and combating human trafficking at the Second Ministerial Conference of the Khartoum Process in Cairo on Wednesday under the Chairmanship of Egypt.
Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Amb. Ahmed Moallim Fiqi addressed the conference, which brought together nearly 50 countries from Europe and the Horn of Africa, along with key regional and international organizations.
“Over the past decade, the Khartoum Process has remained both relevant and responsive to the dynamic realities of migration,” he said. “It continues to serve as a vital platform for constructive dialogue, partnership, and action.”
Minister Fiqi expressed Somalia’s appreciation for Egypt’s leadership during its Chairmanship and reaffirmed Somalia’s strong engagement with the Process, particularly during its tenure on the Steering Committee while temporarily replacing Sudan since October 2021. He welcomed Sudan’s return and the restoration of its seat, framing Somalia’s role as one of African solidarity.
The Somali Foreign Minister also emphasized the importance of a comprehensive and inclusive approach to migration governance. He underscored national efforts to strengthen coordination, develop rights-based policies, and address the root causes of irregular migration through a gender-sensitive lens.
“The approach to migration must involve enhanced cooperation, focusing on migrant protection, return and reintegration, and dismantling criminal networks,” he added.
Minister Fiqi praised Egypt’s leadership during the Chairmanship and thanked the European Commission, African Union Commission, and ICMPD for their continued support.
Kenya cholera outbreak kills five: health official.
Thursday 10,April 2025 {HMC} Kenya’s government urged vigilance on Wednesday as it tackles a cholera outbreak that has killed at least five people, a health ministry official said.
Cholera is an acute intestinal infection that spreads through contaminated food and water and typically causes severe diarrhea, vomiting, and muscle cramps. It is especially dangerous for young children.
The east African nation reported dozens of cases in the aftermath of massive floods that swept over parts of the country last year.
“The government is asking you to be extremely vigilant of your surroundings… to deal with a cholera outbreak that has now claimed over five lives countrywide,” said health official Mary Muthoni in a statement.
In a statement on Tuesday, the health ministry had said the disease had been reported across three counties—Migori, Kisumu and Nairobi—and that there had been “97 cholera cases, including six fatalities.”
Cholera has broken out across other countries in eastern Africa, with South Sudan particularly hard hit. The impoverished nation recorded just under 700 deaths last month, according to the United Nations.
Separately, Muthoni said more than 1,000 cases of leishmaniasis had been reported in the country, adding: “We already have 33 dead.”
Leishmaniasis, which is caused by a microscopic parasite spread by sandflies, creates ulcers and disfiguring scars, and one variety can attack internal organs.
It is often associated with poverty and poor urban sanitation.
Faahfaahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Dagaal Ka Qarxay Dgmada Luuq ee Gobolka Gedo.
khamiis 10, April-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu uu markale saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan ayaa waxaa uu daba socday dagaal maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaalada Luuq.
Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.
Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Maleeshiyo beeleedkan dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay maantii labaad ay maanta ku dagaalamayaan degmada Luuq.
Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.
{DAAWO MUQAALKA} Masar oo Soomaaliya ka taageerayso ka hortagista weerarada AS
khamiis 10, April-2025 {HMC} Masar oo Soomaaliya ka taageerayso ka hortagista weerarada AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
FM stresses respect for Somalia’s territorial integrity, support for its national institutions.
Thursday 10,April 2025 {HMC} Foreign Affairs, Emigration and Egyptian Expatriates Minister Badr Abdelatty had talks on Wednesday with his Somali counterpart Ahmed Moallim Fiqi.
Abdelatty underlined Egypt’s respect for the integrity of lands of Somalia as well as full support for its national institutions as well as efforts to realize its security and stability.
He stressed the importance of promoting Somalia’s unity in the face of the current security challenges in order to restore security and stability.
He accentuated the importance of enhancing cooperation in the fields of combating terrorism and extremism.
He urged intensifying regional and international efforts to confront terrorist attacks and uproot terrorism.
The two ministers underlined the importance of continued coordination between the two countries in regional and international forums to face joint challenges in the Horn of Africa region.
They underlined the historical and amicable ties between the two countries.
For his part, the Somali minister voiced appreciation for Egypt’s support for Somalia at all levels.
He stressed his country’s keenness on furthering relations with Egypt.



