Arbaco 09, April-2025 {HMC} Daawo Dagaal Toos ah deegaanka Abooreey
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {09-04-2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Mohammed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Taliye Odowaa Oo Kasoo Muuqday Dagaalka ka Socda Aboorey.
Arbaco 09, April-2025 {HMC} Taliye Odowaa Oo Kasoo Muuqday Dagaalka ka Socda Aboorey.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya oo laga ceyriyay shirka Midowga Afrika
Arbaco 09, April-2025 {HMC} Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya oo laga ceyriyay shirka Midowga Afrika
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} RW Ku Xigeenka Soomaaliya oo Booqday Dhaawacyadii Abooreey
Arbaco 09, April-2025 {HMC} RW Ku Xigeenka Soomaaliya oo Booqday Dhaawacyadii Abooreey
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-4-2025.
Arbaco 09, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Soomaaliya oo kuwait kaga qeyb gashay shirka hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta
Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.
Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.
Wafdi hordhac u ah RW xamse oo gaaray laascaanood
Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka kooban labada gole ee dowladda iyo ciidamo amniga sugaya, ayaa gaaray Laascaanood.
Waxaa la filayaa in ay diyaarinayaan maamuuska iyo qabanqaabada booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse oo hore u sheegay in safarka ka qeyb qaadan doono Mideynta dalka.
Ra’iisul wasaaraha markuu tago Laascaanood, wuxuu kulamo la yeelan doona Mas’uuliyiinta iyo Shacabka SSC Khaatumo.
Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa diidmo ka muujiyay Maamulka Somaliland oo sheegay in deegaannada SSC Khaatumo ay iyagu maamulaan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Dal muslim ah oo soo dhaweeyey dib u dajiinta shacabka Gaza
Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa ka shaqeenaya in magaalada Qasa ee dhulka Falastiin laga dhigo magaalo ka caagan dadka shacabka ah, waxa ayna labadan dal waqti ku bixinayaan sidii loo barakacin lahaa shacabka wali ku harsan magaaladaasi qeybo kamid ah.
Magaalada Qasa , hadda inteeda badan waxaa laga dhigay mid la burburiyay, waxaa sidoo kale la xasuuqay in ka badan 50-kun oo qof oo shacabka magaaladaasi kamid ahaa, xasuuqa ayaana hadda ah wali mid halkiisa kasii socda.
Dowladda Indonesia oo ah dalka Muslim ah ayaa shaaciyay in ay soo dhaweenayaan dib u dejina u sameenayaan qaar kamid ah shacabka kasoo barakacaya magaalada Qasa, si nolol ka duwan midii halkaasi ku heesatay u helaan.
Madaxweynaha dalka Indonesia Prabowo Subianto, ayaa sheegay in dalkiisa diyaar u yahay martigelinta ku dhawaad 1,000 Falastiiniyiin ah wejiga koowaad ee hindisahan, waxa uuna si gaar ah u xusay in lasoo dhaweenayo dadka dhibanayaasha ah.
Prabowo Subianto ayaa faray wasaaradda arrimaha dibadda in ay wadahadal degdeg ah la yeelato dhinacyada Falastiiniyiinta iyo kuwa caalamiga ah ee ku saabsan habka “ka daadgureynta dadka ay dhibaatadu saameysey si loogu soo qaado Indonesia.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in wajiga koowaad diyaar u yihiin inay ku qaabbilaan , dadka dhaawacyada culus qaba iyo sidoo kale carruurta agoonta ah, iyagoo siinaya daryeelka lagama maarmaanka ah ilaa ay si buuxda uga soo kabanayaan dhaawacyadooda. Waxay markaas awood u yeelan doonaan inay ku laabtaan Qasa marka xaaladdu soo hagaagto, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Dalal badan oo horey loogu soo nandhigay in ay qaabilaan shacabka magaalada Qasa ayaa iska diiday, waxa ayna sheegeen in dalalkaasi oo Soomaaliya ku jirto in aysan raali ka aheyn in shacabka magaalada Qasa dhulkooda si xoog ah looga barakiciyo.
Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay khaahira
Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer Wasiir ee Geedi-socodka Khartoum oo ku qabsoomay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Shirka oo oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 50 dowladood oo matalayay wadamada Yurub, Geeska Afrika iyo wakiillo ka socday Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ayaa diirrada lagu saaray dadaallada lagula dagaalamayo socdaalka sharci-darada iyo ka ganacsiga dadka.
Wasiirka ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo ah shir-guddoonka shirka, isaga oo sheegay in geedi-socodka Khartoum uu yahay wax ka run sheegaya xaaladaha is-beddelka leh ee arrimaha socdaalka, aynta tahay madal muhiim u ah wadahadal wax ku ool ah, wax wadaagga iyo tallaabo-qaadka.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatan soo dhowaynayso dib ugu hanashada Suudaan kursigeeda matalaadda.
Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato hab-maamul loo dhanyahay oo ku salaysan socdaalka oo la jaanqaadaya qorshe howleedka Qaahira. Waxa uu carabaabay dadaalka badan ee lagu xoojinayo hababka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqaha, ee dhowraya farqiga u kala dhexeeya lab iyo dhedig, xalna u raadinaysa sababaha ku askumay socdaalka sharci-darada ah ee loo yaqaan “tahriibka”.
Wasiirka ayaa sheegay in hannaanka socdaalka oo halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soogalootiga, dib-u-celinta iyo ku dhex-milankooda bulshada iyo burburinta shabkadaha dembiyadani abaabula.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar xilligeeda shir-guddoonnimo, isaga oo muujiyay taageeriddiisa dhammaystiran ee Faransiiska oo noqonaya shir-guddoonka xiga ee Geedi-socodka Khartoum, waxa uu u mahadceliyay Midowga Yurub , Midowga Afrika iyo Xarunta (ICMPD) horumarintooda siyaasadaha socdaalka.



