Home Blog Page 1051

Somaliland oo Maraykanka kala hadashay sidii loo joojin lahaa safar u qorsheysan RW xamse

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay Maraykanka kala hadashay sidii loo joojin lahaa safarka u qorsheysan Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, in uu ku tago magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan Washington, ayaa kulan uu barta X (Twitter) kula yeeshay qaar ka mid ah bulshada Somaliland, ka sheegay in dowladda Maraykanka ay la qaadatay aragtida ah in safarka Raysal Wasaaraha si degdeg ah loo joojiyo.

“Ninkii Raysal Wasaaraha ahaa ee tagayay Laascaanood dagaal weyn ayaanu maanta ka galnay, dowladda Maraykanku way nala qaadatay in si degdeg ah loo joojiyo, oo uuna tagin,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Maraykanka ay u sheegeen in safarka Raysal Wasaaraha ay dad kale dabada ka riixayaan, isla markaana markasta oo wanaagga Somaliland adduunyadu majeerato, ay dowladda Soomaaliya ishortaagto, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay yidhaahdeen in ay Al-Shabaab Xamar ka difaacaan ay ahayd, ee in Raysal Wasaare Laascaanood loo diro ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in safarkiisa uu Washington ku joogo uu gogol xaadh u yahay safar weyn oo ay bisha May ku tagi doonaan Maraykanka, intaa kadibna uu Madaxweynaha Somaliland booqan doono Washington, isaga oo sheegay in sugitaankii aqoonsigu uu soo gabagaboobay, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in Maraykanku aqoonsado Somaliland.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood, halkaas oo uu maamulka SSC-Khaatumo ka wado diyaargarow lagu soo dhawaynayo, iyaga oo sheegay in socdaalka Xamse uu muhiim u yahay midnimada Soomaaliya.

Somaliland oo lumisay gacan-ku-haynta magaalada Laascaanood horraantii sannadkii 2023, isla markaana u aqoonsan qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeedsatay socdaalka Xamse.

Dowladda Masar oo soo dhoweeysay gogosha uu dhigayo MW xasan sheekh

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Dowladda Masar ayaa soo dhaweeysay hindisaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan Shirka wadatashiga qaran iyo in la sameeyo gogol ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijisay in Masar ay ka go’an tahay sii wadida taageerada dadaallada dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Masar ayaa markale waxa ay ku celisay inay taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Masar ayaa bogaadisay dadaallada socda ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, waxayna caddeysay inay ka go’an tahay inay taageerto dhammaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in labaatan waddan oo saxiibadda Soomaaliya ah ay war ay soo saareen kusoo dhoweeyeen shirka wadatashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay.

Puntland oo soo kordhisay hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer madaxweyne oo lagu dhisay hay’ad lagu magacaabo hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Tallaabadan cusub ayaa imaaneysa iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan bixinta aqoonsiga dadweynaha oo ay Dowladda dhexe ee Federaalka dhawaan bilawday.

Puntland ayaa horey u diiday in barnaamijkaas laga hirgeliyo deegaanadeeda, iyadoo ku andacoonaysa in arrimaha aqoonsiga qaranku yihiin kuwo aan laga heshiinin oo la isku khilaafsan yahay.

Maalmo ka hor, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in dhammaan hay’adaha bixiya adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si waajib ah u bilaabaan isticmaalka kaarka aqoonsiga qaranka ee biometriga si loo xaqiijiyo loona ansixiyo aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga qaranka lagu xiro adeegyada kala duwan.

{DAAWO MUQAALKA} Xiliga Dagaalka Dadka Reer Hiiraan maxay kaga Duwan yihiin Gobolada kale ee Dalka.?

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Xiliga Dagaalka Dadka Reer Hiiraan maxay kaga Duwan yihiin Gobolada kale ee Dalka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka ka socda Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka ka socda Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 09/04/2025

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-09-2025}

Arbaco 09, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble & Shugri Baryare 

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Macalimoow oo ka digay Qorshayaal AS ay ka damacsan yihiin Dagaalka Abooreey.

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Xildhibaan Macalimoow oo ka digay Qorshayaal AS ay ka damacsan yihiin Dagaalka Abooreey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qaramada Midoobey oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaya Xaalada Soomaliya.

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Qaramada Midoobey oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaya Xaalada Soomaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dab Xoogan oo ka kacay Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ee Jowhar.

0

Arbaco 09, April-2025 {HMC} Dab Xoogan oo ka kacay Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ee Jowhar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA