Home Blog Page 1170

Warar dheerad ah oo Laga Helayo Xariga Wariye Ali Aadan Muumin.

0

Axad 2, March 2025 {HMC}  Bayaan ay soo saareen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in taliska ciidanka ee Degmada Xamarweyne soo xireen weriye Cali Aadam Muumin oo ay sheegeen inuu ku eedeysan yahay Qal Qal galinta amaanka iyo aflagaado uu u geeystay madaxda dalka.

Booliska ayaa warka ay soo saareen ku sheegay inay Weriyaha horgeyn doonaan Maxkamadda awooda u leh inay qaado dacwadda lagu soo eedeeyay ee ah inuu ka shaqeenayayay waxyaabo qalqal galinaya amaanka iyo dhalaceeyn iyo aflaagaddo toos ah uu bartiisa Facebook u marsiiyay madaxda dalka.

Warka Booliska ayaa u qornaa “Taariikh markii ay ahayd 01/03/2025, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed, Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh”.

Booliska ayaa ujeediyay shacabka Soomaaliyeed inayaan ka qeyb noqonin waxyaabo qalqal gelinayaa amaanka caasimadda “Muwaadiinta Soomaaliyeed Waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin Qal Qal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah.” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Booliska.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareyay falka xariga ah ee weriyaha lagula dhaqaaqay iyago dalbaday in xorriyadiisa uu dib u helo.

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Gaza

0

Axad 2, March 2025 {HMC}  Saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Sabtidi sheegay, in wareeggi ugu danbeeyay ee wadahadallada wajiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas aanan laga gaarin wax hurumar ah.

Wadahadallada kordhinta heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa dhinacyada u kala dab qaadaya, saraakiil ka kala socota Mareykanka, Masar iyo Qatar, waxana kulamadi ugu danbeeyay ay maalmahani ka dhacayeen magaalada Qahira ee caasimadda Masar.

Wajiga koowaad ee heshiiska ayaa ku ekaa Sabtidi shalay, hase yeeshee heshiiskaasi ayaa dhigayay in aanan xabbada la billaabin inta ay socdaan wadahadallada loogu gogol xaarayo wareegga labaad ee xabbad joojinta labada dhinac.

Rajada ayaa ah in la dhameeyo colaadda hadda ka taagan Gaza ee ay kumannaanka kun ee qof ku dhinteen. Xamaas ayaa dalbatay in dhammaan ciidanka Isra’il ay ka baxaan Gaza, halka Isra’il ay dooneyso in lasoo celiyo la heystayaasha ku haray Gaza. Isra’il waxay sheegtay in 32 ka mid ah 59-ka la heyste ee ku haray gacanta Hamaas ay dhinteen.

Wajigi koowaad ee shalay dhamaaday ayaa suurageliyay hakinta dagaal socday muddo 15 bilood ah. Waxaa lagu sii daayay 33 la heyste oo ku jireen 8 meyd ah, halka Isra’il ay dhankeeda sii deysay ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah.

Shirweyne Looga Hadlayo Xaalada Ukraine oo ka dhacayo Yurub .

0

Axad 2, March 2025 {HMC} Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub.

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump.

Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku tacalluqay soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan.

Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan oo loo soo dhameyn karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka.

Turkiga ayaa la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu ku heshiisiinayo Ukraine iyo Ruushka. Horay ayay Ankara ugu yaboohday fidinta gogol nabadeed oo ay ku heshiisiineyso dalalkaasi deriska ah.

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu salka ku hayaa xariga wariye Cali Aadan Muumin?

Axad 2, March 2025 {HMC}  Maxuu salka ku hayaa xariga wariye Cali Aadan Muumin?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay in laga masaafuriyo Mareykanka?

Axad 2, March 2025 {HMC} Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay in laga masaafuriyo Mareykanka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Guushii ugu weyneeyd ka gaartay Kooxda Daacish.

Axad 2, March 2025 {HMC} Puntland oo Guushii ugu weyneeyd ka gaartay Kooxda Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 1 03 2025

0

Sabti 1, March 2025 {HMC} Dhacdooyinka Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Itoobiya oo sheegtay in amaanka Soomaaliya uu si toos u sameenayo xasiloonida Dalkaasi

0

Sabti 1, March 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya oo sheegtay in amaanka Soomaaliya uu si toos u sameenayo xasiloonida Dalkaasi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} IGAD oo ka hadashay sida ay u xaliyeen khilaafka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Sabti 1, March 2025 {HMC} IGAD oo ka hadashay sida ay u xaliyeen khilaafka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.03.2025}

Sabti 1, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Hamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO