Sabti 1, March 2025 {HMC} Dhalinyaro AS ay u diyaariyeen fulinta qaraxyada iyo dilalka oo gacanta lagu dhigay.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 1-3-2025.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUQAALKA} 12 Sano Kadib Asad Xaajiyow oo Booqday Goobtii Lagu dhawacay
Sabti 1, March 2025 {HMC} 12 Sano Kadib Asad Xaajiyow oo Booqday Goobtii Lagu dhawacay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Kenya oo soo bandhigtay Ciidamo kusoo jeeda Soomaaliya.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Kenya oo soo bandhigtay Ciidamo kusoo jeeda Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Puntland oo Hawlgal ka sameeyay Agga Buqo-Caleed ee buuraha Calmiskaad
Sabti 1, March 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo Hawlgal ka sameeyay Agga Buqo-Caleed ee buuraha Calmiskaad
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Golaha Ammaanka oo dib u cusbooneysiiyey qaraarka cunaqabateynta Soomaaliya
Sabti 1, March 2025 {HMC} Golaha Ammaanka oo dib u cusbooneysiiyey qaraarka cunaqabateynta Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Hadlay Habka Ay U xaliyeen Khilaafkii U dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sabti 1, March 2025 {HMC} Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka soo cusboonaaday Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu Khamiistii ku yimid magaalada Muqdisho.
Wadahadallada oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, Ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada hoggaamiye waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay wada-hadallada iyo xasilloonida gobolka, iyagoo iftiimiyay wada-hadallo farsamo oo ka socda Turkiga oo lagaga hadlayo xiisadda ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland.
“IGAD waxa ay weli u heellan tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo ka-qeybgalka nabadda iyo horumarka waara ee gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ururka.
Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Heshiiskan oo soo jeediyay in qayb ka mid ah xeebaha Somaliland laga kireeyo saldhig ciidan oo badda ah iyo deked ganacsi, ayaa dad badani u arkayeen tallaabo ay Itoobiya ku aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland.
Soomaaliya ayaa cambaareysay heshiiskaas, iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay ku xadgudubtay madax banaanideeda iyo wadajirkeeda. Iyada oo ka jawaabeysa, Muqdisho waxay ku hanjabtay inay ka saari doonto ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya ee Soomaaliya, waxayna xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya cadowgeeda gobolka, Masar iyo Eritrea.
Natiijooyinka ka soo bixi doona wada xaajoodyada ka socda Turkiga ayaa si dhow isha loogu hayn doonaa, iyadoo labada dal ay marayaan xaaladaha cakiran ee ammaanka gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo madax bannaanida dhuleed.
Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan oo Cabasho ka ah Marista Wadooyinka Puntland
Sabti 1, March 2025 {HMC} Gudiga Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan ayaa waxa aay cabasha ka muujiyay dhac loo geeysto Gaadiidka ku safro Deegaanada puntland, Kulan aay isugu yimaadeen Gudiga Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan oo ka dhacay Magaalada Baladweeyne ayey ku sheegeen in dhoowr Baabuur horay loogu dhacay deeganada puntland.
Gudiga Waxa aay sheegen in 15 Maalin Ka Hor gaadiid laga leeyahay Hiiraan lagu dhacay Gobalka nugaal Gaar ahaan Degmada Burtinle, waa aayna tilmaameen Shaqsiga Haasto Gaadiidka oo lagu Magacaawo Abdiraxmaan Muuse ileey kuna Sugan Degmada Burtinle in uu ka Mid ahaa Saraakiisha Ciidamadii Dowladii Maxamed Siyaad Bare.
Gudiga ayaa Sheegay in ninkaan uu Horay Dhoowr Mar Gadiid laga leeyahay Hiiraan u Qabsaday Balse aay Maamulka puntland Kasoo daayeen Gaadiidkii uu Qabsaday.
Baaburta Xamuulka ah ee ka baxo Gobalka Hiiraan ayaa inta Badan waxa aay u qadaan Gobalada Waqooyi Qudaarta iyo Xoolaha nool.
waxa aay walaac xoogan ka muujiyeen Marista wadada Dheer ee Xariirisa Gobalada Dhaxe iyo Caasimada Muqdisho Gaar Ahaan Burtinle iyo Gaalkacyo, Gudiga waxa aay Sheegeen in dhoowr Mar horay loogu qabsaday wadadaas Gaadiidi laga leeyahay Hiiraan.
Gudiga Gaadiieyda Gobalka Hiiraan waxa aay codsi udireen maamulka puntland waxa aayna ugu baaqen in aay soo fara galiyaan Arintaan sidoo kalane laso daayo Gaadiidka laga Haasto.
La taliyaha Amniga Qaranka “Dowladdu waxay dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon”
Sabti 1, March 2025 {HMC} La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Al shabaab
Waxaa uu xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo Al shabaab taasoo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii ay ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen weerarada.
Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee Al shabaab, iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo ay isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.
Dhinaca kale Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey Al shabaab, adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka, Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen Al shabaab
Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee Al shabaab ku faafin jireen wax uu ugu yeeray been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed



