Home Blog Page 1095

Somalia Receives Armored Vehicles and Military Supplies from AU.

0
Jimco 28, March  2025 {HMC} The Federal Republic of Somalia received a substantial shipment of military equipment from the African Union on Thursday, including armored vehicles, helmets and vests, an armored personnel carrier, fuel and water tankers, engines, medical supplies, and other essential resources, aimed at bolstering the country’s security infrastructure and contributing to regional stability.
Somali Ambassador to Ethiopia and Permanent Representative to the AU, H.E. Amb. Abdullahi Mohamed Warfa, received the equipment during a handover event with the AU Continental Logistics Base (CLB) team in Douala, Cameroon.
The Federal Republic of Somalia extends its heartfelt appreciation to the African Union for its continued and invaluable support, which strengthens regional security, supports institutional development, and advances counterterrorism efforts, reaffirming the shared dedication to fostering long-term stability, resilience, and progress across the continent

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo Lagu Wareejiyay gaadiid Dagaal iyo agab milatari.

0

Jimco 28 March 2025 {HMC} Soomaaliya oo ka guddoontay Midowga Afrika gaadiid gaashaaman iyo agab milatari Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika shixnad milatari oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, gaari ciidanka daabula, gaadiidka xambaara booyadaha shidaalka iyo biyaha, matoorro, shixnado dawo ah, iyo agab kale oo muhiim ah oo xoojinaya kaabayaasha amniga, kana qayb-qaadanaya xasilloonida gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa agabkani kaga guddoomay magaalada Douala ee dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ee qiimaha leh, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, horumarinaysa hey’adaha dowladda, kor-u-qaadaysa dadaalka la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinaysa hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta, adkaysiga iyo horumar muddo dheer jira oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika.

Kalkaaliso Jarmal ah oo 7 sano ka hor laga Afduubtay Soomaaliya oo codsatay in lasii daayo.

0

Thursday 27 March 2025 {HMC}  Sonja Nientiet oo ah Kalkaaliso caafimaad oo ka soo jeedda dalka Jarmalka, lagana afduubtay magaalada Muqdisho iyadoo u shaqeynaysay Hay’adda Caalamiga ee ICRC ayaa dhawaan ka soo muuqatay muuqaal laga Baahiyay Barta  Youtube-ka.

Muqaalka lagu baahiyay Sonja ayaa waxay kaga codsaneysaa dowladda Jarmalka inay xoojiso dadaallada lagu soo deynayo, iyadoo ka digaysa in nolosheeda ay khatar ku jirto haddii ay weli ku sii jirto afduubka.

Sonja ayaa laga afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay walaac ku saabsan in ay weli nooshahay iyo in kale, waxaana muuqaalkan uu hadda xaqiijiyay inay nooshahay, balse ay xaalad adag ku jirto.

Warbixinno hore ayaa sheegay in kooxaha afduubtay ay ka mid yihiin shaqsiyaad ka tirsanaa ilaalada ICRC, kuwaas oo dalbaday lacag madax furasho ah oo malaayiin dollar ah.

Dowladda Jarmalka, gaar ahaan hay’adda sirdoonka BND, ayaa muddo laba sano ah si qarsoodi ah u waday baaritaan, iyagoo la socday khadadka isgaarsiinta si ay u helaan xog ku saabsan afduubkan.

Kanaal Youtube oo uu sameeyay shaqsi lagu magacaabo Liibaan Cismaan ayaa shalay soo shaac baxay, inkastoo aan la xaqiijin karin cidda uu yahay.

Madaxweyne Xasan oo Billaabay la-macaamilka Madaxweyne Trump

Khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si firfircoon ugu hawlan sidii uu xiriir dhow ula yeelan lahaa maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo ka faa’iideysanaya siyaasadda cusub ee Trump ee dib loogu soo celinayo xiisaha warshadaha shidaalka, si dhaqaalaha Soomaaliya looga faa’iideysto isla markaana loo xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga.

Inkasta oo ay jiraan calaamado muujinaya in xubno ka tirsan maamulka Trump ay doorbidayaan xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland oo sheegata inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sameeyay xiriirro istiraatiiji ah oo muhiim ah gudaha siyaasadda iyo ganacsiga Maraykanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Waxaa ka mid ah saaxiibbada muhiimka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku leeyahay Maraykanka Trent Franks, oo ah xildhibaan hore oo Jamhuuri ah, isla markaana ah guddoomiyaha shirkadda shidaalka ee Liberty Petroleum Corporation oo xarunteedu tahay gobolka Arizona.

Shirkadda Liberty Petroleum ayaa haysata xuquuqda sahaminta saddex goobood oo xeebaha Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oo leh fursado waaweyn oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka.

Waxaa la filayaa in heshiiskani uu soo saaro dakhli weyn oo dowladda soo gala, iyadoo sidoo kale abuuraysa fursado shaqo oo muhiim ah oo ka dhalanaya qaybta shidaalka iyo gaaska Soomaaliya.

Franks ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu xiriir dhow la leeyahay xoghayaha cusub ee Tamarta Maraykanka, Chris Wright, oo madax ka ah shirkadda tamarta ee Liberty Energy.

Xiriirkan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u abuuraaya waddo muhiim ah oo uu ku horumarin karo hamiga Soomaaliya ee dhinaca shidaalka iyo gaaska iyadoo taageero laga helayo Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan ayaa la kulmaya caqabado. Bishii Maarso 2024, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa diiday heshiiska shidaal ee lala galay shirkadda Liberty Petroleum, isagoo ku sababeeyay inay jiraan khaladaad dhinacyada sharciga iyo nidaamka. Dhacdadan ayaa muujisay khilaaf gudaha dowladda Soomaaliya uga jira heshiisyada shidaalka ee lala galayo shirkadaha shisheeye.

Waxaa sidoo kale muuqda is-waafajin amni oo labada dhinac dhexmari karta, iyadoo Madaxweyne Trump horay u muujiyay sida uu uga go’an yahay amniga Soomaaliya. Bishii Janaayo wuxuu oggolaaday weerarro milateri oo lala beegsaday kooxda Daacish oo ka hawlgasha Puntland.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Maraykanku diyaar u yahay inuu ka qaybqaato hawlgallada milateri ee Soomaaliya, taas oo ka duwan xilligii hore ee Trump oo ciidanka Maraykanka laga soo saaray dalka.

Joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Maraykanka ayaa laga yaabaa inay noqoto arrin muhiim ah oo labada dal ka wadahadlaan, gaar ahaan iyadoo wali jiraan caqabado badan oo ka imanaya kooxaha xagjirka ah iyo xasilooni-darrada guud ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay tallaabooyinka go’aanka leh ee Maraykanku kaga hor tagayo argagixisada, wuxuuna uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dhinaca amniga.

Sidoo kale, bishii December 2014, safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington D.C. ayaa qandaraas la saxiixatay shirkadda ololeynta siyaasadeed ee BGR Group, wax yar kadib markii maamulka Biden uu cafiyay deymaha Soomaaliya oo ka badan hal bilyan oo doollar.

Shirkadda BGR Group ayaa loo kiraystay inay bixiso adeegyo xiriir dowladeed ah, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

 

Kenya targets sustainable debt cuts amid IMF programme uncertainty.

0

Thursday 27 March 2025 {HMC} Kenya plans to cut its debt to below 55% of its GDP in the next two years, Finance Minister John Mbadi said on Wednesday, as the government awaits the outcome of its request for a new International Monetary Fund lending programme.

Financial markets reacted negatively last week when it was announced that Kenya and the IMF had abandoned the final review of the East African nation’s current $3.6 billion support programme.

Mbadi said the government now plans to reduce its debt-to-GDP ratio to 52.8% by the 2027/28 financial year from just over 58% currently. That would bring it under the 55% level considered sustainable by the IMF and World Bank’s debt carrying-capacity assessment.

“We are in times that are not very easy and we must show commitment to solving this problem,” Mbadi told a meeting to discuss the government’s debt management strategy.

 

“The strategy to me is very simple. Number one is to consistently demonstrate that you are reducing your budget deficit.”

To attain that, Kenya will tap external sources for a quarter of the gross borrowing needs in the 2025-28 period, he added, while three quarters will come from domestic sources.

Kenya’s now-shelved IMF programme began in April 2021, but its implementation was hampered by anti-tax hike protests last year which forced President William Ruto’s government to abandon its plan to reduce this year’s fiscal deficit to 3.5%.

Spending pressures have however since forced a further expansion of the deficit to 4.9% of GDP, Chris Kiptoo, the principle secretary at the ministry, told the same meeting.

Mbadi, appointed after the protests as Ruto sought to stabilise his government, termed the move to target a budget deficit of 3.5% as “crazy imagination”, suggesting the goal was unattainable, and added it had almost brought severe unrest.

He said the government had to reduce the budget deficit steadily while also providing services to Kenyans.

The government still plans to move towards a smaller budget deficit gradually, he said, aiming for a maximum of 3% of GDP in 2028.

The government is also stepping up efforts to cut corruption, the minister said.

A 50% reduction in the amount estimated to be stolen every year could remove the need to borrow from the IMF and the World Bank, as well as reduce reliance on U.S. aid, while the complete elimination of stealing could erase the budget deficit, he said.

Reporting by Duncan Miriri, graphic by Marc Jones in London; Editing by William Maclean

SOURCE 

Kenya recognises Kosovo as independent state, first such move in five years.

0

Thursday 27 March 2025 {HMC} Kenya has recognised Kosovo as an independent state, the first country to do so after nearly five years of stalled efforts to gain further international recognition.

Kosovo declared independence from Serbia in 2008, but is not a United Nations member due to opposition from Serbia and its allies, including U.N.-veto holders Russia and China.

Over 110 countries, including the United States and most European nations, have recognised Kosovo’s independence.

The announcement was made by former Kosovo president Behgjet Pacolli, who shared photos on his Facebook page with Kenyan President William Ruto as he signed the recognition letter.

“I have gone door to door, office to office, with only one goal – to make the voice and the right of the people of Kosovo for freedom, independence and sovereignty being heard,” Pacolli said, adding that he had been lobbying for this since 2009.

The last country to recognise Kosovo as a state was Israel in September 2020.
Reporting by Fatos Bytyci.

SOURCE 

{DAAWO MUQAALKA} Jaamacada Green Hope University oo Afur wadareed caawa ku qabatay Baladweyne.

0

khamiis 27, March 2025 {HMC} Jaamacada Green Hope University oo Afur wadareed caawa ku qabatay Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Waa maxay baaqa Midowga Afrika ee la xiriira Xaalada Soomaaliya.?

0

khamiis 27, March 2025 {HMC}Waa maxay baaqa Midowga Afrika ee la xiriira Xaalada Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Siddee Magaalada Muqdisho looga dareemayaa diyaar garowga Maalinta Ciida?

0

khamiis 27, March 2025 {HMC}Siddee Magaalada Muqdisho looga dareemayaa diyaar garowga Maalinta Ciida?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.03.2025}

Khamiis 27, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO