Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Xarunta Golaha shacabka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Xarunta Golaha shacabka.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Puntland ayaa dalbaday in lala xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarkii lagu carqaladeeyay duulimaad ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka socday Puntland, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho. Duulimaadkaasi ayaa ahaa horudhac safar uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku tagi lahaa caasimadda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diri, ayaa sheegay in diyaaradahaasi si khasab ah hawada looga celiyay, isla markaana ay jireen tallaabooyin muujinaya in si ula kac ah loo geliyay xaalad khatar ah.
Wuxuu tilmaamay in diyaaradda lagu qasbay safarro dheeraad ah iyadoo aan la siin shidaal ku filan, arrintaas oo uu sheegay in ay si cad uga baxsan xeerarka caalamiga ah ee duulista, islamarkaana halis gelin kartay badbaadada rakaabka iyo diyaaradda lafteeda.
Wasiirku wuxuu sheegay in falkaasi ujeeddadiisu ahayd carqaladeynta shirar muhiim ah iyo abuurista khilaaf iyo kala fogaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Soomaalida, iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.
Waxa uu intaas ku daray in dhacdadani ay si toos ah u dhaawacday sumcadda hay’adaha duulista rayidka ah ee Soomaaliya, isla markaana ay muujinayso ku takrifal awoodeed iyo mid siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in ficilladaas ay u dhigmaan dambiyo culus oo u baahan baaritaan hufan iyo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug leh.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Ciidanka Booliska iyo Xildhibaanada oo Qarka u saaran ineey ku dagaalamaan Hoolka Golaha Shacabka.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC}Maxaa Hadda ka socda Xarunta Golaha Shacabka.?
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa saaka ka taagan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka lagu soo daadiyay gudaha hoolka Golaha Shacabka, si ay uga hortagaan suurta galnimada xildhibaanada qaar inay carqaladeeyaan fadhiga maanta.
Ilo-wareedyo ku sugan gudaha Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in askar hubeysan ay si buuxda ula wareegeen ammaanka hoolka, ayna hor istaageen xildhibaano doonayay inay gaaraan minbarka hadalka.
Sida ay sheegeen xildhibaanada, askarta ayaa ku goodisay in ay rasaas adeegsan doonaan haddii xildhibaan isku dayo inuu hadal jeediyo oggolaansho la’aan.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu arkay banaanka hoolka Baarlamaanka, halkaas oo uu ka hagayay howlaha amniga, arrintaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen mid lagu ilaalinayo dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga sugi lahaa badbaadinta madax-bannaanida Baarlamaanka.
Arrinta ugu walaaca badan ayaa ah eedeymo sheegaya in askar ka tirsan Booliska Federaalka ay jirdil u geysteen xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, taas oo noqoneysa dhacdadii labaad ee la soo wariyo ee haween xildhibaano ah lagu handado ama lagu waxyeelleeyo gudaha xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka, ayaa isaga oo ku sugan gudaha hoolka Baarlamaanka si toos ah uga hadlay xaaladda, isagoo sheegay in askar ka tirsan booliska ay ku hanjabeen inay ka qaadi doonaan taleefannada gacanta ee xildhibaanada.
“Ha beeninina haddii aad aragtaan askari mobile-kayga iga qaaday. Saaka iyo hoolka Baarlamaanka sidaas ayay Alle u qadaray, askartu waxayba leeyihiin mobile-da idinka qaadaynaa,” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare oo muuqaal toos ah soo dhigay bartiisa Facebook.
Ciidamada booliska ayaa lagu soo daadiyay hoolka Baarlamaanka iyadoo maanta loo balansanaa fadhi wadajir ah oo ay lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo horey muran iyo buuq xooggan u hareeyay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha gadaal ayaan idinkaga soo tebin doonnaa.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu martiqaaday Madasha 17aad ee Aljazeera oo soconaysa 7da ilaa 9ka Febaraayo 2026 ayaa khudbad uu ka jeediyay uga hadlay dhibaatooyinka ay Israa’iil ka gaysatay Falastiin, Faragelinta ay ku samaysay Soomaaliya, Isbaddelka Dalka, Dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta & qodobo kale.
Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kusoo hadal qaaday in Soomaaliya ay taageersan tahay qorshaha dowlad dhiska Falastiin, waxa uu xusay in xalka keliya ee muuqda uu yahay in Dowlad xooggan oo madaxbannaan ay yeeshaan Falastiiniyiinta isla markaana faragelinta iyo dhibaatada ay ka dayso Israa’iil.
Dhanka Soomaaliya waxa uu ka sheekeeyay howlgallada ka dhanka ah Daacish & ‘AS’ ee Dalka ka socda, Muhiimadda uu leeyahay marinka Badda Cas, Faragelinta ay Israa’iil ku hayso Dalka iyo dedaallada ay Dowladda uga hortagayso arrintaas..
“Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dagaallada Caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada, Dagaalkaan ayaa isugu jira mid Militari, Dhaqaale iyo fikir, waxaan taageerro ka helnay Saaxiibada Caalamiga, waxaana bogaadinayaa geesiyaasha naftooda u huraya Dalkooda si looga adkaado Argagixisada” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Madasha 17aad ee Aljazeera
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hardan adag u gashay iska caabin faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Bishii December sanadkii hore 2025, tallaabadaas oo ahayd mid ka dhan ah shuruucda Caalamiga ah iyo xeerarka kala duwan ee Caalamka uu ku dhaqmo.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay is hor istaagtay xadgudubka Israa’iil ee December ku samaysay Midnimada Dalka, waa tallaab ka dhan ah Xeerarka Caalamiga ah iyo kan Midowga Midowga Afrika” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS.
Waxa uu dul istaagay danaha Israa’iil ay ka leedahay marinka Badda Cas oo Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka wadaaga marinkaan, waxa uu si adag uga falceliyay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay rumayso riyadeeda.
“Badda Cas waxa ay sal u tahay xasiloonida nabadgalyada Adduunka iyo marinka Ganacsiga, waxaa wadaaga Dalal badan oo Soomaaliya ay kamid tahay, Israa’iil ayaa si sharci darro ah damacday in ay xasilooni darro ka abuurto iyada oo soo maraysay faragelinta ay ku samaysay Soomaaliya, tallaabadaas waxa ay kahor imaanaysaa mabaadi’ida Afrika” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Soomaaliya si ay u difaacato Midnimadeeda waxa ay qaadday tallaabooyin waa wayn iyada oo bannaanka soo dhigtay sida kala qaybinteeda ay uga hor imaanayso xeerarka Caalamiga ah, si ay uga hortagto damaca Israa’iil oo ah in ay si fudud ugu soo rarto colaadaha una degto, Dadka Falastiin ayaa tusaale u ah arrintaas” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madasha uu ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljazeera Forum waa shir sanadle ah waxaa lagu fallanqeeyaa heerka isbaddelllada juqaraafi, siyaasadda iyo xaaladaha taagan, iyada oo diiradda lagu saaray faragelinta Israa’iil iyo dhibaatooyinka ay ku hayso meelo kala duwan oo Falastiin ay kamid tahay.
Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kawada hadleen arrinta ku saabsan guriga loo dhisay Madaxweynihii 9aad ee Dalka.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada waxa uu ku beeniyay arrintaas isaga oo sheegay in tani ay tahay mid xaqiiqada ka fog isla markaana aanay jirin wax wadahadal ah oo gurigaas la xiriira.
“Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in Marko looga dhisay. Sheegashada Farmaajo, waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, islamarkaana aan ka turjumayn masuuliyadda iyo culayska hoggaamineed ee xilligaasi saarnaa Madaxweynaha dalka,” ayuu yiri Agaasime Cabdicasiis Golfyare.
Waxa uu qoraalkiisa sii raaciyay “Waqtiga uu sheegay Madaxweyne hore Farmaajo in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay arrinta dhismaha gurigiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu si buuxda ugu mashquulsanaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dadaallada lagu xaqiijinayay deyn cafinta, ka shaqeynta qaadista cuna-qabataynta hubka ee saarneyd Soomaaliya, hagaajinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee aan caalamka la leenahay iyo xoojinta dhismaha hay’adaha dowliga ah”.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Golfyare ayaa intaas ku daray in tani ay tahay nasiib darro maadaama uu sheegay in laga been abuurtay Madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud sida uu hadalka u dhigay.
“Waa nasiib-darro in Madaxweyne hore oo dalka soo maamulay uu sameeyo been abuurasho iyo sheegasho aan xaqiiqo ku dhisnayn, isaga oo doonayo hadal-hayn warbaahineed” Sidaasi waxaa yiri, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Villa Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare).
Waxa uu is dhinac dhigay lacagta la sheegay in ay ku baxday guriga loogu magac daray (Mahadsanid Madaxweyne) ee la tilmaamay in loo dhisay Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo duruufaha adag ay la daalaadhacayaan Dadka Soomaaliyeed.
“Xilligan oo ay dadka Soomaaliyeed la daalaadhacayaan duruufo adag, waxaa ayaandarro ah oo aanan ka tarjumayn dareenka mas’uuliyadeed ee laga filayo madax dalkan soo maamushay ama hadda leh damac hoggaamineed in la soo bandhigo guri ay ku kacday $300,000 xilli dadka Soomaliyeed abaaro la dhibtoonayaan.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Golfyare.
Jimco 6 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jimco 6 Feb 2026 {HMC} Wadahadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muscat , iyadoo ay dhex dhexaadinaysay dawladda Cumaan oo shirka martigelisay, xilli la sheegay inay wadahadallada sii socon doonaan, mana jirta wax natiijo ah oo la shaaciyay oo wadahadallada maanta lagu gaaray.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi oo wadahadallada maanta ka hadlay , wuxuu sheegay in kalsooni-darro halis ah ay weli ka dhex jirto Iiraan iyo Mareykanka, taasoo si toos ah u saameyneysa wada-xaajoodyada socda. Si kastaba ha ahaatee,
Araghchi wuxuu caddeeyay in jawiga kulammadii maanta uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana labada dhinac ay hadda ku mashquulsan yihiin dhisidda qaab wada-xaajood oo cusub, halkii laga geli lahaa qodobo muran badan dhalin kara.
Wuxuu si cad u sheegay in wada-xaajoodyadu ay ku koobnaayeen oo keliya barnaamijka nukliyeerka, isla markaana aysan jirin arrimo kale oo lagu gorfeeyay miiska wada-hadalka.
Ugu dambayn, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan wuxuu xusay in natiijooyinka kulammada maanta si taxaddar leh looga eegi doono Tehran iyo Washington, ka hor inta aan la qaadin tallaabooyin kale oo xiga.