Home Blog Page 1124

Xubin iska Soo Dhiibay Daacish oo ku Geeriyooday Xabsiga Boosaaso

Talaado 18,March 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda Daacish, ayaa xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Laahoor, oo 60 jir ahaa, ayaa 3-dii Febraayo 2025 si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga Puntland, kaddib markii uu ka baxay kooxda uu horey uga tirsanaa ee Daacish. Tan iyo markaas, wuxuu ku jiray xabsi, halkaas oo dhowr jeer ay hay’adaha dambi baaristu ku wareysteen.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee geeridiisa, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan dhacdadan.

Laahoor ayaa horey ugu xukunnaa dil toogasho ah, isagoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa dilal dad badan lagu laayay iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Shabakado Daacish katirsan oo horey loogu fuliyay xukun dil ah, kuwa kalena ay xabsiya ku jiraan ayaa Loohaar ku sheegay inuu horjoogaha bixin jiray amarada dilalka laga gaynsan jiray magaalada Boosaaso, inkastoo uu isagu beeniyay eedeymahaas.

Geeridiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Puntland isku diyaarinayso howlgallo ka dhan ah shakhsiyaadka lala xiriirinayo kooxda Daacish, oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo dad kale.

Dhawaan, ilo-wareedyo amni ayaa shaaciyay in la helay dukumentiyo ay ku qoran yihiin magacyada shirkado ganacsi oo sahay u diri jiray deganada kooxda Daacish ay ku sugan yihiin.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Furimaha Dagaalka

Talaado 18,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah AS, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta AS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka Kooxaha dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna.

President Hassan reaches Adan Yabal district to intensify military operations.

Tuesday 18,March 2025 {HMC}  The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Hassan Sheikh Mohamud arrived in Adan Yabal, Middle Shabelle region, to meet with military commanders leading operations against militant groups.

President Mohamud was warmly received by senior military officials, including Somali National Army (SNA) Commander Gen. Odawaa Yusuf Rageh, Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali and Military Court Chairman Col. Hassan Ali Nur Shuute, who have been coordinating the intensified offensives from the area.

The President is expected to proceed to Moqokori in the Hiiraan region, where he will meet with SNA commanders and leaders of the local forces (Macawiisley) supporting the armed forces in the fight against the Al-Shabaab militants.

Lataliyaha Amniga Qaranka ” Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi-gelin karo”

Talaado 18,March 2025 {HMC} Lataliyaha dhinaca Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ka hadlay qarax barqonimadii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in uu badqabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xuseen ayaa sheegay in ‘been abuur la buunbuuniyay uu yahay wararka laga faafiyay qaraxa ee dacaayadda looga sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud’ sida uu hadalka u dhigay Taliyihiisa dhinaca amniga.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda-jiraa safaro uu ugu kuurgalaayo hawlgalada barakaysan oo ay gobalada dalka ka wadaan CXD, iyagoo taageero buuxda ka helaaya shacabka deegaanadaas.” Ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali

“Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi-gelin karo.” Ayuu sii raaciyay qoraalkiisa kooban, Xuseen Sheekh Cali oo ah Lataliyaha amniga Qaranka oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa X (Twitterka).

Guddiga Doorashooyinka Oo La Wareegay Qalabkii Lagu Qaban Lahaa doorasho Qof iyo Cod ah

Talaado 18,March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la wareegeen qalabkii doorashada loo adeegsan lahaa.

Cabdikariin ayaa sheegay in bisha Juun dhammaadkeeda la qabanayo Doorashada Deegaanka, waxaana billaabanaya diiwaangelinta Dadweynaha buuxiya shuruudaha u ogolaanaya in ay codeeyaan sida hadalka loo dhigay.

“Waxaan la wareegnay dhamaan qalabkii doorashada, bisha soo socta waxaa bilaabanaysa Diiwaan galinta dadweynaha, waxaana noo bilaabmaya doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qabaneyso Doorasho qof iyo cod ah si ay uga guurto nidaamka codeynta Doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo dhisay 6dii Dowlad ugu dambeysay ee la doortay tan iyo sanadkii 2000.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {18-03-2025}

Talaado 18, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Wararkii ugu dambeeyay Safarka Madaxweyne Xasan shiikh ee Moqokori.

0

Talaado 18,March 2025 {HMC} Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa ka socoto Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo lagu wado in Saacadaha soo socda uu gaaaro Madaxweynaha.

Degmada Moqokori Waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madax kale kuwaas oo dhamaantod ka qeeyb qaadan doono Soo dhaweeynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa Safarka ku wehliyo, Taliyaha Hay’ada Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliye Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

dhamaan Madaxdan ayaa Moqokori u gaari doono dardar galinta Dagaalka ka dhanka Ah Al-shabaab ee ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug. waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in moqokori laga dhige doono Saldhig Militire oo howlgaladan laga hago.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ku sugan degmada aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhaxe, halkaasi uu u tagay dardar galinta Dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS oo mudooyinkii dambo ka socday Gobolkaasi.

{DAAWO MUQAALKA} Cabdiraxmaan Laahoor oo Meydkiisa laga soo saaray xabsi uu ku xernaa.

Taaado 18,March 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Laahoor oo Meydkiisa laga soo saaray xabsi uu ku xernaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waxaan qoraxda u taaganahay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh”Shacabka Moqokori”

Taaado 18,March 2025 {HMC} Waxaan qoraxda u taaganahay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh”Shacabka Moqokori”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somaliland says ties with U.S. are in the early stages, focusing on mutual interests.

0

Tuesday 18,March 2025  {HMC} Somaliland’s Foreign Minister Abdirahman Dahir Aden has stated that the relationship between Somaliland and the United States is in its early stages, emphasizing that any engagement will be based on mutual interests, particularly Somaliland’s long-standing pursuit of sovereignty.

Minister Aden expressed optimism about growing ties with Washington in an interview with BBC Somali on Monday.

“We are very interested in and welcome the relationship between us and the United States. Right now, it is an initial relationship, and the most important thing is that the interests of Somaliland and the interests of the United States are compatible,” he said.

“It is important for us that any relationship we establish is based on the interests of Somaliland and the identity of Somaliland,” he added.

However, the minister declined to comment on reports suggesting Somaliland could exchange recognition for hosting a U.S. military base in Berbera. He also dismissed speculation that Somaliland had been approached about resettling Palestinians displaced from Gaza.

Both Somalia and its breakaway region of Somaliland have categorically rejected any proposals from the United States or Israel regarding Palestinian resettlement.

Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi previously affirmed Somalia’s position, stating that “any proposal or initiative, from any party, that would undermine the Palestinian people’s right to live peacefully on their ancestral land” would be rejected.

Regarding Somaliland’s ties with Ethiopia, Minister Aden reaffirmed that relations remain strong and unchanged. This comes as Somalia continues to reject Somaliland’s claims to independence, maintaining that its sovereignty and territorial integrity are non-negotiable.

Source Hiiraan online