Home Blog Page 1105

{DAAWO MUQAALKA}Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 24/3/2025

0

Isniin 24,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Duqeeyn lagu Dilay Saraakiil ka tirsan AS

0

Isniin 24, March 2025 {HMC} Duqeeyn lagu Dilay Saraakiil ka tirsan AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maxeey Falastiin Ka Tiri Qorshaha Trumo iyo Israaiil ee Ah in Dadkooda loo Raro Soomaaliya?

Isniin 24, March 2025 {HMC} Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan, Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Waxa uu sheegay in dalalkaasi aysan aqbali doonin Falastiiniyiinta, isla markaana ay ka door bidayaan inay dhintaan intii ay ka tagi lahaayeen dalkooda.

Dr. Malki, oo ka qayb-galayay dabaaldegga 35-aad ee madax-bannaanida Namibia, ayaa xaqiijiyay sida ay Falastiiniyiinta uga go’an tahay inay sii joogaan dhulkooda.

Qoshaha Maraykanka iyo Israel ayaa la kulmay cambaarayn baahsan, iyadoo inta badan dunidu ka hortimid in qaxootiga Falastiiniyiinta la dajiyo waddamada Suudaan iyo Soomaaliya.

Dr. Malki ayaa dhaleeceeyay isku dayga Donald Trump uu ku doonayo in uu ra’yigiisa xoog ugu soo rogo, tallaabadaas oo kicisay falcelin xooggan oo caalami ah, iyadoo dalal badan ay ka muujiyeen caro iyo niyad jab ku aaddan soo jeedintiisa.

Dr. Malki ayaa diiday habka Trump uu aaminsan yahay in nabad lagu raadinayo ee ah xoogga iyo gacan ka hadalka, isagoo ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.

Dr. Malki ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay cambaareynta beesha caalamka ee qorshaha Trump, gaar ahaan dalalka Namibia iyo Koonfur Afrika.

Waxa uu taageeradaas u sababeeyay xidhiidhka soo jireenka ah ee Falastiin iyo quruumahaas.

Soo jeedinta Trump ee ah in Falastiiniyiinta loo raro dalalka kale ee Carabta ayaa dhalisay muran weyn, iyadoo dad badan ay u arkeen in uu yahay isku day lagu doonayo in lagu tirtiro joogitaanka Falastiiniyiinta dalkooda.

{DAAWO MUQAALKA} Geel lagu wareejiyey Ciidamada ku sugan Furinta Dagaal.

0

Isniin 24, March 2025 {HMC} Geel lagu wareejiyey Ciidamada ku sugan Furinta Dagaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Wadahadallada Mareykanka iyo Ruushka oo bilowday

Isniin 24, March 2025 {HMC}  Waxaa dalka Sacuudiga ka bilaabanaya wadahadallo nabad loogu raadinayo dagaalka u dhaxeeya iyo Ruushka, kaas oo u dhaxeeya saraakiil kala metalaya Mareykanka iyo Ruushka.

Wadahadalladan waxay daba socdaan kulamo gaar ah oo u dhaxeeyay Ukraine iyo Mareykanka, oo ka dhacay isla Sacuudiga, kaas oo wasiirka gaashaandhigga Ukraine uu ku tilmaamay “kuwo mio dhal ah”.

Weerarrada Ruushka ee Ukraine ayaa sii socday ilaa saqdii dhexe ee xalay, iyadoo Ukraine ay sheegtay in Ruushka uu fuliyay 99 weerar oo xaga cirka ah.

Duqeyn uu Ruushka Sabtidii ka geystay Kyiv ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, oo uu ku jiro canug yar oo shan sano hir ah.

Ukraine ayaa sidoo kale duqeymo ka geysaneysa Ruushka, iyadoo milatariga Ruushka ay sheegeen, in 28 diyaaradood laga hor tegay xalay.

Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in wariyeyaasha laga codsaday inay isaga baxaan hoteelka uu ka bilowday wadahadalada u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka oo ka dhacaya Riyadh, Sacuudiga, sida lga soo xigtay wakaaladda wararka ee Tass.

Wakaaadda wararka iyo al Carabiya, ayaa labaduba ku soo warramaya in wadahadallada lagu wado inay bilowdaan iyadoo albaabadu u xiranyihin.

Dhacdo Xanuun Badan oo ka Dhacday Magaalada Gaza

Isniin 24, March 2025 {HMC} Magaalada Gaza oo labadii sano lasoo dhaafay xaalado kala duwan oo murugo & welwel badan leh ka dhacayeen ayaa maalin weliba waxaa laga diiwaangeliyaa dhacdooyin dunida walaac horleh geliyay sida ka muuqata xogaha, sawirrada iyo muuqaallada laga soo gudbiyo.

Hooyo kamid ah Dadka ubadkooda u dhintay Gaajada ama cunno la’aanta ayaa korkeeda saaratay qalfoofta (Lafaha ubadkeeda) iyada oo ilmeyneysa, Warbaahinta ayaa sawirkaan aad u hadal heysa maadaama Magaalada Gaza.

Carruur badan oo macluul u dhimatay ayaa Magaalada Gaza lafahooda la dhigay meelo kala duwan mar haddii goobaha Caafimaadka looga waayay dawooyinkii iyo nafaqooyinkii looga talagalay in ay helaan si ay uga badbaadaan macluushaas.

Xaalado adag ayaa ka jirta Magaalada Gaza, cunto la’aanta waxaa usii dheer amni darrada ay abuurtay Israa’iil oo mar weliba weerareysa goobaha gabbaadka u ah Dadka Rayidka ah halka dawooyinkii ay ka idlaadeen Isbitaallada.

Hajabaad Adag oo Hawada loo Mariyay Dalka Chad

Milatariga dalka Suudaan ayaa digniin adag oo kama dambeys ah u diray dalka dariska la ah ee Chad ,kaa oo la sheegay in ay adeegsanayaan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga.

Kaaliyaha taliyaha guud ee ciidanka milatariga Suudaan, Jen. Yasser Al-Atta l, ayaa ku eedeeyay dowladda Chad in ay hurineyso colaada Sudan, waxa uuna ku eeeeeyay in ay taageerayaan ciidamada RSF ee dagaalka ku jiro milatariga talada Sudan haya.

Janaraalka ayaa sheegay inay bartilmaameed sharci ah u aqoonsanayaan oo ay weerarri doonaan garoommada diyaaradaha dalka Chad ee u adeegga inay saadka kala soo deggaan kooxda RSF iyo inay sidoo kale ka soo kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee taageerraya RSF.

Hanjabaadan kasoo yeertay milatariga dalka Sudan ayaa imaanaya xilli dagaal xooggan oo ka dhacay caasimadda Khartuum lagu jabiyay ciidamada RSF , lagana qabsaday xarumo muhiim ah oo ay ku jirto madaxtooyada oo kooxda heesatay.

 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Weerar lagu Qaaday Ciidamo ka tirsan kenya

0

Isniin 24, March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Weerar lagu Qaaday Ciidamo ka tirsan kenya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Kenya oo war ka soo saartay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla magaalada Gaarisa.

Isniin 24, March 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Kenya ayaa war ka soo saaray weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla deegaanka Faafi ee magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen lix askari oo ka tirsan ciidamada keydka ee Booliska.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan meydadka labo ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay ku raadjoogaan kooxda weerarka ku qaaday Magaalada Gaarisa.

Wareyska The Star ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay la baxsadeen dhaawaca xubno badan oo ka tirsan kooxda, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay dad ka afduubteen goobta la weeraray, islamarkaana ay la soo aadeen dhanka Soomaaliya.

Waxaa la tuhunsan yahay in kooxihii weerarka qaaday ay xerada u dhaceen oo ay la baxsadeen hub aan tiradooda la sheegin.

Waxaa jirta cabsi laga qabo weeraro kale, kadib markii la arkay dagaalamayaal abaabulan oo u sii socda dhanka Kenya.

Afhayeenka Adeegga Booliska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojinayaan dadaallada wax looga qabanayo khatarta joogtada ah.

“Ciidan badan ayaa la geeyay si ay uga hortagaan cadowga,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weerar ay Al-shabaab ka geystaan Magaalooyinka dalka Kenya.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo safar ku tagayo imaaraadka Carabta.

0

Isniin 24, March 2025 {HMC} Madaxweyne Cirro oo safar ku tagayo imaaraadka Carabta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA