Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Dagaal Culusoo ka socda Degmada Ceel Baraf.
{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Degmada moqokori oo soo saaray Amaro Culus.
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Maamulka Degmada moqokori oo soo saaray Amaro Culus.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Hay’adda SODMA Oo Deeq Raashiin Ah Kala Wareegtay Imaaraadka Carabta
Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, isagoo ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siiyo qoysaska sida dhabta ah ugu baahan.
Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota, Dowladda Imaaraatka Carabta ay dalka soo gaarsiin doonto gargaar bani’aadannimo oo dhan 7,000 oo tan, si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan-qabad iyo taageero nololeed.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhageysatay dacwad loo heysto 7 qof oo loo heysto tahriibinta Dadka
Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwad loo heysto 7 qof oo ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka sida maxkamadda laga hor sheegay.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay xog ku saabsan shabakaddaan ka shaqeyneysay tahriibinta Dadka, waxaana uu keenay caddeymo uu xafiisku ku xoojiyay eedahaas oo Maxkamadda Gobolka Banaadir la hor geeyay.
Raggaan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dadkii ka dambeeyay tahriibinta dhallinyaro ku geeriyootay Badweynta Hindiya dhammaadkii sannadkii hore 2024 oo tiradooda gaareysay 28 ruux kaddib markii ay la degtay doontii ay saarnaayeen.
Kooxaha lacagaha Wax tahriibiya waxaa la shaqeeya dad u jooga magaalooyin kala duwan kuwaas oo lacagaha madax-furashada ah ka qaada ehelka Dadka tahriiba iyaga oo la wadaaga xogtooda iyo xaaladdooda.
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:- Duqeeymo Culus oo laga Fuliyey shabeelada Dhexe.
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} FAAH FAAHIN:- Duqeeymo Culus oo laga Fuliyey shabeelada Dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Nasro Sheekh “Ma u dulqaadan doono Cunqabateynta la saaray Jubaland”.
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Xildhibaan Nasro Sheekh “Ma u dulqaadan doono Cunqabateynta la saaray Jubaland”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Soomaaliya Oo Shir Guddoomisay Kulan Looga Hadlayey Isbadalka Cimilada Dalalka Ay Colaaduhu Saameeyeen
Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa, islamarkaana lagu qabanayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shir-gudoomiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Dowladdaha ay saameeyeen Isbaddalka Cimilada iyo Arrimaha Colaadaha.
Kulanka Shabakadani oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii la aas-aasay kadib shir weynihii Isbadalka Cimilada COP29 ee lagu qabtay Dalka Azarbajan ayaa hadda looga arrinsanayaa sidii ay taageero gaar ah u heli lahaayeen dalalka nugul ee ay wali ka muuqdaan saameynya Colaadaha iyo Cimilada.
Ka sukoow shir guddoominta Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa saameynta Soomaaliya ee xiliyada kala duwan ee Abaaraha iyo Fatahaada oo salka ku haya isbadalka guud ee cimilada adduunka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in madashani ay la timaado waxqabad wadareed si loo samatabixoyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbadalka cimilada.
Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay wadajir ugu kulmayaan dalalka carabta oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga oo isna bari lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE.
{DAAWO MUQAALKA} “Qofka reer Jubaland marka uu safrayo waxa la weydiiyaa heybtiisa”Xildhibaan Cabdirashiid
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} “Qofka reer Jubaland marka uu safrayo waxa la weydiiyaa heybtiisa”Xildhibaan Cabdirashiid
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Faarax Kooshin ”Qofkii AS ka tirsan waa in lagu Dilo meeshii lagu Arko”
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Faarax Kooshin ”Qofkii AS ka tirsan waa in lagu Dilo meeshii lagu Arko”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay ahaayeen Cadeeymaha la horkeenay Maxkamadda ee la Xiriirta Dadka wax Tahriibiya.?
Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Maxay ahaayeen Cadeeymaha la horkeenay Maxkamadda ee la Xiriirta Dadka wax Tahriibiya.?



