Home Blog Page 1091

Maraykanka oo duqayn ka fuliyey goobo ay isku urursadeen Daacish

Sabti 29, March-2025 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa maanta duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah Daacish ka geysatay Buuraha Calmiskaad ee gobolka Baro, halkaas oo la sheegay in lagu barbtilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isku urursanayay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqayntan oo si gaar ah loogu beegsaday farriisin Daacish ay ku lahayd Togga Miiraale oo kamid ah meelaha la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin horjoogayaasha kooxda Daacish ee ugu sarreeya.

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan ciidamada Mareykanka si ay uga hortagaan khatarta sii kordheysa ee Daacishta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa 25-kii bishaan duqayn ka fuliyay Togga Miiraale, halkaas oo lagu dilay tiro kamid ah dagaalamaayasha kooxda Daacish, kuwaas oo maydadkooda loogu tagy godadkii lagu duqeeyay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu meel kaste ku bartilmaameedsan doono kuwa khatarta ku ah amniga dalkiisa, isagoo haatan kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa aaminsan in Daacishtii laga saaray inta badan buuraha Calmiskaad ay isku urursadeen Togga Miiraale oo ku dhow magaalada Boosaaso. Waa goob ay adag tahay in ay galaan gaadiidka dagaalka. Sidoo kale Daacish ayaa miinooyin ku xirtay jidadka lagasoo galo togga.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 29/3/2025

0

Sabti 29, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Duqeen ka Dhacday SH/Hoose

0

Sabti  29, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Duqeen ka Dhacday SH/Hoose

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somaliland oo ka jawaabtay dekedaha Soomaaliya ay siinayso Maraykanka

0

Sabti  29, March 2025 {HMC} Somaliland oo ka jawaabtay dekedaha Soomaaliya ay siinayso Maraykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Deeganada Sabiib iyo Caanoolle.

0

Sabti  29, March 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Deeganada Sabiib iyo Caanoolle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Danjire Hore Mareekan aha oo ka Hadlay Go,aan aay Soomaaliya Gaartay

0

Sabti  29, March 2025 {HMC} Danjire Hore Mareekan aha oo ka Hadlay Go,aan aay Soomaaliya Gaartay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Tirada Dhimashada ka Dhalatay dhulgariirkii Myanmar oo Korortay

0

Sabti  29, March 2025 {HMC} Tirada Dhimashada ka Dhalatay dhulgariirkii Myanmar oo Korortay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.03.2025}

Sabti 29, March-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali hmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Somaliland oo si adag ugu jawaabtay warqadii uu madaxwayne xasan udiray Maraykanka.

Sabti 29, March-2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa si adag u dhaleeceeyay hindisaha ay Soomaaliya u soo bandhigtay Maraykanka, kaas oo ku saabsan in si gaar ah loogu wareejiyo maamulka kaabayaasha istaraatiijiga ah, gaar ahaan dekedda iyo saldhigga diyaaradaha ee Berbera.

Isagoo la hadlayay wakaaladda Reuters Jimcihii, Cabdiraxmaan wuxuu arrintan ku tilmaamay mid ay ka dambeyso “maamul musuq-maasuq ah” oo ka jira Soomaaliya, wuxuuna si kalsooni leh u sheegay in Maraykanku hadda diyaar u yahay inuu si toos ah ula macaamilo Somaliland.

“Waa maxay iskaashiga la sheegayo?” ayuu si kulul u weydiiyay. “Maraykanku muddo dheer ayuu ka quustay hay’addan fashilantay ee la yiraahdo Soomaaliya. Hadda Maraykanku diyaar buu u yahay inuu la shaqeeyo Somaliland, oo ah dal adduunka u muujiyay nabad, xasillooni, iyo dimuqraadiyad.”

Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland: “Maraykanku ma aha kuwo aqoon yari haysa. Si fiican bay u garanayaan cidda gacanta ku haysa furaha dekedda Berbera.”

Warqaddii Soomaaliya u dirtay Trump
Hadalkan adag ee Cabdiraxmaan wuxuu daba socdaa warqad soo shaac baxday oo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump. Warqaddan, oo ay Reuters dib u eegis ku samaysay, ayaa ku taariikhaysan 16-kii Maarso.

Warqaddaas, Xasan Sheekh wuxuu Maraykanka ugu soo bandhigay in si gaar ah loogu wareejiyo maamulka xarumo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyada diyaaradaha ee Balidoogle iyo Berbera, iyo dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Ujeeddada Soomaaliya ee hindisahan ayaa la sheegay inay tahay in Maraykanku helo joogitaan milatari oo xooggan oo ka dhex muuqda Geeska Afrika, taasoo fududayn karta dadaalka lagu xakameynayo khatarta joogtada ah ee ka imaanaysa kooxaha Islaamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa warqaddiisa ku adkeeyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee xarumahaas, isagoo sheegay inay “fursad weyn u yihiin xoojinta xiriirka Maraykanka ee gobolka, iyagoo dammaanad qaadaya helitaan joogto ah oo saadka iyo istaraatiijiyadda ah, lagana hortagayo saameynta tartamayaasha shisheeye ee isha ku haya marin-biyoodkan muhiimka ah.”

Xiisadda ka dhalatay Berbera
Si kastaba ha ahaatee, ku darista Berbera ee hindisaha Soomaaliya waxay sii xumeyn doontaa xiriirka horayba u cakirnaa ee kala dhexeeya Somaliland.

Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1991, waxaana ay si adag uga soo horjeeddaa in Soomaaliya yeelato xukun ama saameyn dib ugu soo noqota. Somaliland waxay si buuxda gacanta ugu haysaa Berbera, iyadoo muddo ka badan 30 sano si isdaba joog ah u raadineysay aqoonsi caalami ah.

Ilaa hadda, wasaaradaha arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee Soomaaliya kama aysan hadlin warqaddaas ama jawaabta kulul ee Somaliland.

Saldhigga diyaaradaha ee Balidoogle wuxuu qiyaastii 90 km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka dekedda Boosaaso ay ku taallo gobolka is-maamulka leh ee Puntland.

Faah-faahinta: Duqaymo xalay ka dhacay Gobolka Shebelada dhaxe.

Sabti 29, March-2025 {HMC} Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 21 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

“Howlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda NISA.

Ciidanka Qaranka ee howlgalka fuliyay ayaa ogaaday khasaaraha gaaray kooxda la weeraray, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

“Hay’adda NISA, waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, maadaama la xoojiyay howlgalka dalka looga sifeynayo haraadiga Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay duqeymaha loo geysanayo kooxda Al-Shabaab dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, kadib markii ay kooxdu soo qaaday weerarro is-dabajoog ah.

Al-Shabaab waxay qabsadeen dhul badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaa weli wada iska caabinta kooxda, balse waxaa gaabis ah howlgallada dhulka.

Hoos ka eeg qoraalka NISA.