Home Blog Page 1118

Dalalka Yurub oo sheegay in DF Soomaaliya ku garab taagan yihiin dagaalka AS

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday furimaha dagaalka si uu hoggaan u noqdo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraalka Midowga Yurub ayaa si cad u muujiyey taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira AS.

“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto AS iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo AS, si loo soo celiyo xasiloonida Soomaaliya iyo dalalka kale ee geeska afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan gaaray jiidaha hore ee dagaalka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada iyo hoggaanka dhaqanka si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay u xaqiijin lahayd amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Ciidanka Doowladda oo Gacanta ku Dhigay Rag ka Tirsan Al-shabaab oo Qaraxyo Waday

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC} War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen Xubno ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Warka Hay’adda ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka oo shalay galab dhacay lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Dadkaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay’adda Sirdoonka muujisay inay wajihi doonaan Cadaalada maadama ay ku howlanayeen falal lidi ku ah amaanka guud ee Caasimadda iyo ku lug lahaanshiyahoodi Kooxda Al-shabaab oo Dowladda dagaalka kala soo horjeeda.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Al shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Al shabaab u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Al shabaab ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Al shabaab iyo Maleeshiyaadkoodi ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu soo gaba gabeeyay warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay xubna AS oo qaraxya ka fulin rabay Muqdisho

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay xubna AS oo qaraxya ka fulin rabay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda oo Faahfaahisay Dagaalkii Ka Dhacay Deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegtay in ciidamada Militeriga Soomaaliya ay ka hortageen.

“Ciidanka Qaranka ayaa ka hortagay weerarka AS ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas”

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale, waxaa jirtay duqeymo laga maqlayay deegaannadaasi.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Macaawisley oo AS kasoo furtay hub iyo gaadiid

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Ciidamada Macaawisley oo AS kasoo furtay hub iyo gaadiid

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne Xasan oo Mar kale ku laabtay Furuumaha Dagaalka

Khmaiis , 20, March 2025 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay furimaha dagaalka.

Madaxdweynaha ayaa safar uu Muqdisho kaga ambabaxay ku gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha ayaa ah in halkaas uu madaxweynuhu kala socdo dagaalka ka dhanka ah AS ee kasocda deegaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyey degmada Cadale madaxweyne Xasan,Waxaana ka mid ah masuuliyiinta soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo masuuliyiin horay ugu sugnaa degmada Cadale.

Degmada Cadale ayaa waxaa kasocda kulamo gaar-gaar ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la leeyahay masuuliyiinta kala duwan ee uu ugu tagay degmada Cadale.

{DAAWO MUQAALKA} Shaqaalihii ka shaqeyn lahaa diiwaan galin lahaa codbixiyeyaasha waa diyaar” gudoomiye Cabdikariin

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Shaqaalihii ka shaqeyn lahaa diiwaan galin lahaa codbixiyeyaasha waa diyaar” gudoomiye Cabdikariin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada oo war kasoo saartay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sh/dhexe.

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Dowlada oo war kasoo saartay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sh/dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 20/3/2025

0

Khamiis 20,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {20-03-2025}

Khamiis 20, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahre Gabre & Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble