Home Blog Page 1185

{DAAWO MUQAALKA} Ra’isul waasaaraha Itoobiya oo ku wajahan Muqdisho

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Ra’isul waasaaraha Itoobiya oo ku wajahan Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26-2-2025

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-2-2025.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Fadhigii Maanta Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Oo U Baaqday Kooram La’aan

0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadam Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta waxa uu ka dhawaajiyay inay jirto mooshin ay lasoo wadaageen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu tilmaamay in kooram la’aan ay suurtagali weyday in ajendaha lagu soo daro.

Fadhigii Maanta ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan waxaana xaadirtay oo kaliya 137 mudane waxaana ka dhinnaa oo kaliya si kooramka uu ubuuxsamo laba xildhibaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin culus u diray xildhibaanada wali dibadda ku maqan ee aan fadhiga soo xaadirin.

Waxa uu Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in ajendeyaal waa weyn ay horyaalaan kalfadhigaan ayna doonayaan inay waqti fiican u helaan balse xildhibaanadda ay tahay inay kooramka soo buuxiyaan oo aysan ka maqnaan fadhiya baarlamaanka.

“Waa inaan gudanaa waajibaadkeeni Qaran, waxaa ceeb nagu ah inaan sabtida kooram la’aan noqono, waa in waajibaadkiina gudataan, kuwa maanta maqan ee sababay inuu maanta furmi waayo baarlamaanka aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxaan leeyahay hala yimaado baarlamaanka waana baaq, waxaana bilaabi doonaa inaan yeerino magacyada xildhibaanadii soo xaadiri waayo Golaha Shacabka”. ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Ka hor inta uusan furmin kalfadhigaan waxaa jiray warar sheegayay in xildhibaanada Golaha shacabka qaarkood ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {26-02-2025}

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahr Gabre & Yaasiin Cali Axmed

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Puntland oo Dagaalamayaal Ka Tirsan Daacish Duqeyn Ku Dishay

0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta Xalay ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Warka qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka helaysay ciidanka ku howlan ciribtirka Daacishta ku sugan Puntland, waxaana duqeynta la tilmaamay in si gaar ah looga fuliyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Daacish.

Dhinaca kale ciidamada maamulka Puntland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Daacish ku laheyd deegaanada kala ah Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee gobolka Bari oo ay ku yaalaan saddex Ceel Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi.

“Waxaa ciidamadu burburiyeen Talisyo yar yar oo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada Daacish, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Dameero ay raranayeen Argagixisadu iyo Agab kale oo ay lahaayeen” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Ugu dambeyntii ciidamada maamulka Puntland oo taageero kala duwan ka helaya saaxiibada caalamka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana dagaaladaas lagu dilay rag u badan ajaaniib oo u dagaalamayay Daacish.

{DAAWO MUQAALKA} Rag iyo Dumar Jaajuus Moqokori uga ahaa As ayaan soo qabtay””Taliyaha Booliska Magaaladaas””

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Rag iyo Dumar Jaajuus Moqokori uga ahaa As ayaan soo qabtay””Taliyaha Booliska Magaaladaas””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

RW Itoobiya Abiy Ahmed oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho soo gaaro berri sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow safarkiisa, wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa ayaa soo gaaray Gobolka Banaadir.

Diyaargarow lagu soo dhaweynayo wafdiga Abiy Ahmed ayaa ka socda Magaalada Muqdisho iyada oo la diyaariyay goobtii uu kula kulmi lahaa Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud sida ay wararku tilmaamayaan.

Abiy Ahmed ayaa safarkiisa Muqdisho horay u ballanqaaday, waxa ka horreeyay labo jeer oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Magaalada Addis Ababa tan iyo bishii Deseembar 2024 oo si rasmi ah u heshiiyeen labada mas’uul.

Marka uu Abiy soo gaaro Muqdisho waxa ay heshiisyo kale kala saxiixan doonnaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo ay sii socon doonnaan kulamada guddiga farsamo ee labada Dal.

Ciidanka Burundi oo Soomaaliya ka baxaya 18 sano kaddib

0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Ciidanka Burundi ee qaybta kasoo noqday howlgalka marxaladaha iyo magacyad kala duwan soo maray ee Midowga Afrika ayaa isaga baxaya Soomaaliya kaddib markii la isku fahmi waayay tirada ay ku yeelanayaan AUSSOM.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee Socday oo Dowladda Federaalka ku jaangoyneysay ciidankaas ayay Xukuumadda Bujumbura ku weysay saami dheeraad ah oo ay rabtay in ay ku yeelato ciidanka ku howlgalaya AUSSOM.

Burundi ayaa kol hore ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya haddii aan loo ogolaan askarta dheeraadka ah, waxaana ugu dambeyn loo furay albaabka bixitaanka maadaama la fulin waayay shuruuddii ay wadatay.

Askarta Burundi waa ciidankii labaad ee xiran sumadda Midowga Afrika ee Soomaaliya yimid 18 sano kahor waa sanadkii 2007dii, keliya waxaa ka horreeyay ciidamada Uganda oo ilaa haatan howlgalkaan AUSSOM qayb ka ah.

Burundi waxa ay Soomaaliya ku weysay boqolaal askari kuwaas oo ku dhintay howlgallo ka dhacay gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaa baddelkooda soo gali doonno Ciidamada Masar oo horay dalal badan u tagay nabad ilaalin.

Haddaba, sidee ayaa loo qaybsaday saamiga ciidamada AUSSOM?

1:Yugaandha: 4500
2:Kenya: 1410
3:Itoobiya: 2500
4:Jabuuti: 1520
5:Masar: 1091

Wadarta ciidamada la qorsheeyay ee howlgalka Midowga Afrika AUSSOM waa 11,021 askari kuwaas oo ka kala socda shan Dal, tirada ugu badan waxaa la siiyay Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee soo diray ciidamadiisa.

{DAAWO MUQAALKA} Ingiriiska oo joojinaya taageerada gargaarka ee uu siiyo Hay’adaha Samafalka

0

Arbaco 26, Feb 2025 {HMC} Ingiriiska oo joojinaya taageerada gargaarka ee uu siiyo Hay’adaha Samafalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Tirada MASAR iyo Itoobiya uga soo aaday AUSSOM oo la shaaciyey.

0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku afgartay tirada dalalka looga qoondeeyey ciidamada hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaddib toddobaadyo khilaaf ah oo ka dhashay tirada ciidanka laga filayo dalalka Itoobiya iyo Burundi.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin maadaama uusan u idmanayn in uu warbaahinta la hadlo, ayaa u sheegay VOA in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogay tan iyo 2007 ay dalka ka bixi doonaan, kaddib markii labada dowladood isku fahmi waayeen tirada ciidanka laga filayo Burundi.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Soomaaliya iyo Midowga Afrika, hawlgalka cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona 11,900 oo shaqaale ah, kuwaas oo isugu jira askar, boolis iyo shaqaale rayid ah.

Qorshaha cusub ayaa ciidamada sidaan u kala qeybinaya: Uganda 4,500, Itoobiya 2,500, Jabuuti 1,520, Kenya 1,410, iyo Masar 1,091, sida uu xaqiijiyay sarkaalka Midowga Afrika.

Diblomaasi kale oo ka tirsan Midowga Afrika, oo isaguna codsaday in aan la shaacin magaciisa, ayaa VOA u sheegay in wada-hadallada ku saabsan joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ay weli socdaan.

“Bixitaanka ciidamada Burundi wuxuu yeelan karaa saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran oo ku saabsan Midowga Afrika,” ayuu yiri diblomaasiga.

“Waxaa intaa dheer, arrinta maalgelinta AUSSOM wali lama xallin. Burundi waxay sameysay allabaryo badan, waxaana muhiim ah in cabashooyinkooda la tixgeliyo,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale jira boqolaal boolis ah oo ka socda Nigeria, Sierra Leone iyo Masar, kuwaas oo la dejin doono Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo.

Saameynta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dib-u-dhaca heshiiska ku saabsan dalalka ciidanka soo diraya waxaa sababay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland 1-dii Janaayo 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid “ka hor imaanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Somaliland waa gobol sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay, balse aan si rasmi ah loo aqoonsan.

Xiisaddaasi ayaa hoos u dhacday kaddib markii labada dhinac ay gaareen heshiis xasaasi ah 11-kii Diseembar magaalada Ankara, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga, waxaana lagu ballamay in khilaafka la xalliyo.

Toddobaadkan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo xaqiijinaya in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Heshiiskan wuxuu daba socday booqasho uu toddobaadkan magaalada Muqdisho ku yimid wafdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, oo ay weheliyeen madaxa sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussien.

Wafdiga Itoobiya ayaa Muqdisho kula kulmay dhiggooda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Odawaa Yuusuf Raage, iyo madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wada-hadallada ayaa diiradda saaray la dagaallanka argagixisada, xasilloonida gobolka iyo doorka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM.

“Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen doorka ciidamada Itoobiya ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, waxayna isku afgarteen qaab-dhismeedka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wada-hadallada.

Ciidamada Itoobiya ayaa la geyn doonaa gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan. Ciidamada kaliya ee cusub ee ku biiraya hawlgalka waa kuwa ka socda Masar, oo taageero u muujiyay Soomaaliya inta lagu guda jiray khilaafkeeda Itoobiya.

Itoobiya waxay sidoo kale ciidamo gaar ah ku leedahay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo halkaas ku jooga heshiis laba geesood ah. Heshiiska toddobaadkan la gaaray wuxuu xoojinayaa joogitaankaas.

“Labada dhinac waxay isku afgarteen in la dejiyo Heshiis Xaaladda Ciidamada (SOFA) oo lagu maamuli doono dhammaan ciidamada labada dal ee ku sugan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka la soo saaray Axaddii.

Al-Shabaab iyo Daacish oo wali khatar ah

Ciidamadii ugu horreeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya yimid waxay ahaayeen kuwii ka yimid Uganda bishii Maarso 2007, xilligaas oo kooxda Al-Shabaab ay xoojineysay saameynteeda gudaha dalka.

Kooxda Al-Shabaab, oo Mareykanku u aqoonsaday argagixiso caalami ah, ayaa weli khatar ku ah dowladda Soomaaliya ee ay beesha caalamku taageerto.

Talaadadii, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro dhowr jiho ah ka fuliyay bartamaha Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay magaalooyin yaryar iyo tuulooyin kahor inta aysan ciidamada dowladda dib u ceyrin.

Dhinaca Puntland, ciidamada amniga ayaa sii wada hawlgal muddo laba bilood ah lagula dagaallamayo kooxda Daacish, iyagoo magaalooyin dhowr ah kala wareegay.

Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in maalmo gudahood ay qabsan doonaan saldhigga ugu weyn ee Daacish ee gobolka.