Home Blog Page 1168

Isra’il oo hor-istaagtay gargaarka bani’aadannimo oo loo waday Gaza.

Isniin 3, March 2025 {HMC} Israa’iil ayaa qaar ka mid ah bulshada caalamka kala kulantay dhaleecayn ba’an, kaddib marki ay Axaddii shalay joojisay dhammaan sahaydi cuntada iyo dawada ee geleysay Marinka Gaza, isla markaana ka digtay cawaaqib dheeraadka ah, haddii aanan la kordhinin muddada xabbad-joojinta.

Dalalka Masar iyo Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’il in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, isla markaana ay gaajadu u adeegsanayaan sida hubki oo kale.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay mid laga naxo, isagoo xusay in sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada uu si cad u sheegayo in ay waajib tahay ogolaashaha helitaanka gargaarka.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa iyaduna ku eedaysay Israa’iil in ay gargaarka u adeegsato gorgortan, taas oo ay ku tilmaantay wax aan la aqbali karin iyo wax laga xumaado.

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa xaqiijiyay qulqulka gargaar bani’aadannimo oo la geeyay Gaza, kaddib 15 bilood oo gaaja iyo duqeyn ah. Jaritaanka gargaarka ee Isra’il ayaa ku soo aadday xilli ay billow tahay bisha barakeysan ee Ramadan.

The Somali Foreign Minister arrives in Cairo to participate in the preparations of the emergency Arab Summit

Cairo, 3 March  2025 {HMC} – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, His Excellency Ahmed Ma’alam Faqi Ahmed, arrived in Cairo today, to participate in the preliminary ministerial meeting of the Arab Foreign Ministers, which is being held within the framework of the preparations for the upcoming emergency Arab Summit hosted by the sister Arab Republic of Egypt, scheduled to be held on the fourth of April This March/March.

The summit focuses on the latest updates on the Palestinian issue, amid the deteriorating humanitarian conditions and the common challenges facing the Palestinian people, 16 months of sustained military escalation, which has resulted in massive human casualties and widespread damage to vital infrastructure.

 

This summit comes at a critical time that calls for intensifying Arab efforts to strengthen the unity of the Arab stance, and support regional and international efforts aimed at ending the suffering of the Palestinian people.

Abwaan Caan ka ahaa Gobolka Hiiraan oo lagu dilay Degmada Buulabarde.

Axad 2, March 2025 {HMC} Marxuum Abwaan Cumar Muxumed Cawaale Gacaneey (Cumar Gubte aya galabta lagu dilay Magalada Buulabarde.

Geerida marxuumka aya timid kidib Markii ciidama kawada Tirsan Dowlada Soomaliya aay ka Dhax Bilaawatay Rasaas, Rasaasta ayaa lagu sheegay in aay Haleeshay Abwaanka sidoo kale waxa la Sheegay in laba Qof oo kale aay soo Gaareen Dhaawac.

Dhacdadaan ayaa Maanta Galingii Danbe waxa aay ka Dhacday Degmada Buulaburte ee Gobalka Hiiraan.

Cumar waxuu ahaa Abwaan aad looga yaqaano Gobalka Hiiraan, waxa uu aad uga soo muuqday Dagaaladi lagula Dagaalamaya kooxda Al-Shabaab Asigoona ugu qeeyb Qaatay Suugan aay Gabayo ka mid yahiin.

Shaqaaqada uu Abwaankaan ku dhintay sidoo kale Dhaawacyadu soo Gaarsiiyeen Dadka Rayidka ah aayaana Wili ka Hadlin maamulka Degmada Buulubarte.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 02-03 2025.

0

Axad 2,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 02-03 2025.

HOOS KA DAAWO DHACDOOYINKA CAALAMKA

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo Dhiirigalin ugu tagay Ciidamo ku sugan furimaha dagaalka.

Axad 2, March 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo kooxda AS isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Kooxda AS ayaa culees xoogan soo saartay Gobolada Hiiraan iyo SHabeelada Dhaxe halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus ku dhax-maray ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo kooxda AS.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Culus oo udhaxeeyo Puntland iyo Kooxda Daacish oo ka dhacay Calmiskaad.

0

Axad 2, March 2025 {HMC} Dagaal Culus oo udhaxeeyo Puntland iyo Kooxda Daacish oo ka dhacay Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 2-3-2025.

0

Axad 2, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dabageed “AS waan ka adkaanay ee aan sii Dhameystirno inta dhiman”

0

Axad 2, March 2025 {HMC} Madaxweyne Dabageed “AS waan ka adkaanay ee aan sii Dhameystirno inta dhiman”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dab mudo todobaad ah ka socda beera iyo gurya ku yaal Boorama

0

Axad 2, March 2025 {HMC} Dab mudo todobaad ah ka socda beera iyo gurya ku yaal Boorama

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Somaliya oo shaacisay isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka Kooxda AS.

Axad 2, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in meesha ka baxday cabsidii shacabka ay ka qabeen kooxaha AS, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda AS.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay gareen hadda in si cabsi la’aan ah ay u soo bandhigaan xumaanta iyo dhagaraha Al-Shabaab.

Isbeddelkan weyn ayuu sheegay inay keentay kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda, oo haatan dagaal culus kula jirta kooxda Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaysa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Shacabku waxa ay hadda gaareen in ay si toos ah u soo bandhigaan xumaanta Khawaarijta cabsi la’aan,” ayuu yiri La-taliyaha Amnig Qaranka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligii hore ay shacbku ka cabsan jireen magacyada argagixisada oo erayo afgarasho ah ay isticmaali jireen, taas oo meesha ka baxday kadib markii dowladda ay qaaday howl-gallada Al-Shabaab looga xoreeyay degaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in si weyn loo wiiqay, lana soo afjaray illihii dhaqaalaha ee Shabaab, taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay dagaalka aya geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay wadaan.

“Habraacyo sugan ayaa loo sameeyay oo lagula dagaalamo, loogana hortagayo farsamo walba oo Khawaarijta isku daydo in ay dhaqaale ku helaan,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin.