Home Blog Page 1068

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Qaabka uu u dhacay dilka Taliyihii Guutada 14 Ogtoobar

Sabti 05, April-2025 {HMC} FAAH FAAHIN Qaabka uu u dhacay dilka Taliyihii Guutada 14 Ogtoobar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Faahfaahino Kasoo Baxayo Weerar lagu Qaaday Kooxda AS

Sabti 05, April-2025 {HMC}  Howlgal qorshaysan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay AS ayaa ciidanka deegaanku waxa ay ka fuliyeen degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulada Ceelka nuur-gadow halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Howlgalkaan inta uu socday waxaa lagu dilay saddex ka mid ah AS halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Xubnihii Ka Tirsanaa AS ee weeraray, iyadoo ciidanka deegaanka ay goobtii ka soo qaateen hub iyo rasaas badan.

Ciidanka deegaanka ayaa xoojiyay howlgalada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dhuumaalaysanaya kadib markii dowladdu u balan qaaday abaalmarino kala duwan.

Taliyihii Guutada 14 October oo lagu dilay G/Sh/Hoose.

Sabti 05, April-2025 {HMC} Allaah u naxriistee Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) ayaa maanta lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose.

Nin hubeysan oo xiran dareeska ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu toogtay taliyaha, sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada ee ku sugan Gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka falka geystay uu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalana ay sheegayaan in ninka falka geystay uu ka yimid maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha Milatariga ayaa xaqiijiyay geerida AUN Gaashaanle Sare Nuur Fareey oo ahaa taliyaha Guutada 14 Ogtoobar.

Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u geeriyooday, waxaana loo badinayaa in uu ku dhintay rasaas uu furay askari ciidanka ka tirsan.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu la hadlaayay ciidan faylsan.

Booliiska Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Xarigga Gudoomiye Xisbi

Sabti 05, April-2025 {HMC}  War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu faah-faahiyay Xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo ah ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyada dalka oo xalay lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xarigga Cabdiraxmaan uu yimid kadib markii uu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, Islamarkaan ciidanka amniga ee saldhigga booliska Xamarweyne oo waajibkooda gudanaya ay xireen.

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaan caddaalada la horgeyn doono mas’uulkan oo ku eedeysan inuu dambiyo.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Looga Hadlay Kulan Ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.?

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} Maxaa Looga Hadlay Kulan Ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maamulka SSC Khaatuma oo war ka soo saartay Safarka RW Xamsa ee Magaalada Laascaanood.

Sabti 05, April-2025 {HMC} Maamulka SSC-khaatumo ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku soo wajahan yahay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caddaaladda maamulkaas Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay “maamul ahaan iyo ka shacab ahaanba waxaanu u diyaargaroobaynaa imaanshaha R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo iman doona Laascaanood”.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka SSC-Khaatumo yahay midka ugu amniga badan Soomaaliya laga soo bilaabo Buuhoodle ilaa Ceerigaabo. Wasiir Xijaar ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaase Xamse imanayo Laascaanood.

Tiro madaafiic ah oo saakay lagu garaacay Degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Sabti 05, April-2025 {HMC} Wararka aan heleyno, ayaa sheegaya in dhowr madfac lagu soo tuuray aagga ay ku taallo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira khasaaro ka dhashay madaafiicda qaarkood.

Qaar kamid ah madaafiicda lagu tuuray Vill Soomaaliya , ayaa ku dhacay xaafado dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla agagaarka iskuulka 15 ka May iyo sidoo kale xarunta tiyaatarka Qaranka.

Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaaro dhaawacyo ah oo ka dhashay madaafiicda saakay lagu soo tuuray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , mana jiro war rasmi ah oo laamaha amniga kasoo saareen madaafiicdan iyo khasaaraha ka dhashay.

Marar badan ayaa sidaan oo kale madaafiic loogu soo tuuray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna madaafiicdaasi qaarkood sababeen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah.

{DAAWO MUQAALKA} Jabuuti ilaa Wajeer ayaa Gurmad Dagaalka AS Laga Sugaaa

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} Jabuuti ilaa Wajeer ayaa Gurmad Dagaalka AS Laga Sugaaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa u qabsoomay Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Soomaaliya?

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} Maxaa u qabsoomay Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Sababta loo xiray Gudoomiy Xisbi.

0

Sabti 05, April-2025 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Sababta loo xiray Gudoomiy Xisbi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA