Home Blog Page 1182

Banadir Court Begins Trial of Human Trafficking Suspects.

0

Thusday 27, Feb 2025 {HMC} The Banadir Regional Court has officially started proceedings against seven individuals accused of crimes related to human trafficking, smuggling, and other offenses, as charged by the Office of the Attorney General of Somalia.

The suspects were arrested in various neighborhoods of Mogadishu following an investigation triggered by intelligence received from a website. They are specifically accused of orchestrating the trafficking of young Somalis, 28 of whom tragically drowned in the Indian Ocean last year after being abandoned at sea by their captors.

The Somali government has since repatriated the survivors of the incident, reaffirming its commitment to combating human trafficking and holding those responsible accountable. The trial marks a significant step in ensuring justice for the victims and their families.

Madaxweyne Ciro oo Magaalada Hargeysa ka furay Shirweyne dhiirigelin ah

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC}  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan horumarka iyo dhaqaalaha.

Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda laga soo waarido.

Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo salka ku haysa muhiimadda uu wax soo saarka guduhu u leeyahay horumarka, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda ay dejinayso qorsheyaal kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha, waxana uu yidhi:

“Waxa Xukuumadu dejinaysaa qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax-soo-saarkooda. Waxa Xukuumadda u qorsheysan in la sameeyo Dugsiyo Sare oo Cilmiga beeraha lagu barto iyo in beerlayada la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerista casriga ah, la dagaalanka cayayaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka si wax soo saarkooda suuqyada gudaha u geyn karaan.”

Madaxweynaha Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay inay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha, waxaana uu yidhi:

“Fursado waaweyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, waxa aannu dhiirrigelinaynaa in ganacsatada ay maalgashato beeraha iyo warshadaha lagu farsameeyo dalagga beeraha. Sida oo kale waxa aannu soo dhaweynaynaa maalgashiga dibadda ee beeraha.

Ururrada Siyaasadda Soomaalida oo Ka Soo Horjeestay Hadal Ka soo Yeeray Xisbiyada Qowmiyadda Oromada

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC}  Diridhaba, 25 Febraayo 2025 – Xisbiya siyaasadeed oo ay horkacayaan Jabhadda Xoreynta Ogadeniya (ONLF) iyo Xisbiga Dimuqraadiga Reer Soomaalida Galbeed (WSDP) iyo FEP: ayaa si adag uga horyimid sheegashooyinka Xisbiga Xoreynta Oromada (OLF) iyo Golaha Federaaliga Oromada (OFC) ee ku saabsan magaalooyinka Diridhaba iyo Moyale.

Bayaanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay jebinayaan Dastuurka Federaalka Itoobiya, isla markaana ay khatar gelinayaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha dalka.

Ururradan ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo beesha caalamka in si cad loo diido isku day kasta oo lagu beddelayo xuduudaha deegaannada.

Human Rights Watch oo soo dhoweysay xukunka maxkamadda Magaalada Gaarisa.

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Maxkamadda Sare ee magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa 21-kii bishii Janaayo riday xukun xuquuq muwaadinimo siinaya kumannaan Soomaali-Kenyan ah oo horey loogu diiday in laga saaro kaydka macluumaadka qaxootiga, lana siiyo kaararka aqoonsiga Kenya, inkastoo ay asal ahaan Kenyan yihiin.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ay arrintan kaga hadleyso, taasoo ay ku tilmaantay guul usoo hoyatay kumannaan reer Kenya ah.

Maxeey ku Soo Arkeen waddooyinka Caasimada. Wasiir Fartaag iyo Gudoomiye Amiir.

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen Amniga iyo bilicda Caasimadda ku tagay qaar kamid waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaan inta uu socday mas’uuliyiinta waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, iyaga oo ka wareystay xaalada amniga magaalada iyo horumarada isdaba jooga ah ee Caasimadda kusoo siyaadaya.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa faray Waaxaha Dowladda Hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargaliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego Bulshada.

—DHAMMAD—

Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya.

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC}  Afarta xisbi siyaasadeed ee mucaaridka ah ee ka dhisan Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Talaadadii soo saaray warmurtiyeed ay kaga jawaabeen bayaan dhawaan kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kuwaas oo kala ah OFC iyo OLF.

Labadaasi xisbi ayaa sheegay inay dib usoo ceshanayaan lahaanshaha magaalooyinka Diridhabe iyo Mooyaale, oo ah magaalooyinka ugu caansan kuwa Soomaalida ee Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka ee Ismaamulka Soomaalida ayaa arrintaasi ku tilmaamay damac aan la aqbali karin.

Afhayeenka Xisbiga FEB, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Xisbiyada Deegaanka Soomaalida, Cabdinuur Cabdullaahi Faarax ayaa si adag uga jawaabay sheegayna in aysan aqbali doonin warka ka soo baxay Afarta Xisbi.

Nin Lacag Xoogan looga dhacay xiriir jaceyl oo loo adeegsaday ‘gabar’ AI ah

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Nin ku nool magaalada Shanghai ayaa lumiyay ku dhawaad 200,000-yuan (qiyaastii $28,000) kadib markii lagu khiyaameeyay xiriir jacayl oo been abuur ah, ayada oo la adeegsanayo gabar lagu sameeyay garaadka macmalka ah (AI), sida ay warisay warbaahinta dowladda Shiinaha Arbacadii.

Kooxda khiyaanada sameysay ayaa adeegsaday software AI ah si ay u abuuraan muuqaallo iyo sawirro si dhab ah u eg gabar dhallinyaro ah, iyagoo iska dhigay qof aan jirin oo lagu magacaabay “Ms. Jiao,” sida uu sheegay taleefishinka dowladda ee CCTV.

Dhibbanaha, oo magaciisa lagu sheegay Mr. Liu, ayaa u wareejiyay lacag gaareysa $28,000 akoon banki oo uu u haystay inuu yahay midka saaxiibtiisii internet-ka, kadib markii kooxdu ay adeegsadeen sawirro been abuur ah si ay ugu qanciyaan in “gabadha” ay u baahan tahay dhaqaale si ay ganacsi u furato, iyo in ay ehelkeeda ka caawiso kharashaadka caafimaadka.

Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah si ay u muujiyaan in dalabkooda lacag ay dhab ka tahay, sida uu sheegay CCTV.

“Kooxda tuugada ah waxay direen muuqaallo iyo sawirro dhammaantood lagu sameeyay AI ama sawirro kala duwan oo la isku daray,” ayuu weriyey CCTV, oo soo xiganaya baaritaan ay sameeyeen booliska.

“Muddadii uu xiriirka socday, Mr. Liu waligiis si toos ah ulama kulmin Ms. Jiao,” ayay intaa raacisay warbaahinta dowladda.

Muuqaallo la baahiyay oo uu baahiyey CCTV ayaa muujinayay sawirro kala duwan oo “Ms. Jiao” ah, oo ay ku jiraan mid ay taagan tahay waddo magaalada ah iyo mid kale oo ay wax sawireyso.

Soo ifbaxa aaladaha AI ee awood u leh inay abuuraan qoraallo, sawirro, iyo xitaa muuqaalada tooska ah ee si dhab ah u eg qof ayaa sare u qaaday noocyada khiyaanooyinka casriga ah ee caalamka ka dhaca.

Horraantii bishan, shirkadda Mareykanka ee Meta, ee leh Facebook, ayaa uga digtay dadka isticmaala internet-ka khiyaanooyinka ku saleysan jacaylka online-ka, iyadoo xustay in AI la adeegsado si loogu kasbado kalsoonida dadka ka hor inta aan laga dalbanin lacag. Shirkaddu waxay sheegtay in khiyaamooyinka noocan ah ay sii kordhayaan.

XIGASHO VOA

NISA oo burburisay gaadiid Ay AS ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

0

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa goordhaw shaaciyay in duqeyn lagu burburiyay gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen kooxda Al-shabaab oo ay doonayeen iney ku weeraraan deegaanka AlKowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in gaadiidkaan qaraxyada kusoo rareen kooxda iyo kolanyo gaadiid kale ah oo la socday Xalay duqeyn lagula beegsaday tuulooyinka Sigato iyo Libi Aw Xasan oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Riinirgood iyo Alkowsar.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in gaadiidka qaraxyada kooxdu kasoo buuxisay uu mid ka mid ah ahaa noociiisa Leyla Calaawi, islamarkaana kooxdu ay dooneysay iney ku weerarto Maasajidka deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan Xalay lagu burburiyay gaadiidka qaraxyada kusoo rareen Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaalo ay ka dhaceen deegaanada Alkowsar, Daarunimca, Ceel baraf iyo Ceel Cali Axmed oo dhamaantood ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

{DAAWO MUQAALKA} Isku aadka Tartan aqoneedka Bisha Ramadaan ee schoolka Al-huda oo la sameeyey

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Isku aadka Tartan aqoneedka Bisha Ramadaan ee schoolka Al-huda oo la sameeyey

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 26 02 2025

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Dhacdooyinka Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA