Isniin 17,March 2025 {HMC} Ciidamadii laga sagootiyey Muqdisho oo Gaaray Furimaha hore ee Gobolka Sh/dhexe.
{DAAWO MUQAALKA} Wasiiro uu kamid Yahay Wasiirka Gaashaandhiga oo xilka laga qaaday lana magacaabay kuwa cusub
Isniin 17,March 2025 {HMC} Wasiiro uu kamid Yahay Wasiirka Gaashaandhiga oo xilka laga qaaday lana magacaabay kuwa cusub
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN” Ciidamada Deegaanka Oo Weerar ka Fuliyay Galbeed Hiiraan.
Isniin 17,March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN” Ciidamada Deegaanka Oo Weerar ka Fuliyay Galbeed Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {17-03-2025}
Isniin 17, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin cali axmed & shukri baryare maxamuud
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Oo Ku Biiraya Dagaalka Ka Dhanka Ah AS
Isniin 17, March 2025 {HMC} Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan u xilsaaran ilaalinta Maxaabiista ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey gobollada Shabeellooyinka si ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Asluubta G/sare Mahad C/raxmaan ayaa ka hor inta aan la soo daabulin Ciidamada waxa uu kula dar daarmay in ay si wacan u gutaan waajibaadkoodi oo ay xajistaan furimaha dagaalka marka ay iska horyimaadan Kooxda Al shabaab.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada dadaallada sugidda amniga qaranka, inkastoo waajibaadkooda koowaad ay tahay ilaalinta xabsiyada iyo maamulkoodi.
Si kastaba ha ahaatee, dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa walaac ka muujinaya waxtarka ciidamadan, iyagoo xusay in ciidamadan aysan lahayn tababar ciidan oo rasmi ah gaar ahaan sida la daagalaanka Kooxaha Argagexisada.
Qaar kamid ah askartaan oo warbaahinta qaar kood la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay gutaan waajibaadka ay u dhaarteen inay Qaranka Difaacaan ayna tagi doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay Al shabaab ula dagaalamaan.
Dagaalka lagula jiro Kooxaha argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish waxaa ka qeyb qaadanaya inta ugu badan ciidamo military oo ay tababareen Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga kuwaasi oo haysta tababar aad u sareeya oo ay kula dagaalamaan Kooxahaani.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Magacaabis Iyo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golaha wasiirada
Isniin 17, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Wasiirro Cusub isaga oo xilalkii ka qaaday xubnihii xilalkaas muddada dheer hayay sida ka muuqata xaanshida magacaabista.
Wasiirrada la magacaabay waxaa kamid ah:
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo xilkaan dhowrkii sano u dambeysay uu hayay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo isla maanta loo magacaabay Wasiirka Wasaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Faarax Nuur, ayaa loo dhiibay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada, halka Wasiirka shanaad ee magaciistiisa maanta la sameeyay uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo loo magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Dhinaca Wasiir ku xigeennada ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Magacaabay:
Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Sahuur Xaaji Culusow Xasan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa magacaabistaan kusoo baxay Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Somaliland ugu Mamnuucday Hubka Fudud Magaalada Hargeysa.?
Isniin 17,March 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Somaliland ugu Mamnuucday Hubka Fudud Magaalada Hargeysa.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Duqeeymo Culus oo laga Fuliyey Shabeelada dhexe.
Isniin 17,March 2025 {HMC} Duqeeymo Culus oo laga Fuliyey Shabeelada dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay kawada hadleen Madaxweynayaasha Turkiga iyo Mareeykanka.?
Isniin 17,March 2025 {HMC} Maxay kawada hadleen Madaxweynayaasha Turkiga iyo Mareeykanka.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xuutiyiinta oo war kasoo saaray weerarada Mareeykanka uu ka Geeysanayo Yaman.
Isniin 17,March 2025 {HMC} Xuutiyiinta oo war kasoo saaray weerarada Mareeykanka uu ka Geeysanayo Yaman.



