Home Blog Page 118

Somalia’s Ambassador Highlights Strategic Significance of President Hassan’s Visit to Egypt

0

Sunday , 08 Feb 2026 {HMC} — The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to Egypt and Permanent Representative to the Arab League, Hon. Ali Abdi Awari, on Saturday underscored the importance of President Hassan Sheikh Mohamud’s visit to Egypt and his meeting today with Egyptian President Abdel Fattah El-Sisi in Cairo, describing the visit as carrying significant political and strategic implications.

Ambassador Awari said the visit reflects the depth of the longstanding fraternal and historical relations between Somalia and Egypt, and demonstrates the shared commitment of both countries to strengthening bilateral cooperation and maintaining close coordination on regional and international issues of mutual interest.

He noted that the meeting between the two presidents provides an important opportunity to further advance bilateral relations and expand cooperation across key sectors, including security and stability, institutional capacity building, sustainable development, education, and health.

The Somali ambassador praised Egypt’s pivotal and appreciated role in supporting Somalia, highlighting that Cairo’s support stems from strong Arab and African bonds. He also commended Egypt’s continued backing of Somalia’s efforts to achieve security, stability, and the reconstruction of state institutions.

Ambassador Awari concluded by expressing Somalia’s hope that the visit will further consolidate bilateral ties, strengthen frameworks of joint cooperation, and serve the aspirations and interests of both nations, while contributing to peace and stability in the Horn of Africa and the Arab world.

Source Sonna

Minister of Education welcomes his Djiboutian counterpart in Mogadishu

0

Sunday , 08 Feb 2026 {HMC} The Minister of Education, Culture, and Higher Education of the Federal Government of Somalia, Mr. Farah Sheikh Abdulkadir, on Tuesday welcomed the Minister of Higher Education of the Republic of Djibouti, Dr. Nabil Mohamed Ahmed, upon his arrival at Aden Adde International Airport in Mogadishu.

The Djiboutian minister is in Somalia to participate in the 3rd National Education Conference, which focuses on improving the quality of education, strengthening regional cooperation, and accelerating the implementation of Somalia’s strategic education plans.

The warm reception underscores the strong fraternal ties and close cooperation between Somalia and Djibouti, particularly in the field of education.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Xaruun Cali oo Isku Raacday Doorashada Nabadoonka Guud ee Gobolka Banaadir.

0

Axad 8 Feb 2026 {HMC} Beesha Xaruun Cali oo Isku Raacday Doorashada Nabadoonka Guud ee Gobolka Banaadir.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Caalamka 08-02-2026

0

Axad 8 Feb 2026 {HMC}  Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Caalamka 08-02-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo si adag uga hortimid ka wax ka badelka lagu sameynayo Dastuurka .

0

Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag uga hortimid tallaabada Dowladda Federaalka  ee ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, iyada oo ku tilmaantay mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimada.

Jubaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraacyadii sharciga ahaa ee lagu beddeli lahaa dastuurka, taasoo, sida ay tilmaantay, ka dhigan ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri:

“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka.”

Sidoo kale, Jubaland ayaa si weyn u cambaareysay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaano ka soo horjeeday go’aamada uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis geliyay naftooda.

“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Jubaland ayaa caddeysay in deegaannadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan tahay kalsoonida labada gole ee baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kahadley Xumaanta ay Dunida ugeystay Yuhuudda”

0

Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka hadlay faylasha xumaanta xambaarsanaa ee Jeffrey Epstein ee dhowaan lasoo bandhigay ayaa sheegay in xumaantaas ay ka dambayso Yuhuudda oo muddo dheer waday dibandaabyadaas.

Sheekha ayaa ka digay dhagarta Yuhuudda maadaama ay suuragalisay in Madax kala duwan oo xilal haya ay u horseedday in ay gaystaan dhibaatooyinkaas ka dhanka ah Carruurta, waxa uu intaas ku daray in ay weli ku howlan yihiin falal kale oo kasii xun.

“Faylasha xun ee dunida laga gudbiyay waxaa ka dambeeya waa Yuhuudda, In ka badan 6 Milyan oo Fayl waxaa la uruurinayay 30 sano oo kaamil ah, Madaxdii, Tukaartii & Aqoonyahannadii oo dhan ay tageen Jasiiraddaas, waala arkayay Carruur la qasho balse ma jirin cid wax ka qaban kartay” Ayuu yiri, Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haariin.

Yuhuudda ayuu tilmaamay in dagaallada Dunida iyo Faafinta Xumaanta in ay ka dambeeyaan si ay dhulka u fasahaadiyaan, Sheekh Mustafa ayaa intaas hadalkiisa in sababaha colaadda ay u abuurayaan ay tahay in la iibsado Diyaaradaha iyo hubka ay sameeyaan.

“Colaadaha & Fasahaadka dunida ka socda waxaa ka danbeeya Yuhuudda, Faylasha lasoo bandhigay ee Epstein iyaga ayaa ka danbeeyay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in uu iska difaaci doontaa saldhig militari oo Israa’iil ka sameysato Somaliland

0

Axad , 08 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga digay in Soomaaliya ay iska difaaci doonto isku day kasta oo lagu doonayo in Israa’iil saldhig militari ka sameysato dhulka Somaliland, isaga oo shaki geliyay ujeeddooyinka Israa’iil ee ku aaddan joogitaan militari oo ay ka yeelato gobolka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Al Jazeera, kana hadlayay intii uu ku sugnaa madasha Al Jazeera Forum ee ka dhacday magaalada Doha maalintii Sabtida, ayaa sheegay in saldhig militari uusan wax faa’iido ah oo difaac u ah Israa’iil ku lahayn Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid muujin karta niyad colaad iyo dano ka baxsan amniga.

“Saldhig ma aha goob dalxiis, waa mid militari, militari-na micnihiisu waa weerar ama difaac,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Ma jirto meel Israa’iil ay kaga difaacato daneyaalkeeda gudaha Soomaaliya.”

Madaxweynaha ayaa xusay in ilaa hadda aysan Soomaaliya arag wax ciidan amni ama militari oo Israa’iil ah oo ku sugan dalka, isla markaana aysan filaynin in mustaqbalka dhow ay yimaadaan, Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in haddii tallaabo noocaas ah la qaado, Soomaaliya ay si buuxda uga hortagi doonto.

Markii wax laga weydiiyay waxa ay Soomaaliya sameyn doonto haddii saldhig militari oo Israa’iil leedahay laga hirgeliyo Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri: “Waxaan u dagaallami doonnaa awooddeena, Dabcan, waan iska difaaci doonnaa.”

Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii dambe noqday mid ay indhaha ku hayaan quwadaha caalamka, sababo la xiriira muhiimadda uu u leeyahay marin-biyoodka Badda Cas iyo marinnada waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah.

 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in Baasaboor aysiineyso Geella dalkaas ku nool !

0

Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay baasaboor Ku siinayso Geella dalkaas ku nool oo kordhay sanadihii lasoo dhaafay iyada oo lagu qiyaasay in uu kor u dhaafayo in ka badan 2.3 Milyan oo Neef.

Waxaa la baariyay muuqaallo uu kasoo muuqday Baasaboor Cagaaran oo leh Calanka Dalkaas oo Geel midabkiisu dahabi yahay ku sawirran, waxaana loogu talagalay in loo jaro Geel weliba oo ku nool Boqortooyada Sacuudiga sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha & Beeraha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Baasaboorkaan uu fududaynayo in durba la ogaado Geella u diiwaangashan Dowladda ee sharciyaysan sidoo kale la xaqiijin karo tirakoobka guud.

Bixinta Dukumiintiga Baasaboorka ayaa lagu sheegay in dhan weliba laga hubinayo sida xogta Geella, waqtiga uu dhashay, Jinsiga, Midabka, Magaca reerka dhaqda ay u bixiyeen, goobta lagu bixiyay Baasaboorka iyo sawir laga qaadayo labada dhinac ee Geella.

Sida ay warrisay Arab News, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xoogga saartay in ay muujiso awooddeeda dhinaca dhaqashada Geella, waxa ay ka heshaa dhaqaale badan oo lagu qiyaasay in sannadkii ay xarayso in ka badan 2 Bilyan oo Riyaal oo u dhiganta $533,512,878.

Sacuudiga Waxa uu tartamo u qabtaa Geella iyada oo billado qaalli ah la guddoonsiiyo, waxa ay dhiirragelisay in Dadka leh ay si wanaagsan u dhaqdaan sida lagu muujiyay Warbixinno kala duwan oo Warbaahintu ka diyaarisay arrintaan.

Dalalka Carabta ee Geella dhaqda waxaa kaalinta Koowaad ku jirta Soomaaliya, waxaa ku xira Sacuudi Carabiya, Muritaaniya, Sacuudi Carabiya & Yemen.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Dib u eegis ku Sameeyneyso Shirkadda Maamusha Dekadaha Boosaaso iyo Berbera

0

Axad 8 Feb 2026 {HMC}  Dowladda Soomaaliya oo Dib u eegis ku Sameeyneyso Shirkadda Maamusha Dekadaha Boosaaso iyo Berbera

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Qadar oo Muqdisho ka Dajisay Qalab Millatari

0

Axad 8 Feb 2026 {HMC} Dowladda Qadar oo Muqdisho ka Dajisay Qalab Millatari

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA