Home Blog Page 1130

Hargeysa oo laga mamnuucay qaadashada hubka fudud.

0

Isniin 17, March 2025 {HMC}  Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa go’aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba qof qudh-gooyo loogu geystay degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa. Guddida Nabadgelyada Caasimadda ayaa shaacisay in la mamnuucay qaadashada toorreyda, midiyaha iyo baangadaha dhammaan degmooyinka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa yidhi: “Waxaan isla qaadanay in degmo kasta oo caasimadda ku taalla ay mamnuuc ka tahay qaadashada midiyo, toorrey, baangado iyo hub la mid ah. Qofkii lagu qabto isaga oo gacanta ku sita waxa uu mutaysan doonaa in sharciga la horgeeyo.”

Waxa kale oo ay sheegeen in qofkii qof kale u adeegsada midi ama dhaawac kusoo gaadhsiiya hubka noocyadiisa kala duwan aan la sii dayn doonin, balse lala xisaabtami doono oo sharciga la horgeyn doono.

Sidoo kale, waxa la mamnuucay dhallinyarada koox-kooxaha u socda ee ujeeddadoodu tahay inay cid dhibaateeyaan. Waxa ay tilmaameen in kooxaha kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ka diiwaangashan oo keliya loo oggolaan doono inay koox-kooxo ahaan isu abaabulaan.

“Waxa loo digayaa cid kasta oo dhallinyaro ah oo wada xasillooni darro, qas iyo qalalaase. Waxa loo aqoonsan doonaa dad dambiileyaal ah, sharcigana waa la horgeyn doonaa” ayuu Cadaad hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu yaraan afar qof oo dilkooda loo adeegsaday toorrey ayaa bilihii u dambeeyay lagu dilay magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad midiyo lagu dhaawacay.

Kenya and IMF agree to start formal talks on new lending programme.

0

Kenya and the International Monetary Fund will discuss a new lending programme for the East African nation, as both sides agreed to abandon a ninth review of the current $3.6 billion loan.

Kenya needs continued support to keep its economy on track after its debt-servicing costs surged due to a borrowing spree over the past decade.

“The Kenyan authorities and IMF staff have reached an understanding that the ninth review under the current Extended Fund Facility and Extended Credit Facility programs will not proceed,” Haimanot Teferra, the IMF’s mission chief, said in a statement issued at the end of a visit to Nairobi.

The IMF has received a formal request for a new programme from the Kenyan government, she added.
The current programme began in April 2021 and is due to expire next month. Its implementation, however, has been hampered by deadly anti-tax hike protests last year and a row over new borrowing from the United Arab Emirates.

Finance Minister John Mbadi told Reuters last month that the government would be seeking a financing programme.

Under the current lending programme, a total of $3.12 billion had been approved for disbursement by the end of last October, according to the IMF.

Kenya’s government has been scrambling to secure new sources of financing, including boosting revenue collection, to keep up with growing expenditure needs and its astronomical debt servicing costs.

Kenya’s total debt-to-GDP stood at 65.7% as of June last year, finance ministry data showed, well above the 55% level considered a sustainable threshold.

Reporting by George Obulutsa and Duncan Miriri; Editing by Jamie Freed and Edwina Gibbs

Somali army counters terrorist attack by AS militias

0

Monday 17,March 2025 {HMC}   The Somali National Army, on Saturday, said it countered a terrorist attack by Al-Shabaab militias in Awdheegle District of Lower Shabelle and the Buursha Sheekh area of Middle Shabelle.

A statement released by the Somali military and carried by the country’s news agency, SONNA, said the Army delivered a significant blow to Al-Shabaab militants attempting to attack their positions.

The army countered an attack in Awdheegle District of Lower Shabelle and the Buursha Sheekh area of Middle Shabelle, where the militants suffered substantial losses, the statement said.
In a separate operation last night, the statement said the National Forces raided a gathering of Al-Shabaab militants in the Labada Garas area of Middle Shabelle.

It said the forces successfully eliminated all fighters present at the site.

“The National Forces continue to intensify their offensive against the group, aiming to dismantle its remaining strongholds and to clear the rural areas in the south and center of the country,” the statement said.

The attacks in Awdheegle District and the Buursha Sheekh area came a few days after the Army said it successfully killed five prominent Khawarij leaders, in reference to the Al-Shabaab militants.

The leaders were killed while the Army countered a terrorist attack in El Ali Ahmed district in Middle Shabelle in central Somalia.

The army identified the five members of Al-Shabaab militias, which authorities say are waging an insurgency against the Somali government.

In recent weeks, at least 13 soldiers were killed in attacks by Al-Shabaab militia on three military bases in Somalia, according to the military.

On the occasion of the holy month of Ramadan, Somali President Hassan Sheikh Mohamud, urged Somalis to stand together in support of the government and security forces in their efforts to eradicate terrorism.

“Our country has been invaded by a foreign terrorist ideology that has caused havoc for the past 18 years. Let us stand together and support our government and security forces in their war against terrorism,” he said, according to SONNA.

The President also honored the Somali Armed Forces, who are observing Ramadan while leading the fight to liberate the country from terrorism.

 

Somali Custodial Corps deployed to Middle Shabelle region in fight against AS.

0

Monday 17,March 2025 {HMC}  The Somali Custodial Corps has been deployed to the Middle Shabelle region to support ongoing military operations against Al-Shabaab, despite concerns over their combat readiness.

Before their deployment, the Commander of the Custodial Corps, General Mahad Abdirahman, urged the troops to uphold their duties and maintain the front lines in the fight against the militant group.

While the corps’ primary role is to protect prisons and oversee their administration, the commander emphasized their contribution to national security efforts.
However, security analysts have raised concerns about the effectiveness of the Custodial Corps in direct combat, noting that they lack formal military training, particularly in counterterrorism operations.

Despite this, some of the soldiers expressed their commitment to defending the nation, stating that they are prepared to fulfill their oath and fight alongside military forces.

The ongoing fight against Al-Shabaab and ISIS is largely being carried out by Somali forces trained by the U.S. and Turkish governments, who have received specialized counterterrorism training.

Prime Minister Hamza Abdi Barre recently encouraged troops to remain steadfast in their mission, assuring them of the government’s full support as they work to eradicate terrorist threats.

Major military operations are currently underway in Middle Shabelle and Hiiraan, marking one of the largest offensives in two years. According to government reports, Somali forces have killed nearly 200 Al-Shabaab militants in the past two months alone.

Mogadishu police arrest traffic officer for killing auto-rickshaw operator.

0

Monday 17,March 2025 {HMC} Mogadishu police have arrested a traffic officer accused of fatally shooting an auto-rickshaw operator at the Four Gardens intersection on Sunday, an incident that sparked violent protests by local youth and motorcycle riders.

Angry demonstrators set fire to a police vehicle in response to the killing, expressing frustration over what they see as recurring violence by security personnel against auto-rickshaw operators.

Somali Police Spokesperson Abdifitah Hassan Adam confirmed the officer’s arrest, stating that he is in the Criminal Investigation Directorate’s custody (CID) custody and will face justice.

“The suspect in the murder, who was a member of the traffic police, has been arrested and is being held by the CID. It will not be acceptable to destroy public property. The person who committed the crime is responsible for the crime,” said the police spokesperson.

Witnesses reported that the altercation began as a verbal dispute between the officer and the motorcycle driver before the officer drew his weapon and opened fire.

Similar incidents have occurred in Mogadishu in recent years, with disputes between security personnel and auto-rickshaw operators often escalating into deadly confrontations.

The killing has reignited public concerns over police accountability and the use of force against civilians.

 

Booliiska Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay Askari Muqdisho ku dilay qof shacab ah.

Isniin 17, March 2025 {HMC} Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu xiran yahay Askari katirsan Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka oo Isgoyska Afarta Jardiin ku dilay qof Shacab ah, si degdeg ah ayaa maxkamad loosoo taagayaa sida hadalka loo dhigay.

Booliiska ayaa iska fogeeyay in ficilkaas uu ka tarjumayo balse uu yahay mid gaar u ah gacan ku dhiiglaha xukunka Maxkamadeed sugaya sida uu sheegay Afhayeneka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay.

Digniin culus ayuu Booliisku u diray Ciidamada waxaana uu faray in askari weliba looga baahan yahay ilaalinta nidaamkii iyo anshaxii lagu soo tababaray sidaas awgeed askarigii dhibaato geysta loo gudbin doonno Maxmakad.

Dhanka kale, Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay ku raad-joogaan Dadkii gubay Gaari ay wateen Ciidamo uu kamid yahay kan dilka geystay ee xiran maadaama ay dab qabadsiiyeen mid kamid ah Gaadiidka Dowladda.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax ayaa sheegay in Dadkaas lagu raad-joogo marka lasoo qabto in lasoo taagi doonno Maxkamad si loogu qaado faldambiyeedka ay galeen sida uu hadalka u dhigya.

Dagaal Culus oo buuraleyda Xabley ku dhaxmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.

Isniin 17, March 2025 {HMC} Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo dabley hubeysan oo katirsan kooxda Daacish , ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee katirsan degmada Ufeyn ee gobolka Bari.

Saraakiisha ciidamada Puntland ,ayaa sheegay in koox firxad ah oo katirsan Daacish xalay dagaal la galeen ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna sheegeen saraakiisha in dagaalkaasi ku jabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday kuna gaarsiiyeen khasaarooyin badan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in la dilay inta badan kooxdii weerarka xalay kusoo qaaday ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna intaa ku dareen ciidamada hub kala duwan ka furteen kooxda firxadka ah ee xalay soo weerartay.

Ciidamada difaaca Puntland, ayaa saakay howlgallo kawada aagga xalay dagaalka ka dhacay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan dableydii ka hartay kooxdii xalay weerarka kusoo qaaday fariisimihii ay joogeen.

Puntland , ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada Puntland la wareegeen saldhigyo iyo goobo muhiim ah oo buuraha Calmiskaad kaga sugnaayeen kooxda Daacish.

Taliye Asad Diyaano oo xalay socod ku maray waddooyinka Muqdisho

Isniin 17, March 2025 {HMC} Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xalay kormeer shaqo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee Muqdisho.

Kormeerka shaqo ee taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee ciidanka Booliiska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan.

Taliye Asad Diyaano ayaa qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho uu la kulmay u sheegay in ciidamada xilli kasta diyaar u yihiin sidii amnigooda u sugi lahaayeen, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxa ayna saraakiisha ammaanka caasimadda qaabilsan sameeyaan roondooyin joogta ah , si ay ula xisaabtamaan askarta heeganka shaqo ku jira.

Dagaallamayaal katirsan Xisbullaah oo gudaha u galay dalka Suuriya

Isniin 17, March 2025 {HMC} Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Suuriya.

Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay weerarka dableyda katirsan Xisbullaah ka fuliyeen gudaha Suuriya, waxaana Wasaaradda Difaaca laga soo xigtay in weerarkaasi gaadmada ah Xisbullaha ku dileen saddex askari.

Weerarkan ay fuliyeen kooxda Xisbullaah ayaa ka dhacay dulleedka magaalada Xumus, waxaana aagga weerarka ka dhacay la geeyay ciidamo badan oo katirsan kuwa ammaanka Suuriya, kuwaa oo bilaabay howlgallo ka dhan ah kooxda weerarka soo qaaday.

Xisbullaah weerarkan ay ka fulisay gudaha Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ay kooxdaasi ka geesato gudaha Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Bishaar Al Assad, lamana oga waxa xilligan kusoo beegay weerarka Xisbullaha fulisay.

Dowladda Suuriya , ayaa si buuxda ula wareegtay ammaanka inta badan gobolada dalka Suuriya, waxa ayna dowladda ay hoggaamiyaan kooxaha sunniyiinta heshiisyo la gashay maamulada gobolada qaar ay degan yihiin bulshooyin kala duwan,.

Turkiga iyo Mareykanka oo kawada hadlay Dagalka Ukraine iyo xasilloonida Suuriya.

Isniin 17, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaga oo yeeshay wada-hadalladii ugu horeeyey ee tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad.

Waxay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, xasilloonida Suuriya, iyo horumarinta iskaashiga difaaca ee labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Erdogan Axaddii.

Erdogan ayaa u sheegay Trump in Turkigu taageersan yahay “dadaallada go’aanka leh iyo tooska ah” ee Mareykanku ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Wuxuu ballanqaaday in Turkigu sii wadi doono dadaallada loogu jiro nabad waarta oo cadaalad ku saleysan.

Dhanka Suuriya, Erdogan wuxuu carrabka ku adkeeyay “muhimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo qaadista cunaqabateynta Suuriya si xasillooni loogu soo celiyo, maamulka cusub u shaqeeyo, iyo in la taageero dadaallada dib u hagaajinta.”

Bayaanku wuxuu xusay in tallaabadani ay muhiim u tahay in muwaadiniinta Suuriya ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka

Erdogan wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida Turkiga ee ah in Mareykanku qaado tallaabooyin lagula dagaallamayo argagixisada, si waafaqsan danaha amni ee Ankara.

Mareykanka wuxuu si dhow ula shaqeeyaa xoogagga Kurdish-ka ee Suuriya, kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga wuxuu YPG—oo ah garabka militari ee Kurdish-ka Suuriya—u arkaa laan ka tirsan PKK, oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Erdogan ayaa si adag u dhaliilay taageerada Mareykanka ee YPG, isaga oo ku tilmaamay “khiyaano” ka dhan ah xulafanimada NATO.

Dhanka iskaashiga milateri, Erdogan wuxuu kala hadlay Trump in la joojiyo xayiraadaha Mareykanka ee CAATSA, iyo in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska Turkiga ee iibsiga diyaaradaha F-16 iyo dib ugu soo noqoshada barnaamijka F-35, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.

Mareykanka ayaa Turkiga kusoo rogay cunaqabateyn kadib markii Ankara ay 2019 iibsatay nidaamka difaaca gantaallada S-400 ee Ruushka, taasoo keentay in laga saaro mashruuca F-35.

Erdogan ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in xayiraadahaas la qaado, si loo hagaajiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.