Axad 2, March 2025 {HMC} Wiil loo dilay ma gali kartid Guri Aroos uu ka jiray darteed iyo Maxkamada ciidamda…
{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday askart ku dhaawacantay dagaalada AS ee Bakool.
Axad 2, March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday askart ku dhaawacantay dagaalada AS ee Bakool.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Duqeyn ka dhacay Ceelbaraf oo lagu burburiyay gaadiid qaraxyo ah iyo xubna AS
Axad 2, March 2025 {HMC} Duqeyn ka dhacay Ceelbaraf oo lagu burburiyay gaadiid qaraxyo ah iyo xubna AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 02/3/2025
Axad 2, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Ciidamada Huwanta ah oo maanta howlgalo culus ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe
Axad 2, March 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgalo culus ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkaan ciidamadu ka wadaan nawaaxiga deegaanka Biyo Cadde ayaa daba socda dagaal culus oo Shalay deegaankaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaaalka Shalay ka dhacay Biyo Cadde ayaa lasoo wariyay inuu ahaa kii ugu xoogana oo halkaasi ka dhaca waayahan dambe, islamarkaana socday mudo ka badan lix saacadood oo xiriir ah oo dhinacyadu isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen in dagaalka uu ka dhashay khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac.
Ciidamada is garabsanaya ayaa saakay isku fidiyay daafaha deegaanka Biyo Cadde oo ay ka wadaan howlgalo ay ku sheegeen iney ku baac sanayaan kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka Shabeellaha Dhexe.
Somalia’s electoral commission sets dates for two lower house by-elections.
Sunday 2,March -2025 {HMC} The National Independent Electoral Commission (NIEC) has on Saturday announced the dates for by-elections to fill two vacant seats in Somalia’s Lower House of Parliament.
The vacancies were created following the appointments of Saadaq Omar Hassan, commonly known as Saadaq Joon, as Deputy Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), and Mustaf Sheikh Ali Dhuxulow as Director of the Somali Immigration and Citizenship Agency.
The commission has scheduled the election for seat HOP#248, previously held by Saadaq Joon, for March 6, while the vote for seat HOP#049, vacated by Dhuxulow, will take place on March 8.
Three additional seats remain unfilled in the House of the People. Abdullahi Sanbaloolshe previously occupied one before his appointment as Director of the Somali National Security Agency. The other two seats were left vacant following the passing of MPs Khadija Mohamed Diiriye and Seeseey.
On January 25, House Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur Madoobe formally urged the Electoral Commission to expedite the process of filling all five vacant seats to ensure full parliamentary representation.
The upcoming by-elections are expected to play a crucial role in strengthening the legislative body amid ongoing political and security challenges in Somalia.
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda iyo Macaawisleyda oo wada howlgallo culus
Axad 2, March 2025 {HMC}Ciidamada Dowladda iyo Macaawisleyda oo wada howlgallo culus
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Masar iyo Eretariya oo wada qorshe ay Itoobiya uga hor istaagayaan Badda Cas
Axad 2, March 2025 {HMC} Masar iyo Eretariya oo wada qorshe ay Itoobiya uga hor istaagayaan Badda Cas
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Midowga Yurub oo kulan deg deg ah isugu imaanaya.
Axad 2, March 2025 {HMC} Midowga Yurub oo kulan deg deg ah isugu imaanaya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabaka oo War Cusub Laga Soo Saaray.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa loogu sheegay cid kasta oo ay khusayso buuxinta kuraasta ka bannaanaatay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Guddigu ku wargelinayo daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labada kursi ee degaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka Galmudug.
Labadaan Kursi ayaa horey waxaa uu baneeyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo Magacaabay Agaasime is ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 uuna baneeyay Saadaaq Joon ayaa lagu wadaa in doorashada buuxinta kursigaasi ay dhacdo 6da Bishaan Maarso, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 oo uu baneeyay Mustaf Dhuxulow ee doorashada buuxinta kursigaasi la qaban doono 8da bishaan Maarso.
Kuraas kale oo 3 ah ayaa wali ka banaan Golaha Shacabka waxaana kamid ah Kursiga uu baneeyay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Kuraas ay ka geeriyoodeen labada xildhibaan ee kala ahaa Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey.
25kii Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa warqad uu u diray Guddiga Doorashooyinka ugu sheegay inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta 5ta ah ee ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.



