Home Blog Page 1115

Sudanese Military Forces Reclaim Presidential Palace in Khartoum

Jimco, 21 March 2025 {HMC} – Sudanese forces fully took control of the presidential palace in Khartoum on Friday morning. Sudan’s state TV and military sources have reported that this marks one of the most significant developments in the two-year-long conflict, which threatens to break the country apart.

The military forces have been conducting search operations around the presidential palace while pursuing members of the RSF forces, according to reports.

Gunfire was heard in some of the central neighborhoods of the capital, Khartoum, as reported by witnesses to the Reuters news agency.

The conflict has led to what the UN has described as the world’s largest humanitarian crisis, causing famine in many areas and widespread disease across the country. Both sides have been accused of committing war crimes, with the RSF also accused of carrying out massacres. Both parties have denied these allegations.

This armed group quickly seized the palace and much of the capital when the conflict erupted in April 2023. However, Sudan’s armed forces have regained ground in recent months and have moved towards the palace located along the Nile River.

Earlier this year, the RSF began to establish a parallel government to Sudan’s, and it has controlled parts of Khartoum, Omdurman, and western Sudan, where they have been fighting to take control of the last stronghold of the army in Darfur, Al-Fashir.

The seizure of the capital may hasten the military’s full control over central Sudan, further strengthening the eastern and western regions of the country, which are shared by both forces.

Both sides have vowed to continue fighting for the remainder of the country, with no peace talks currently underway.

Ciidanka Milateriga Sudan oo dib u qabsaday Madaxtooyada Khartuum

Jimco 21, March 2025 {HMC} – Ciidamada Suudaan ayaa Jimcihii saaka si buuxda ula wareegay xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartoum, TV-ga dowladda Suudaan iyo ilo-wareedyo milateri ayaa sheegay in mid ka mid ah horumarradii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray colaadda laba sano jirsatay oo halis ku ah in uu dalka jabiyo.

Ciidamada ayaa howlgalo baaritaano ah ka waday agagaarka madaxtooyada iyagoo ku raad jooga ciidamo ka tirsan kuwa RSF-ta, sida ay wararku sheegayaan.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartoum, sida ay goobjoogayaal u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Colaadda ayaa horseeday wax ay QM ugu yeertay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka, taasoo sababtay macluul meelo badan iyo cudurro dalka oo dhan ah. Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, halka RSF sidoo kale lagu eedeeyay xasuuq. Labada dhinacba way diideen eedeymaha.

Kooxdan hubaysan ayaa si degdeg ah u qabsaday qasriga iyo inta badan caasimadda markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil 2023, laakiin ciidammada qalabka sida ee Suudaan ayaa bilihii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay oo u dhaqaaqay dhanka qasriga ku teedsan wabiga Nile.

RSF, ayaa horaantii sanadkan bilowday inay dhisto dowlad barbar socota dowlada Sudan, waxa ay gacanta ku haysay qeybo ka mid ah Khartoum iyo Omdurman oo deriska la ah, iyo sidoo kale galbeedka Sudan, halkaasoo ay ka dagaalamayaan in ay la wareegaan goobtii ugu dambeysay ee ay ciidanku ku lahaayeen Daarfuur ee Al-Fashir.

Qabsashada caasimadda ayaa soo dadajin karta in si buuxda ay ciidamadu ula wareegaan bartamaha Suudaan, waxayna sii adkayn kartaa qaybta bari iyo galbeed ee dhulka ay wadaagaan labada ciidan.

Labada dhinacba waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka inta ka harsan dalka, mana jiraan dadaalo laga sameeyay wada hadal nabadeed.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {21-03-2025}

Jimco 21, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::cabdiraxmaan Macalin Muuse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo Baahi weeyn u qabto Sidii ay Bad u heli leheyd.

0

Jimco 21,March 2025 {HMC} Itoobiya oo Baahi weeyn u qabto Sidii ay Bad u heli leheyd.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Deegaanka oo Goordhow Gaaray Sh/Dhexe.

0

Jimco 21,March 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Deegaanka oo Goordhow Gaaray Sh/Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii ka dhacday shabeelada Hoose.

0

Jimco 21,March 2025 {HMC} Dowladda oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii ka dhacday shabeelada Hoose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Duqeeymo lagu Dilay Dad ka badan 100 qofood oo ka dhacay Qassa.

0

Jimco 21,March 2025 {HMC} Duqeeymo lagu Dilay Dad ka badan 100 qofood oo ka dhacay Qassa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xiisadda Turkiga oo Cirka isku sii shareereysa Xili Habeenkii labaad dibadbaxyo ay dhigayaan Mucaaradka

Jimco 21, March 2025 {HMC} – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay baaritaanka lagu hayo duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu oo xabsi ku jira.

Edogan waxa uu ku dooday in xisbiga Ribablikaanka ee Dadka (CHP) aanu ka jawaabi karin eedaymaha garsoorka, waxana uu yiri: “Ma dhihi karaan wax musuq maasuq ah kama jiraan dawladda hoose, waxa ay isku dayayaan in ay dadka khiyaameeyaan iyaga oo arrinta ku soo koobay halkudhegyo.

Edogan waxa uu hadalkaan ka jeediyay afur ay lahaayeen Xildhibaanadda oo ka dhacay Xarunta Kongareeska ee AKP.

Edogan waxa uu sheegay in mucaaradka ay ku dadaalayaan sidii ay u muujin lahaayeen in khilaafaadkooda gudaha ama dhibaatooyinka ay ku hayaan sharciga uu yahay arrinta ugu muhiimsan dalka, taasina ay tahay munaafaqnimo meeshii ugu sareysay.

Erdogan ayaa intaas sii raaciyay, “Waxa kale oo ay ka war hayaan in inta badan xogta iyo dukumentiyadaa la xiriira kiiska uu u xiran yahay Ekrama in ay hay’adaha garsoorka ku wareejiyeen xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ee uu isagu ka tirsan yahay, anigu shakhsi ahaan, xisbi ahaan iyo isbahaysi ahaanba toona wakhti uma hayno sheekada mucaaridk.

Edogan waxa uu intaasi ku daray, “Sidoo kale waxaa muuqata in inta badan maamulayaasha xisbiga mucaaradka in ay dadka hortooda ku ooyaan ilmada Yaxaaska balse dhanka kale ay ku faraxsan yihiin in ninki ugu cadacadaa dhexdooda ay meesha ka saaren”.

Xariga daraasiin dad ah oo uu ku jiro duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, oo dhacay 19-kii bishii Maarso ayaa mucaaradku si xun uga falceliyay, balse Erdogan ayaa ka hadlaya markiisii ugu horeeyay kadib muddo uu aamusnaa.

Haddaba, maxay dowladda iyo dadka ku dhow dhowba ka yiraahdeen howlgalka lagu soo qabtay duqa Istanbul?

Hogaamiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah (MHP) Devlet Bahçeli ayaa qoraal uu soo dhigay 19-kii March ku yiri, “Garsoorka Turkiga waa mid madax banaan, dhexdhexaad ah oo ujeedo leh.”

Bahçeli oo ka hadlay xariga ayaa yiri, “Waa masuuliyad wadareed in aan si deganaan iyo Samir leh u sugno go’aanada, waana in la ixtiraamo go’aan kasta oo sharcigu gaaro.”

Hogaamiyaha xisbiga MHP ayaa sidoo kale yiri, “Ma jiro qof lama taabtaan ah, ama aan lala xisaabtami karin.”

Falcelinta xubnihii hore ee xisbiga AKP
Qaar ka mid ah xubnihii hore ee AKP ayaa sidoo kale ka falceliyay xariga İmamoğlu.

Wasiirkii hore ee waxbarashada qaranka Hüseyin Çelik, oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada 19-kii bishii March ku sheegay in İmamoğlu xabsiga lagu hayo iyo hakinta shahaadadiisuba ay tahay mid aan la aqbali karin.

Çelik waxa uu yiri, “Ka qaadida xaqa ay dadku u leeyihiin in ay ka dhiidhiyaan waxa dhacaya waxa ay boogo aan laga soo kabsan karin ku reebeysaa dimoqraadiyadeenii hore ee nuska ahayd iyo ku dhaqanka sharciga.”

Siyaasiga ayaa hadalkiisa raaciyay “Waa inaan la iloobin in Xisbiga AK uu ku yimid talada dalka dariiqo la mid ah kuwa kale”.

“Wixii horay ugu dhacay madaxweyne Edogan iyo Xisbigiisa AK Party khalad ayay ahaayeen, waxa maanta lagu sameeyayİmamoğlu iyo CHP na waa qalad.

Xildhibaankii hore ee xisbiga AKP Hüseyin Kocabıyık ayaa isna ku daabacay boggiisa X 19-kii Maarso, “Recep Tayyip Erdoğan… ma halkaan ayaad rabtay in aad soo gaarto? Ma waxaan ayaan u dagaalamaynay? Dhab ahaantii waxaad afgambi u abaabushay nafsadaada, adiga oo ana u warhayn.”

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar lagu xidhayo wasaaradda waxbarasahda Maraykanka

Jimco 21, March 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo lagu albaabada loogu laabayo waaxda waxbarashada, isagoo fulinaya ballan-qaadkiisii ololaha doorashada iyo qorshe ay muddo dheer ku taamayeen qaar ka mid ah muxaafidku.

Trump ayaa hay’addaasi ku eedeeyay xilkasnimo la’aan iyo in hawlahoodii gabeen. Madaxxweynaha Maraykanku waxa uu wacad ku maray in uu ku celin doono lacagta ay maamusho gobollo gaar ah.

“Waxaan u xidhi doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah,” ayuu yidhi Trump, inkasta oo Aqalka Cad uu qiray amarka lagu xidhi karo hay’addaasi uu u baahan go’aanka Golaha Congress-ka.

Talaabadan ayaa durba caqabado dhanka sharciga ah kala kulmeysa dadka doonaya in ay hor istaag ku sameeyaan xidhitaanka hay’addaasi. Waxa kale oo ay ka soo horjeedaan dhimista guud ee hsaqaalaheeda oo lagu dhawaaqay todobaadkii hore.

Isaga oo ay hareero tuban yihiin carruur ku fadhida miisaska dugsiyada Aqalka Cad, Khamiistii ayaa Trump wuxuu yidhi “Mareykanku lacag badan ayuu ku bixiyaa waxbarashada si ka badan waddanka kasta oo caalmka ku yaalla”, isaga oo raaciyay in dhibcaha ardaydu ay ku yihiin kuwo aad u hooseeya.

Amarka fulinta ah ayay u badna tahay in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga ah, si la mid ah ficillada dhinaca maamulka ee uu Trump ku hawllanaa muddooyinkii u dambeeyay.

Laakiin xubnaha Xisbga Jamhuuriga ayaa la og yahay in ay haystaan ​​aqlabiyadda 53-47 ee Golaha Senate-ka, waxaana meelmarinta xidhitaanka waaxdani uu u baahnaan doonaa 60 cod.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21.03.2025}

Jimco , 21, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO