Axad 8 Feb 2026 {HMC} Masar Taagero Millatari Siineeyso Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad 8 Feb 2026 {HMC} Masar Taagero Millatari Siineeyso Soomaaliya.
Axad 8 Feb 2026 {HMC} Somaliland oo Hishiis Aqoonsi Raadin ah la gashay Shirkad laga lee yahay Mareeykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida,
nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.
Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Ruushka ayaa maanta , 500 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo boqollaal gantaal ku weerarray Ukraine.
iyadoo weerarradan lagu beegsaday xarumaha tamarta korontada,taasoo dhalisay in guud ahaan ay korontadu ka go’do dalka Ukraine,
halka weerarkan uu dhaliyay inay Poland oo daris la ah Ukraine gasho heegan illaa xataa ay qaylo dhaan u dirsatay NATO, si ay uga difaacaan diyaaradaha iyo gantaallada uu Ruushka ku weerarray meel kasta oo ka mid ah dhulka Ukraine.
Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku dhawaaqay inuu heshiisyo maalgashi oo dhaqaalaha ugu badan uu ku bixinayo la gaaray dawladda Suuriya.
iyadoo Sacuudiga uu maalgelinayo diyaarad wadajir ah ay u yeelanayaan Sacuudiga iyo Suuriya , dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah oo laga dhisayo magaalada Xalab , maalgelin ku kacaysa hal bilyan oo dollar oo lagu sameynayo isgaarsiinta Suuriya , si Dimishiq ay u noqoto xarunta isgaarsiinta ee isku xirta Aasiya iyo Yurub.
Heshiisyadan waxaa kaloo ku jira mashruuc lagu hirgelinayo in dhammaan dalka Suuriya ay dadweynaha heli karaan biyo macaan , oo weheliyaan maalgelinta hantida ma guurtada ah si Suuriya looga helo magaalooyin leh dhismayaal casri ah oo soo jiidan kara dalxiisayaasha.
Dhammaan heshiisyadan ayaa maanta lagu saxiixay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, sida ay werisey AP.
Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cadaadinayo Mareykanka , xilli uu inta badan awoodiisa milatari Mareykanka isugu geeyay bariga dhexe , wuxuu Shiinaha awoodiisa ku tuuray badda koonfurta Shiinaha oo ah mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan tartanka quwadaha waaweyn,halkaa oo Shiinaha uu ka billaabay kormeer badeed iyo kuwo cirka ah oo ka socda meelaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.
Afhayeenka taliska koonfureed ee ciidanka Shiinaha, Chai Shi Chen ayaa maanta ku dhawaaqay in Shiinaha uu tallaabooyinkan u qaadayo si uu uga jawaabo dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in Filibiin oo ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ay halkaa ka wado, isla markaana Shiinuhu uu doonayo inuu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} FALANQEYN:- Doodii maanta ee BJFS, Go’aanka DFS iyo Qorshaha Mucaaradka.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Qodobada dastuurka ee Wax kabadalka Lagu sameynaayo waa kuwa Halis ku ah Jiriyaanka Dowladnimadeena
Sabti 7 Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.