Home Blog Page 1167

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN”.Dagaal Culus Oo ka Dhacay Sh-dhaxe.

0

Isniin 3, March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN”.Dagaal Culus Oo ka Dhacay Sh-dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Taliye Odawaa iyo Saraakiisha ku sugan shabeelada dhexe.?

0

Isniin 3, March 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleen Taliye Odawaa iyo Saraakiisha ku sugan shabeelada dhexe.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Cabdule : Xawaadle Waxaa ka Go’an inta uu Dalka AS joogo inuu Dagaalamo

Isniin 3, March 2025 {HMC} Nabadoon Cabdule : Xawaadle Waxaa ka Go’an inta uu Dalka AS joogo inuu Dagaalamo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Soomaalida ku Xeran Xabsiyada Sacuudiga.?

0

Isniin 3, March 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Soomaalida ku Xeran Xabsiyada Sacuudiga.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Biyo la’aan ka jirto Deegaanka Coomaad kadib markii uu jabay Ceelkii Deegaanka.

0

Isniin 3, March 2025 {HMC} Biyo la’aan ka jirto Deegaanka Coomaad kadib markii uu jabay Ceelkii Deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhageeysiga Kiis Dil ah oo ka Billowday Baladweyne.

0

Isniin 3, March 2025 {HMC} Dhageeysiga Kiis Dil ah oo ka Billowday Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Golaha amaanka QM oo u codeenaya cusbooneysiinta cunaqabateenta saaran Kooxda AS.

Isniin 3, March 2025 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah (waqtiga New York) u codeyn doona qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay maanta ka fiirsanayaan sidii ay u cusboonaysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ah ee gacan ka geystay la socodka dhaqan gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa “Al-Shabaab”.

Qoraalka qabyada ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale dib u cusbooneysiineysa ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.

Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ayaa soo gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana awood u leh in ay fuliyaan weeraro adag oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Warbixintu waxay qirtay in isbedel weyn uu ku yimid “awoodda” kooxda Daacish-Soomaaliya, waxaana intaas dheer, in warbixintu muujisay kororka dhacdooyinka burcad-badeedda, iyadoo in ka badan 25 weerar oo ay ku jiraan afduubyo lagu qaaday maraakiib iyo doomo ganacsi tan iyo bishii November 2023-kii.

Danmark ayaa bishaan March qabanaysa shir-guddoonka joogtada ah ee golaha ammaanka ee billaha ah, iyadoo oo ay horyaalaan warbixino la xiriira arrimaha hadda ka taagan Ruushka iyo Ukraine, arrinta Falastiin, iyo xaaladaha Suuriya iyo Suudaan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {3.03.2025}

Isniin 3, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxwayne Xasan Sheekh oo muddo kooban uqabtay Militeriga soomaliya ineey……..

Isniin 3, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku amray in si degdeg ah looga jawaabo dhaqdhaqaaqyada ay kooxda Al-Shabaab ka wado qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa 72 saac u qabtay militeriga Soomaaliya inay uga hortagaan cabsi-gelinta Khawaarijta ee ka socota Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaamiyaasha beelaha gaar gaar ula kulmay.

Xasan Sheekh ayaa beelaha ka dalbaday inay abaabulaan ciidamada deegaanka oo dhulkooda ka difaacaan Khawaarijta, garabna u noqdaan ciidanka xoogga dalka, oo amar lagu siiyey inay soo afjaraan Al-Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Xoogga, oo ku sugan Shabeellaha Dhexe, iyo Madaxweynaha JFS, oo ku sugan Muqdisho, ayaa saacadihii lasoo dhaafay shirar gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, hoggaamiyaasha ciidamada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega HirShabeelle. Qaarkood shirarkaas waxaa lagu qabtay qadka taleefanka.

Waxaa la isla qaatay go’aan dib loogu abaabulayo dagaalka, ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaana qaadaya duullaan culus oo cagta lagu marinayo Al-Shabaab, kuwaas oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay fowdo aan horay loo arag ka bilaabay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hoggaamiyaha Khawaarijta Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, oo maalmo ka hor hadlay, ayaa khudbad uu jeediyey ku caddeeyey in dagaalka ay ku jabeen oo burbur ay qarka u saaran yihiin, isagoo dhibaatada heysata u sababeeyey duullaanka dhinac kasta leh ee dowladda Soomaaliya ay ku qaaday.

Tan iyo maalintii uu hadalkaas jeediyey hoggaamiyaha Khawaarijta, waxaa Shabeellaha Dhexe ka bilowday weerarro fowdo ah oo lagu macneeyey kuwo naf-la-caari ah, looguna talogalay in lagu niyad-dhisiyo maleeshiyaadka sii burburaya ee kooxda, laguna cabsi-geliyo dadka shacabka ah ee deegaannadaas ku nool.

Dadku waxay ku jiraan xilli jiilaal ah oo aad u kulul, roob ma helin muddo dheer, waxaana curatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Duruufahaas oo is biirsaday iyo ciidanka xoogga oo dhowr furin ka dagaalamaya ayaa kooxda u suurtageliyey inay arbushaad ka geystaan qeybo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka qaranka, oo Jowhar ilaa Balcad dhanka galbeed uga gudbay Wabiga, ayaa ku guuleystay in deegaano muhiim ah ay ka saaraan kooxda, iyagoo jaray marinkii ay Khawaarijta uga gudbi jireen gobollada dhexe, taasoo cadaadis weyn ku abuurtay kooxda.

Qorshaha dowladda ayaa la aaminsan yahay inuu cadaadis hor leh ku kordhiyey kooxda, taasoo keentay in ay ka cararaan ciidamadii weerarka ku qaaday iyo deegaanadii ay horey u joogeen. Waxaana kooxdu, oo ka quusatay inay dib u laabtaan, usoo direen dagaalyahanno weerarro ka fuliya deegaano yar yar oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, si ay duullaanka ciidanka xoogga u dhabar-jabiyaan.

Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay Biyacadde iyo Ceelbaraf, waxaana laga gubay gaadiid ay wateen, iyadoo laga laayey maleeshiyaad badan. Saacadaha iyo maalmaha soo socda waxaa la qorsheeyey in la qaado weerarro lagu soo afjarayo Al-Shabaab-ka ku sugan HirShabeelle.

Jabhada ONLF oo dib isku abaabulaysa iyo Abiy Ahmed oo………..

Isniin 3, March 2025 {HMC} Jabhada ONLF ayaa ku eedeysay Dowlada Itoobiya iney uga baxday dhamaan heshiisyadii Nabada ee sababay iney lix sano ka hor joojiso dagaalkii hubeysnaa ee ay kula jirtay dowlada Itoobiya, waxayna ku hanjabtay iney mar kale hubka qaadi doonto hadii aan la fulin heshiisyadii lala galay markii uu talada la wareegay RW Abiy Ahmed.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA ONLF

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)

Jabhadda Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay si rasmi ah u caddeynaysaa in xukuumadda Itoobiya ay si qorshaysan u baalmartay heshiiskii nabadeed ee la saxiixay 2018, taas oo muujinaysa in aanay ka go’nayn isbeddel dimuqraadi ah iyo nabad waarta.

Muddo lix sano ah, ONLF iyo taageerayaasheeda waxay la kulmayeen cadaadis, cagajuglayn iyo xayiraad siyaasadeed oo uga imanaysay xukuumadda Fedderaalka iyo maamulka Degaanka Soomaalida. Dawladdu waxay si sharci darro ah ONLF uga hor istaagtay ka-qaybgalka siyaasadda, iyada oo JWXO laga diiday diiwaangelinta guddiga doorashooyinka Itoobiya ee (NEBE). Intaa waxaa dheer, xukuumaddu waxay magaca ONLF u adeegsatay marin-habaabin si ay beesha caalamka ugu muujiso wada-hadal aan dhab ahayn, halka xaqiiqadu tahay in la cabudhiyay codkii dhabta ahaa ee matalayay shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo ONLF ay dedaal badan gelisay ilaalinta heshiiska nabadda, haddana xukuumadda Abiy Axmed waxay si joogto ah uga meermeeraysay wada-hadalladii rasmiga ahaa, iyada oo ka fogaatay in ay wax ka qabato arrimaha xudduudaha dhulka Soomaaliyeed, maamulka kheyraadka dabiiciga ah, xuquuqda siyaasadeed iyo cadaaladda bulshada. Waxaa intaas dheer, xukuumaddu waxay sii wadday adeegsiga awood ciidan iyo xakameyn dhaqaale oo lagu cadaadinayo shacabka.

Kadib ballamo la baalmartay iyo khiyaamo siyaasadeed, ONLF waxay caddeynaysaa in aysan mar dambe la falgali doonin dawlad si badheedh ah u burburisay geeddi-socodkii nabadda. Sidaas darteed, ONLF waxay bilaabaysaa in ay dib u eegto wadiiqooyin kale oo lagu xaqiijin karo go’aanka, cadaaladda iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato.