Home Blog Page 1069

{DAAWO MUQAALKA} 7-Sano kadib Maxaa u Qabsoomay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.?

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} 7-Sano kadib Maxaa u Qabsoomay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Turkiga oo diidan Xil-wareejinta Wasiir Jaamac + Qorshaha Socda.

Sabti 05, April-2025 {HMC} Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la sheegay inuu diidan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Ilaa hadda lama shaacin sabab rasmi ah oo keentay dib-u-dhaca, hase yeeshee warar hoose ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan wali ka jawaabin cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay wasiirka cusub.

Warbixino lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Turkiga—oo ah lammaanaha milatari ee ugu dhow Soomaaliya—ay ka soo horjeedo xil ka qaadista Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Turkigu waxa uu door weyn ku leeyahay amniga Soomaaliya, isagoo siiya ciidanka tababar, qalab iyo taageero gaar ah oo loogu talagalay unugyada khaaska ah.

Dhawaan, wasiirkii hore ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Ankara.

Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhowr dal oo xiriir amni la leh Soomaaliya ay cadaadis ku saareen Villa Somalia in la beddelo wasiirkii hore si loo xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, si gaar ahna dowladda Mareykanka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo horey u soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay hay’adaha sirdoonka Turkiga. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka howlgala amniga Soomaaliya, kuwaas oo ka cabsi qaba in xogaha sirdoonka muhiimka ah ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaadaan hal waddan oo keliya.

Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay xariga loo geystay Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka.

Sabti 05, April-2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay.

“Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.

{DAAWO MUQAALKA} AS Dambe lama dhahaayo ha isa soo dhiibaan maxaa yeelay waa Kansar waana in la jaraa.

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} AS Dambe lama dhahaayo ha isa soo dhiibaan maxaa yeelay waa Kansar waana in la jaraa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {05.04.2025}

Sabti 05, April-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {04-04-2025}

Jimco 04, April 2025 {HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohammed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Caawa Howlgalo ka wado shabeelada dhexe.

0

Jimco 04, April-2025 {HMC}  Ciidamada Dowladda oo Caawa Howlgalo ka wado shabeelada dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Sirdoonada 60 dal

0

Jimco 04, April-2025 {HMC}  Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Sirdoonada 60 dal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 04-4-2025.

0

Jimco 04, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Taliska Booliska Degmada Moqokori oo Ka Hadlay Kulanka Saddex Biloodle ah oo Lagu Xoojinayay Xiriirka Bulshada iyo Booliiska

4 April 2025 {HMC} Taliska saldhigga booliiska degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in si guul leh loo soo geba-gebeeyay kulan saddex biloodle ah oo lagu qabtay magaalada Moqokori, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhaxeeya shacabka iyo laamaha amniga, gaar ahaan booliiska.

Kulankan oo socday dhowr maalmood, ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ballaaran ee lagu taageerayo nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada kaddib markii degmada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Waxaa ka soo qeyb galay madaxda maamulka degmada, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed iyo Darawiishta, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, culimada iyo ururada bulshada rayidka ah.

Taliyaha saldhigga booliiska Moqokori, Kabtan  Mohamed Ali wasuge  oo la hadlay Hiiraanweyn  ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh dib u dhiska kalsoonida shacabka ee ku aaddan booliiska. Wuxuu xusay in xiriir adag oo ku dhisan wada-shaqeyn, is-faham, iyo kalsooni uu yahay aasaaska amniga waara iyo ka hortagga falalka amni-darrada.

“Kulankan wuxuu ujeedkiisu ahaa inaan ka dhigno booliisku kuwo la jaanqaada baahida bulshada, kana shaqeeya ilaalinta xuquuqdooda iyadoo la ixtiraamayo xeerarka iyo hab-raacyada sharciga ah,” ayuu yiri Taliyaha.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo haweenka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulankan uu yahay tallaabo weyn oo horseedi karta dib u dhiska nabadda, kalsoonida shacabka iyo dib u soo celinta adeegyada amni ee si hufan u shaqeynaya.

“Sanado badan ayaan ka maqneyn wax kulamo ah oo sidan oo kale ah. Waan ku faraxsanahay in hadda la nagu casuumo lana dhageysto codkeena,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka deegaanka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera arrimaha xasilinta iyo Booliiska  ayaa lagu wadaa in ay sii xoojiyaan taageeradooda si loo dardargeliyo dib u dhiska hay’adaha amni ee heer degmo iyo sare u qaadidda ka qeybgalka bulshada ee arrimaha nabadgelyada.