Home Blog Page 1073

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03/4/2025

0

Khamiis 03, April-2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

DFS oo sheegtay waqtiga la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka ee dowladda Turkiga ka waddo Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta uu shirguddoomiyey Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, looga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

Wasaaradda ayaa shirka Golaha Wasiirrada ka caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii na soo dhaafay, ka dib waxa uu loo galbiyey dhankaas iyo xeebaha maamulka Galmudug, halkaas oo howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya ka billaabay.

Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la sameeyay sanadkii 2017, waxa uu kaalin firfircoon ka qaadan doona sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd shidaalka, kaas oo la sheegay in uu kaalin wanaagsan ka qaadan doona haddii la soo saaro koboca dhaqaalaha dalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Asarbajaan oo kala saxiixday heshiis dhanka waxbarashada ah

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Asarbajaan Ilham Aliyev ayaa saxiixay wareegto lagu ansixiyay heshiis Iskaashi oo dhinaca Waxbarashada ah oo u dhexeeya Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Asarbayjaan iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa ku wargelin doonta dowladda Soomaaliya, marka la dhammeeyo dhammaan habraacyada gudaha ee looga baahan yahay dhaqan galka heshiiska.

Sidoo kale, Heshiiska ayaa ahaa mid ka mid ah dukumeentiyo dhowr ah oo muhiim ah oo lagu kala saxiixday xaflad rasmi ah oo ay ka soo qeyb galeen madaxweynayaasha Aliyev iyo Xasan Sheekh Mohamud oo ka dhacay caasimadda Asarbayjaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydaarsaday heshiiska iskaashiga waxbarashada ee la saxiixay ee uu hadda ansixiyay Madaxweyne Aliyev.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Baku Feb 12, 2025, xilligaasoo uu booqasho rasmi ah ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaal beeleed ay dad badani Ku dhinteen oo ka dhacay gobolka mudug

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Waxaa saakay xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn laga dareemaya inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax quran oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug, halkaasi oo shalay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay iney ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo isugu jira labada dhinac, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkii Shalay labada malesshiyo beeleed ku dhexmaray Galbeedka gobolka Mudug ayaa dhaawacyadooda loo kala qaaday magaalooyin ku kala yaala deegaanada Galmudug iyo Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobahii Shalay lagu dagaalamay ayaa sheegaya in wali labada dhinac isku hor fadhiyaan deegaanada ay ku dagaalameen, waxaana jirto cabsi laga qabo in marwalba uu dib u qarxo dagaalka.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa ah mid salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah haatan dhul abaar ah oo aysan ka muuqan nacfi lagu dagaalamo.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan beelood ee walaalaha ah ee wada dega Galbeedka gobolka Mudug.

Somaliland: in ka badan 20 qof oo ku sumoobay hilib ay cuneen

Khamiis 03, April-2025 {HMC} 21 qof oo isku qoys ah ayaa ku sumoobay hilib qaalin geel ah oo ay qasheen maalintii Sabtidii, deegaanka Ximan ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

Sida ay BBC Somali warisay, qoyskan ayaa sumoobay kaddib markii ay qasheen qaalinta geela ah oo uu xanuun soo ritay. Waxaa la sheegay in ay marka hore dawooyin ku mudeen, balse markii xaaladdeedu kasii dartay ay qasheen si ay hilibkeeda u cunaan. Qaar ka mid ah xubnaha qoyskan ayaa haatan lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Burco.

“Arrintani waxay u dhacday qoyskan neef geel ah ayaa ka xanuunsaday kadibna dawo ayay siiyeen. Markii ay arkeen in xaaladdiisu aanay soo hagaagayn ayey, sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa, neefkii qasheen si ay hilibkiisa u cunaan,” ayuu BBC-da u sheegay Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh, Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdillaahi, oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday qoyskan.

“Markii aanu goobta gaadhnay, waxaanu aragnay in dhammaan dadkii hilibka cunay uu saameeyey xanuunku, tiradooduna waxay ahayd 21 qof,” ayuu Dr. Cabdillaahi hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in dadka cunay beerka neefka geela ah ay xaaladoodu aad u liidato, sababtuna tahay in markii la daweynayay neefka, irbad xidid khaldan lagaga muday ay sunteedii fadhiisatay beerka.

Sida uu BBC-da u sheegay Nuur Faarax Bulaale, oo ka mid ah qoyskan, illaa iyo hadda waxa xanuunka u jiifa siddeed qof oo ka mid ah 21-ka qof ee sumoobay.

“Badankoodu way soo raynayaan, marka laga reebo siddeed qof, oo ay ku jiraan aabbahay, hooyaday, iyo walaashay, kuwaasoo weli u jiifa xanuunka nagu dhacay. Dadkii Burco la geeyeyna imika way fiican yihiin,” ayuu yidhi Bulaale.

Wuxuu sheegay in kaddib markii qoysku hilibka cuneen ay haleeleen matag iyo shuban, taasoo wiiqday awooddooda jidh ahaaneed. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dad cusub oo hilibka wax ka cunay, kuwaasoo illaa shalay santu soo ridanaysay.

Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdillaahi ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadani ayna ahayn tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacda Ximan. Wuxuu xusay in sannadkii 2008 ay 60 qof ku sumoobeen hilib ay cuneen, iyada oo haweenay ka mid ah sunta u geeriyootay.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay dagaalka ka dhanka AS

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Golaha ee maanta oo Khamiis ah looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagexisada gaar ahaan dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulankaan Golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Al shabaab.

Golaha wasiirada ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya sidii dalka looga saari lahaa Kooxaha Argagexisada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Jubaland oo u dhaqaaqay degaanada ay maamulaan AS

0

Khamiis 03, April-2025 {HMC}  Ciidamada Jubaland oo u dhaqaaqay degaanada ay maamulaan AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dab Khasaara Hantiyadeed geeystay oo ka kacay Muqdisho

0

Khamiis 03, April-2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dab Khasaara Hantiyadeed geeystay oo ka kacay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo amar culus dul dhigtay madaxda maamul goboleedyada

0

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Itoobiya oo amar culus dul dhigtay madaxda maamul goboleedyada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Trump’s tariffs stoke global trade war as China, EU vow response

0

Thursday 3,April 2025 {HMC}  President Donald Trump’s move to slap a 10% tariff on most goods imported to the United States, as well as much higher levies on dozens of rivals and allies alike, has intensified a global trade war that threatens to stoke inflation and stall growth.

The sweeping penalties announced against the serene backdrop of the White House Rose Garden on Wednesday immediately unleashed turbulence across world markets and drew condemnation from other leaders now facing the end of decades of trade liberalization that have shaped the global order.

As Asia digested the news on Thursday, Japan’s Nikkei share index slumped to an eight-month low, with U.S. and European stock futures also diving as investors scrambled to the safety of bonds and gold.
China, the world’s No. 2 economy, faced with a fresh 34% tariff on top of the 20% Trump previously imposed, vowed countermeasures, seemingly taking little heed of a warning by U.S. Treasury Chief Scott Bessent that such moves would lead to escalation.

Close allies like Japan and the European Union were not spared, facing 24% and 20% tariff rates respectively. The base 10% tariffs go into effect on April 5 and the higher reciprocal rates on April 9.

EU chief Ursula von der Leyen described the tariffs as a major blow to the world economy and said the 27-member bloc was prepared to respond with countermeasures if talks with Washington failed.

“The consequences will be dire for millions of people around the globe,” she said in a statement.

The “reciprocal” tariffs, Trump said, were a response to duties and other non-tariff barriers put on U.S. goods. He argued that the new levies will boost manufacturing jobs at home.

“For decades, our country has been looted, pillaged, raped and plundered by nations near and far, both friend and foe alike,” Trump said.

Outside economists have warned that tariffs could slow the global economy, raise the risk of recession, and increase living costs for the average American family by thousands of dollars.

Canada and Mexico, the two largest U.S. trading partners, already face 25% tariffs on many goods and will not face additional levies from Wednesday’s announcement.

Even some fellow Republicans have expressed concern about Trump’s aggressive trade policy.

Within hours of Wednesday’s announcement, the Senate voted 51-48 to approve legislation that would terminate Trump’s Canadian tariffs, with a handful of Republicans breaking with the president. Passage in the Republican-controlled U.S. House of Representatives, however, was seen as unlikely.

Trump’s top economist, Stephen Miran, told Fox Business on Wednesday the tariffs would work out well for the U.S. in the long run, even if they cause some initial disruption.

“Are there going to be short-term bumps as a result? Absolutely,” Miran, the chairman of Trump’s Council of Economic Advisors, told the network’s “Kudlow” program.

ENDING ‘DE MINIMIS’

The reciprocal tariffs do not apply to certain goods, including copper, pharmaceuticals, semiconductors, lumber, gold, energy and “certain minerals that are not available in the United States,” according to a White House fact sheet.

Following his remarks, Trump also signed an order to close a trade loophole used to ship low-value packages – those valued at $800 or less – duty-free from China, known as “de minimis.” The order covers goods from China and Hong Kong and will take effect on May 2, according to the White House, which said the move was intended to curb the flow of fentanyl into the U.S.

Chinese chemical makers are the top suppliers of raw materials purchased by Mexico’s cartels to produce the deadly drug, U.S. anti-narcotics officials say. A Reuters investigation last year showed how traffickers often route these chemicals through the United States by exploiting the de minimis rule. China has repeatedly denied culpability.

Trump is also planning other tariffs targeting semiconductors, pharmaceuticals, and potentially critical minerals, the official said.

Earlier in the day, the administration said a separate set of tariffs on auto imports that Trump announced last week will take effect starting on Thursday.

Trump previously imposed 25% duties on steel and aluminum and extended them to nearly $150 billion worth of downstream products.

Tariff concerns have already slowed manufacturing activity across the globe, while also spurring sales of autos and other imported products as consumers rush to make purchases before prices rise.

U.S. Representative Gregory Meeks, the top Democrat on the House Foreign Affairs Committee, said he would introduce legislation to end the tariffs. Such a bill has little chance of passing the Republican-controlled Congress, however.

“Trump just hit Americans with the largest regressive tax hike in modern history – massive tariffs on all imports. His reckless policies are not only crashing markets, they will disproportionately hurt working families,” Meeks said.

Additional reporting by Kanishka Singh and Steve Holland in Washington, Joe Cash in Beijing and Benoit Van Overstraeten and Philip Blenkinsop in Brussels; Writing by Andy Sullivan, Joseph Ax and John Geddie; Editing by Alistair Bell, Diane Craft and Lincoln Feast.