khamiis 3, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
{DAAWO MUQAALKA} DF oo qaaday talaabo ka dhan ah AS iyo Daacish
Khamiis 03, April-2025 {HMC} DF oo qaaday talaabo ka dhan ah AS iyo Daacish
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Kulan 3 bille ah oo la xiriiro Booliiska iyo wada shaqeynta bulshada oo lagu so geba-gebeeyay Degmooyinka Moqokori iyo Aden Yabaal
3-April 2025 -{HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle oo kaashaneysa taageerada farsamo iyo mid dhaqaale oo ay bixiyeen UNDP-Japan ayaa u suurtagelisay qabashada kulamo saddex biloodle ah oo lagu qabtay degmooyinka Moqokori iyo Aden yabal iyada oo manta laso geb-gebeeyay kulanki ugu dambeeyay muddo 3 bil ah -Janaayo-April 2025
Kulamadan ayaa la isugu keenay dhammaan qaybaha bulshada si loo abuuro madal wadatashi ah, loogana shaqeeyo dib u dhiska kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga, iyadoo la horumarinayo hannaan boolis bulsheed oo ku saleysan deegaanka.
- Kulamadan oo ay ka qeyb galeem G,uddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas’uuliyiinta maamulka hoose, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo cutubyada Darawiishta, Odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo culimada, Ururada bulshada rayidka ah (CSOs)  waxaaa diiradda lagu saaray Xoojinta kalsoonida ka dhaxeysa bulshada iyo laamaha amniga, Dhisidda guddi nabadeed oo heer degmo ah oo si joogto ah ula socdo xaaladda amniga, Ku dhaqanka mabda’a boolis dimoqraadi ah iyo isla xisaabtan bulsheed iyo Dhiirrigelinta ka qeybgalka firfircoon ee bulshada rayidka ah ee arrimaha maamulka iyo nabadgelyada.
Dadka deegaanka ee Moqokori iyo Aadan Yabaal waxay si weyn u soo dhaweeyeen kulamadan, iyagoo u arkay inay astaan u yihiin soo laabashada dowladda, ilaalinta xuquuqda shacabka, iyo dib u bilaabashada dhaqan wadatashi ah oo muddo dheer hakad ku jiray. Kulamadu waxay abuureen rajo cusub iyo dareen la xiriira in codka shacabka la maqlo lagana qaybgeliyo go’aan qaadashada.
Kulamada saddex biloodle ee wadatashiga bulshada waxay noqdeen hannaan  muhiim ah oo lagu taageerayo xasilloonida, dib u dhiska dowladnimada, iyo horumar waara oo deegaanka ku saleysan. Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo kulamadan, lana helo taageero joogto ah oo dowladda iyo beesha caalamka ah si loo gaaro bulsho nabad ah, midaysan, oo leh adeegyo caddaaladeed iyo amni oo hufan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {03-04-2025}
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye shuute”Madax Wargelo Malahee, Madax Mudac Galo ayey Leeyihiin”
Khamiis 03, April-2025 {HMC} Gudoomiye shuute”Madax Wargelo Malahee, Madax Mudac Galo ayey Leeyihiin”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} FAAH-FAAHIH: Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Baladweyne.
Khamiis 03, April-2025 {HMC} FAAH-FAAHIH: Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jubbaland oo ciidan tiro badan u dirtay Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose
Khamiis 03, April-2025 {HMC} Ciidamo aad u tira badan oo ka tirsan kuwa Daraawisihta maamulka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanada ay kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.
Muqaal lagu baahiyay Talefeshinka ku hadla afka maamulka Jubbaland ayaa lagu arkaayay ciidamadaan oo ah kuwa aad u hubeysan oo loo dhameystiray qalabkooda, kuwaas oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Waqooyi ee gobolkaas.
Dhowr maalin ka hor ayay aheyd markii howlgal qorsheysnaa oo ay iska kaashadeen ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa wada dhaqdhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan in kooxda Al-shabaab kaga xureeyeen deegaanda ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyntii dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada Caalamka ay duqeymo culus oo khasaare xooga leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Jilib oo Al-shabaab u ah saldhigooda ugu weyn .
{DAAWO MUQAALKA} Abaabul dagaal oo ka socda Sh/Hoose iyo dulaan ku wajahan AS
Khamiis 03, April-2025 {HMC} Abaabul dagaal oo ka socda Sh/Hoose iyo dulaan ku wajahan AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Golaha wasiirada oo ka hadlay Dagaalka AS iyo guulaha ciidamada gaaren
Khamiis 03, April-2025 {HMC} Golaha wasiirada oo ka hadlay Dagaalka AS iyo guulaha ciidamada gaaren
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {03-04-2025}
Khamiis 03, April 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Cali & Sahro Ibraahim
Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei



