Sabti 05, April-2025 {HMC} Maxay ka wada hadleeyn Madaxweyne Xasan shiikh iyo Qaar kamid ah madaxda M/Goboledyada.
{DAAWO MUQAALKA} Abaabul Dagaal oo ka socda Galmudug.
Sabti 05, April-2025 {HMC} Abaabul Dagaal oo ka socda Galmudug.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dagaal iyo duqeymo ka dhacay degmada galcad.
Sabti 05, April-2025 {HMC} Wararka aan ka heleyno degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno hoostaga degmadaasi.
Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeymo xooggan la beegsanayaan saldhigyo ay Alshabaab ku leeyihiin deegaanno iyo tuulooyin hoos yimaada Galcad.
Xiriiro aan la sameynay dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayaan jugta qaraxyo xooggan oo diyaaradaha dagaalka ay la beegsanayaan saldhigyada Alshabaab.
Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo AS ayaa ka dhacay Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo yimid ka dib markii ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen AS.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay kordhiyeen howlgallada ay ka sameynayaan deegaannada ka tirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Maxay ka wada hadleen MW xasan sheekh, laftagareen, guudlaawe iyo qoor-qoor ?
Sabti 05, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo AS
Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah AS.
Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka AS, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka AS ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo AS.
Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka AS.
Farmaajo condemns arrest of People’s Political Organization chairman.
Saturday 5,April 2025 {HMC} Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has condemned the arrest of Abdirahman Suleyman Jama, the chairman of the People’s Political Organization, who was detained by Somali police in Mogadishu on Friday.
In a statement released by his office, Farmaajo said the arrest reflects the political process and electoral environment President Hassan Sheikh Mohamud is fostering.
“This violation damages the country’s political stability and undermines the democratic process. We call on the President to immediately restore the freedom of the chairman of the People’s Political Organization, who was illegally targeted,” the statement read.
The former President also urged Somalia’s security agencies to uphold their constitutional duties and avoid actions that erode public trust and tarnish the military’s reputation.
“Once again, we call on President Hassan Sheikh Mohamud to refrain from actions that deepen political uncertainty and instead focus on restoring national unity and cohesion. At this difficult moment, it is critical to save Somalia from the existential and security threats it faces,” Farmaajo added.
The Banadir Regional Police Command said that Abdirahman Suleyman is suspected of committing acts “against national security,” but has not provided additional details. He is expected to be brought before a competent court.
Abdirahman’s arrest followed a televised interview on Shabelle TV, during which he sharply criticized the government, accusing President Hassan Sheikh Mohamud of failing to deliver on security and economic reforms.
The arrest came just days after President Mohamud invited political rivals and stakeholders to participate in a national consultation forum to unify efforts against the Al-Shabaab insurgency and strengthen Somalia’s federal system. The initiative comes amid a recent spike in Al-Shabaab attacks and is seen as a bid to rebuild political consensus and stabilize the country.
Senior Somali army commander killed in Lower Shabelle region
Saturday 5,April 2025 {HMC} The commander of the 14th of October Division of the Somali National Army (SNA), Brigadier Nur Mohamed Gaabow, widely known as Nur Farey was assassinated in the Ado-Diidible area of Lower Shabelle on Saturday.
Military sources said the killing occurred as Brigadier Nur was addressing troops during a routine inspection ahead of an anticipated offensive against Al-Shabaab. A man in military uniform suddenly opened fire on the commander, fatally shooting him on the spot.
The attacker’s identity remains unknown, and security officials are investigating whether the assailant was an infiltrator disguised in SNA fatigues or an insider.
“We are thoroughly probing the circumstances surrounding the assassination of Brigadier Nur Gaabow,” a senior SNA officer said.
The death of Brigadier Nur marks a serious setback for Somalia’s counter-insurgency operations in the Lower Shabelle region.
The federal government has not yet issued an official statement. Still, the incident comes amid an ongoing military buildup aimed at launching large-scale operations in Lower and Middle Shabelle to drive Al-Shabaab out of its remaining strongholds.
Mogadishu police arrest Chairman of People’s Political Organization over security concerns,
Saturday 5,April 2025 {HMC} Somali police in Mogadishu arrested Abdirahman Suleyman Jama, the chairman of the People’s Political Organization, on Saturday, citing concerns related to national security.
In a brief statement, the Somali Police Command for Banadir Region said Abdirahman Suleyman is suspected of committing acts “against national security” but did not provide further details. He is expected to appear before a competent court.
Abdirahman, who was reportedly accompanied by MP Abdikarin Deyr Abdi, a federal lawmaker representing SSC-Khaatumo, was arrested after they left Sanaag Hotel. According to the MP, their vehicle was intercepted by police and intelligence officers, who forcibly removed Abdirahman from the car and transported him to Godka Jilicow, a high-security detention facility. The MP said he was ordered to drive the vehicle away himself.
The arrest follows Abdirahman Suleyman’s recent televised interview with Shabelle TV, in which he harshly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing the government of military failures and financial mismanagement.
“The federal government is barely holding ground at Afgooye and Balcad. The army’s supplies have been auctioned off. President Hassan Sheikh has failed. We, as several political parties, have already filed cases in the United States and the United Kingdom,” Abdirahman said during the interview.
The arrest comes amid President Hassan Sheikh Mohamud’s recent call for a national consultation forum, inviting political stakeholders, including his rivals, to collaborate on addressing the country’s security challenges and improving the federal system. The president’s call followed a surge in Al-Shabaab attacks and was seen by some observers as a bid to restore political unity.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-05-2025}
Sabti 05, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Cali & Sahro Gabre
Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei
Maxaa Ka Jiro in Mareykanka uu Ballaarinayo Duqeymaha D~C iyo AS?
Sabti 05, April-2025 {HMC} Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Michael Langley, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka u qaabilsan ciidamada Mareykanka in Mareykanku ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Soomaaliya.
“Madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga waxay i siiyeen awood ballaaran oo aan ku beegsado oo aan ku duqeyno si xooggan oo degdeg ah,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan Daacish.
Waxa uu tilmaamay in sidoo kale la xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo uu sheegay inay sare u qaadday dhimashadooda.
“Si adag ayaan u garaacaynaa, hadda waxaan awood u leeyahay inaan si adag u garaacno Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in la beegsado kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Puntland, iyo Shabaabka ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Trump ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah, isagoo xusay in aysan jiri doonin meel ay ku dhuuntaan kooxaha argagixisada ah.
{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo Muqdisho ka Bilaaway Kulamo Caalami ah
Sabti 05, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan muhiim ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimo dhowr ah oo muhiim u ah mustaqbalka Gobolka, waxaana ka mid ahaa: Amniga, Siyaasadda, iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha iyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa iska xog-waraystay xaaladda Amni ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerada ay u baahan yihiin Bulshada iyo dadaallada socda ee lagu Daadejinayo Adeegyada Dowladda.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.




