Home Blog Page 1075

Maxeey Kawada Hadleen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ree Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka.

Trump oo ku dhawaaqay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa bilaabay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka, ka dib in ka badan laba bilood oo ay socotay qabanqaabada xafladda ku dhawaaqista canshuurahan.

Khudbad uu ka jeediyay Rose Garden ee Aqalka Cad, ayuu ku sheegay ,in taariikhda lagu xasuusan doono maalinta xorriyadda marka barwaaqadu ay dib ugu soo noqoto Ameerika.

Trump waxaa uu sheegay inuu canshuuro cusub ku soo rogayo badeecooyinka Mareykanka ka soo gala dalalka kale ee caalamka

Dhaqaalayahanada ayaa ka digay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan hanaanka ganacsiga ee caalamka .

Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in noloshu ay hadda ku adkaan doonto qof walba, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ku nool, kuwaas oo bixin doona canshuuraha alaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee uu soo rogay Trump.

Trump wuxuu aaminsan yahay in xannibaadaha ganacsigu ay ku qasbi doonaan saaxiibbadiisa iyo cadawgaba in aanay le gelin heshiisyo, marka loo eego heshiisyo dhaqaale iyo kuwo dhulba.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {02-04-2025}

Arbaco 02, April 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 2-04 2025.

0

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya.?

0

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Rag loo haaysto Kufsiga Gabar 17 Sano jir ah oo Maxkamad lasoo taagay.

0

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Rag loo haaysto Kufsiga Gabar 17 Sano jir ah oo Maxkamad lasoo taagay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israa’iil oo ku dhawaaqday inay qabsaneyso dhulal ballaaran oo ku yaalla Qasa

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in milatariga ay ballaarin doonaan howlgalladooda Qasa, isla markaana ay qabsan donaan “goobo waaweyn” oo ka tirsan dhulkaas, kuwaas oo uu ku tilmaamay “goobo amni”.

War qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii, Katz wuxuu ku sheegay in hawlgalka la balaariyay looga golleeyahay “burburinta iyo nadiifinta aagga argagixisada iyo kaabayaasha argagixisada”, wuxuuna u baahan doonaa buu yiri daadgureynta dadka Falastiiniyiinta ah.

Tani ayaa timid ka dib markii isbitaallada maxalliga ah ay sheegeen in ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah lagu dilay dhulkaas xalay.

Waxaa jira warar dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo ay israa’iil ka geysatay xuduudka Masar, waxaana jirta cabsi ah in weerar cusub oo dhanka dhulka ah ay Israel ku soo qaadeyso Qasa.

Todobaadkan, milatariga Israa’iil ayaa ku baaqday in ugu yaraan 140,000 oo qof ay ka baxaan xaafadahooda oo ku yaala magaalada Rafax, iyagoo soo jeediyay goobo cusub oo ay dadku degaan oo ku yaala waqooyiga Qasa.

Somalia hit by worsening food insecurity with at least 4.6 million hunger stricken.

Wednesday 02, April-2025 {HMC} Food insecurity is worsening in several regions of Somalia, with 18 areas experiencing an increase in the number of people facing a food crisis, according to a report released on Monday.

The latest Integrated Food Security Phase Classification (IPC) analysis said that nearly 4.6 million people in Somalia will likely experience high levels of acute food insecurity (IPC Phase 3 or above) between April and June.

“This includes about 784,000 people (4 percent of the population analyzed) in IPC Phase 4 (emergency) and nearly 3.8 million people (20 percent of the population analyzed) in IPC Phase 3 (crisis),” the IPC said in its updated report for April to June 2025.

This, it said, reflects an increase compared to the projection done in January, which estimated that 4.4 million people would be in IPC Phase 3 or above between April and June. The acute malnutrition burden estimate for 2025 has also increased to 1.8 million children from 1.7 million.

Key drivers for the likely deterioration of the food security situation during the projection period include anticipated below-average Gu season (April-June) rainfall, above-average food prices, continued conflict and insecurity, and localized flooding, said the report.

It noted that the worsening food insecurity in Somalia reflects the impact of reduced humanitarian aid and rising displacement.

According to an estimate by the International Organization for Migration and the Danish Refugee Council, Somalia will see an increase of 230,595 internally displaced persons (IDPs) between April and June, mainly due to conflict and drought-related displacement.

The IPC report said the reduction in humanitarian funding will lead to a significant reduction in the coverage of humanitarian food and cash assistance among the IDP population.

Outrage in Somalia after man says he married missing eight-year-old.

Wednesday 02, April-2025 {HMC} Outrage has spread in Somalia after an eight-year-old girl, who had been missing for six months, was found living with a man who said he was her husband.

The girl was reported missing by her family in the semi-autonomous region of Puntland last September.

Months later, it emerged the girl’s father had consented for her to be married to an adult named Sheikh Mahmoud.

Security forces surrounded the man’s house last week and forced they way in after he locked himself in a room with the girl.

The incident has sparked anger on social media and public protests in Somalia’s capital, Mogadishu.

It has also prompted fresh debates about child protection laws, as currently there is no minimum legal age for marriage.

“What’s more shocking than the tragedy itself are the allegations of abduction and the fact that her family had no knowledge of her whereabouts for months,” Fadumo Ahmed, chairperson of leading rights group the Somali Women Vision Organisation, told the BBC.

“We trust the responsible institutions to take the right and necessary legal action.”

According to the eight-year-old’s uncle, she was taken from her home in the city of Bosaso last September by a female relative. This relative said she was escorting the child on a trip to see another a uncle.

But months later, a video surfaced online, showing the girl reciting the Quran.

Her family subsequently launched a search for the child – it is unclear why they did not do this sooner.

They discovered she was in the Carmo area, living with Sheikh Mahmoud.

Sheikh Mahmoud initially said he was solely teaching the girl the Quran. But after legal complaints were filed, he changed his statement, saying he had married the girl with her father’s consent.

When asked by the BBC how he justified marrying an eight-year-old, Sheikh Mahmoud said that the traditions of Islam’s Prophet Muhammad, along with that of the Shafi’i school of thought, allowed child marriage.

After the BBC questioned his reasoning – citing opposition from numerous Somali Islamic scholars – Sheikh Mahmoud maintained that he would not abandon the marriage.

Puntland’s police and human rights authorities intervened on 25 March, removing the girl from the man’s home after her family filed a complaint.

The girl is now back with her family, Puntland’s police force told the BBC.

Additionally, an investigation into the case has been launched, government officials have said.

Child marriage remains prevalent in Somalia.

According to a report published in 2020 by the United Nations Population Fund and the Somali government, 35% of women aged between 20 and 24 in the country were married before the age of 18. In 2017 this figure stood at 45%.

The rate of child marriage is driven by various factors, including poverty, insecurity and traditional customs that often disregard a girl’s age in wedding arrangements.

In an attempt to tackle this issue, Somalia’s ministry of women and human rights submitted a draft child rights bill to parliament in 2023.

However, the proposal was sent back after MPs objected to certain provisions. The bill is expected to be reintroduced, but there is no clear timeline for this.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Jabuuti..

Arbaco 02, April-2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ree Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka.

DHAMMAAD