Home Blog Page 1070

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Dowladda Soomaaliya oo hakisay Muwaadiniinta qaar ee Dalka ka Baxaya.

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Dowladda Soomaaliya oo hakisay Muwaadiniinta qaar ee Dalka ka Baxaya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Baladweyne oo Hiiraanweyn ugu Hambalyey Sanad Guuradii 13 Aad

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} Shacabka Baladweyne oo Hiiraanweyn ugu Hambalyey Sanad Guuradii 13 Aad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo war kasoo saaray Duqeeymaha israa’iil ay ka wado Suuriya.

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} Turkiga oo war kasoo saaray Duqeeymaha israa’iil ay ka wado Suuriya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo iskugu Yeeray Qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo iskugu Yeeray Qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-04-2025}

Jimco 04, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Cali  & Sahro Ibraahim

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/4/2025

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

                          Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Sirdoonada 60 dal

Jimco 04, April-2025 {HMC} Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka qayb galay shirkii 2-aad ee iskaashiga sirdoonka ee Mashariki oo ka dhacay magaalada Naivasha, Kenya.

Shirkaas waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socday in ka badan 60 hay’adood oo sirdoon ah oo ka kala yimid Afrika iyo dalal kale, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta sirdoonka iyo la dagaalanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo hanjabaadaha internetka.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in NISA ay ka go’an tahay iskaashi buuxa oo lagula dagaallamo khataraha amni, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish. Waxa uu carabka ku adkeeyay in madasha noocan oo kale ah ay muhiim u tahay wadaagista xogaha amniga iyo dhisidda isbahaysiyo adag oo gobolka ah.

Shirka waxaa sidoo kale lagu lafaguray istaraatiijiyado cusub oo lagu xoojinayo amniga gobolka iyo ka hortagga khataraha joogtada ah ee Geeska Afrika.

Dowladda soomaaliya oo dadaal ugu jirta samatabixinta muwaadiniin ku xaniban dalka Panama

Jimco 04, April-2025 {HMC} Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay muwadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka kuna xanniban dalka Panama, waxaana ay cadeeysay in arintoodi ay kor kala socdaan.

“Illaa hadda xogtaan hayno waxaa waaye, in Panama ay hadda ku suganyahiin dad Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay Maraykanka,” ayuu BBC da u sheegay Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haddeer ma ogga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu shaaca ka qaada la taliye Diinaari oo horay u hogaamiyay howlgallo ay wasaaradda arimaha dibaddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahayd oo ku sugnaa wadamo kala duwan.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waa naloogu maqanyahay macluumaadkooda” ayuu yidhi Diinaari oo ka warbixinayay Xaaladda Soomaalidaas Panama ku xanniban.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ee la keenay Panama waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horeysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas in ay tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taala caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Dowladiisu waxa ay bilowday qorshaheeda masaafurinta dadkii siyaabaha kala duwanaa ee aan sharciga ahayn ku galay dalkaasi arrinkaas oo uu madaxweynaha amaray.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ka hortagtay dhalinyaro si sharci darro uga bixi rabtay dalka

Jimco 04, April-2025 {HMC} War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay Hay’addu xoogga saartay ka hortagga, la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah iyadoona ka hortagtay dhalinyaro badan oo si sharci darro ah ku bixi rabay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxa ay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Warka kasoo baxay Hay’adda ayaa sidoo kale shaaca looga qaaday in Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, ay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka.

Dhalinyaradaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay’adda Socdaalka ay tilmaamtay in ay ku wareejisay Hay’adda ku shaqada leh kadib markii lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen.

Ugu dambeyntii Hay’adda Socdaalka ayaa ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda kordhiyaan si looga badbaadiyo khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.

Turkiga oo Ka Hadlay Duqeymaha ay Ka Israel ka wado Siiriya

Jimco 04, April-2025 {HMC} – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Israa’iil, iyadoo ku eedeysay in ay tahay xukuumad cunsuriyad iyo xagjirnimo” ku dhisan, taasoo leh damac isballaarin oo khatar ku ah amniga gobolka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarrada Israa’iil ay ka geysaneyso gudaha Suuriya iyadoo aan wax weerar ah lagu soo qaadin ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, taasoo muujineysa in siyaasadda Israa’iil ay ku dhisan tahay hurinta colaadaha.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in xasillooni-darro ka dhalata tallaabooyinka Israa’iil ay si weyn u saameynayso ammaanka gobolka, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabo ka qaaddo si loo xakameeyo ficillada Israa’iil.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Israel iney wado quudinta kooxaha argagaxisada ee Syria ku sugan si ay halkaas dib ugu soo celiso fowdadii horay uga taagneyd, wasiirka arimaha dibada Turkey Hakan Fidan ayaana Israel u sheegay in dan ugu jirto iney joojiyaan weerarada ay Syria kawadaan hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aysan xisaabta ku darsanin.

Israel ayaa kor u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan Syria iyadoo markale xalay duqeyn ka geysatay duleedka magaalada Dimishiq, waxayna u muuqataa in weeraradan cusub ee Israel isku fureyso ay soo dadajin dagaal buuxa oo ka dhaca bariga dhexe kaasoo markan uu ku lug yeelan karo Turkiga.