Sabti 05, April-2025 {HMC} Maraykanka Oo Amar ku bixiyay in la beegsado Kooxaha IS Iyo AS ee Soomaaliya ku sugan
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay uJeedka Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Gaaray Ugandha.
Sabti 05, April-2025 {HMC} Maxay tahay uJeedka Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Gaaray Ugandha.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} AS Waan ka Saareeyna Hirshabeelle wax yar Ayaa dhiman ka .”Gudoomiye Makaraan.”
Sabti 05, April-2025 {HMC} AS Waan ka Saareeyna Hirshabeelle wax yar Ayaa dhiman ka .”Gudoomiye Makaraan.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
2,500 oo askari oo Itoobiyaan ah oo la geeyo Soomaaliya.
Sabti 5,April 2025 {HMC} Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa oggolaaday in 2,500 oo askari oo Itoobiyaan ah la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Masar ayaa sidoo kale lagu wadaa in ku dhawaad 1,100 askari ay ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Tirada guud ee ciidamada militariga ee loo oggolaaday inay ka qeyb qaataan AUSSOM, oo si rasmi ah u bilaabatay bishii Janaayo, ayaa ka yar 12,000 oo askari, marka laga reebo ciidamada Booliska iyo kuwa kale ee ammaanka.
Uganda ayaa ku biirin doonta 4,500 oo askari howlgalka AUSSOM, halka Jabuuti iyo Kenya lagu wado in ay soo diraan 1,520 iyo 1,410 nabad ilaalin ah.
Tirada ugu dambeysa ee ciidamada ku biiraya AUSSOM ayaa waxaa xaqiijiyay guddiga isku xirka howlgallada Soomaaliya (SOCC) oo qaabilsan howlgalka nabad ilaalinta.
AUSSOM ayaa bedeshay Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) bilowgii sannadkan, laakiin waxa ay weli caqabad ku tahay arrimaha maalgelinta inkastoo ay taageero ka helaan AU iyo UN.
Warbixin la soo saaray Agoosto 2024 ayaa tilmaameysa in wax ka yar 13,000 oo ka mid ah 20,000 oo askari ee ka qeyb qaadanayay ATMIS ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
AUSSOM waxaa loo qorsheeyay inay shaqeyso ilaa dhamaadka 2028. Marka laga reebo ciidamada hoos yimaada AUSSOM, dhowr boqol oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu wadaa in la geeyo Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.
War ka soo baxay la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in durbaba ay socdaan howlgalo ciidan oo ay iska kaashanayaan ciidamada AUSSOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya.
Arimahan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaanahan ay kordheen weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab oo uu kamid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dib u soo cusboonaatay duulaanka ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu arkay duqeymo ay fuliyeen ciidamada cirka Mareykanka iyo kuwa Itoobiya.
Madaxweyne xasan sheekh oo gaaray dalka uganda
Sabti 05, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo la filaayo in uu kulan la yeesho Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni.
Ujeeddada safar madaxweynaha ayaa ah Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha ku tagay dalka Uganda sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Al-shabaab.
Sidoo kale, labada Madaxwayne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan xoojinta arrimaha xiriirka laba geesoodka ah, kuwaas oo dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.
Mareykanka oo ballaarinaya duqeymaha ka dhanka ah Daacish iyo AS Soomaaliya.
Sabti 5,April 2025 {HMC} Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Michael Langley, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka u qaabilsan ciidamada Mareykanka in Mareykanku ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Soomaaliya.
“Madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga waxay i siiyeen awood ballaaran oo aan ku beegsado oo aan ku duqeyno si xooggan oo degdeg ah,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan Daacish.
Waxa uu tilmaamay in sidoo kale la xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo uu sheegay inay sare u qaadday dhimashadooda.
“Si adag ayaan u garaacaynaa, hadda waxaan awood u leeyahay inaan si adag u garaacno Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Gen. Michael Langley.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in la beegsado kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Puntland, iyo Shabaabka ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Trump ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah, isagoo xusay in aysan jiri doonin meel ay ku dhuuntaan kooxaha argagixisada ah.
SNA Forces Launch Major Operation Against Al-Shabaab Hideouts in Galgaduud.
Saturday 5,April 2025 {HMC} Units of the Somali National Army (SNA), the 242nd and 243rd battalions, have conducted a wide-scale security operation in the areas of Jilib Qoodhiley, Qori Madoobe, and Cali Yabaal—all located in the Galgaduud region.
Commanders of the units, Captain Bashiir Qorane of the 242nd Battalion and Captain Cabdi Daahir Xirsi of the 243rd, stated that the aim of the operation was to preempt attacks planned by Al-Shabaab militants who have routinely targeted innocent civilians.
During the operation, the army destroyed several Al-Shabaab hideouts and confirmed that the targeted areas are now secure. The successful mission is part of ongoing national efforts to clear terrorist threats and restore stability across Somalia.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyna Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Uganda.
Saturday 5,April 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

President Hassan Sheikh arrives in Uganda for Talks with his counterpart.
Saturday 5,April 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has arrived in Kampala, Uganda, for a working visit where he is set to meet with Ugandan President Yoweri Museveni.
The visit focuses on strengthening joint efforts in the fight against Al-Shabaab and boosting bilateral relations across multiple sectors. The leaders aim to enhance cooperation in security and deepen the longstanding partnership between the two nations.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/5/2025
Sabti 05, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn



