Home Blog Page 1217

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Faarax ”Barashada Isbadalka Cimilada wexeey Muhiim u tahay Dhalinyarada Soomaaliyeed”

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Wasiir Faarax ”Barashada Isbadalka Cimilada wexeey Muhiim u tahay Dhalinyarada Soomaaliyeed”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadlayaan Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya oo Turkiga ku shiraya.?

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Maxay ka wada hadlayaan Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya oo Turkiga ku shiraya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Imaaraatka oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda DG Puntland

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Dowladda Imaaraatka oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda DG Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo shir muhiim ah uga qeyb galay Magaalada Munichm.

0

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025, kaa oo ay ka qeyb galay madax ka kala socotay qaar kamid ah waddamada caalamka.

Shirkan Jarmalka ka furmay ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka qeybo kamid ah xilligan ka jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isagoo si gaar ah u xusay dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Al-Shabaab iyo ISIS. Waxa uu caddeeyey in howlgallada ka socda dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaanada ay horey ugu sugnaayeen kooxahaas, taas oo keentay dib u soo celinta xasilloonida iyo maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale la wadaaggay madaxda iyo khubarrada caalamiga ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in beesha caalamku gacan ka geysato taageerada Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada ah loona xaqiijiyo horumar waara.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo ka hadashay Duqeeymihii ka dhacay Buuraha Calmiskaad.

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Puntland oo ka hadashay Duqeeymihii ka dhacay Buuraha Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.02.2025}

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dowllada Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgal xalay ka dhacay buuraha Calmiskaat.

0

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in xalay howlgal dhinaca cirka ah oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeynta Mareykanka fuliyeen ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka katirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuralayda Calmiskaad.

”Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Dowladda Soomaaliya ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad , waxa ayna dowladda sheegtay in ay socdaan qiimeynta khasaaraha ka dhashay duqeyntan dhacday.

Donald Trump oo war kasoo saaray kulanka u la qaadanaayo Vladimir Putin.

0

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in uu “si dhakhso ah” ula kulmi karo Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dhiggiisa Ruushka ay dhab ka tahay joojinta dagaalka Ukraine.

“Waqti lama cayimin, balse waa dhici kartaa in ay dhowaan dhacdo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu isku dayay in uu hoos u dhigo rajada laga qabo wadahadallo heer sare ah oo lagu qabanayo Riyadh si loo soo afjaro dagaalka.

Iyadoo Rubio uu hoggaamin doono wafdi sare oo Mareykan ah oo wada-hadallo kula yeelanaya saraakiisha Ruushka caasimadda Sacuudiga maalmaha soo socda, ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan, xilli dagaalka Ukraine uu galayo sannadkii saddexaad.

Trump ayaa sheegay in kooxdiisu ay “waqti dheer iyo dadaal badan” la qaadatay saraakiisha Ruushka, oo uu ka mid yahay ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kaasoo uu Trump sheegay inuu dhowaan la kulmay Putin muddo saddex saacadood ah.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu Trump ka yiri Putin.

Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay in Putin uu damacsan yahay inuu Ukraine dhan qabsado, Trump wuxuu yiri: “Taasi waxay ahayd su’aashayda.”

“Haddii uu sii wado… taas waxay i hor dhigi lahayd dhibaato weyn,” ayuu Trump ku daray.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu soo afjaro dagaalka, waxayna rabaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhammeeyaan. Labadooduba,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Zelensky sidoo kale wuu rabaa in la soo afjaro.”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Axaddii sheegay in uu rumeysan yahay in Ruushku uu u diyaar garoobayo inuu dagaal ku qaado NATO oo daciif ah, haddii Trump uu hoos u dhigo taageerada Mareykanka ee isbahaysiga.

Trump wuxuu u muuqday inuu hoos u dhigayo hadalka Zelensky, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuusan “xitaa yar” uga welwelsaneyn farriinta hoggaamiyaha Ukraine.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ayaa marar badan ku adkeystay in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine hal maalin gudaheed haddii uu dib ugu laabto Aqalka Cad. Hase yeeshee, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay in “aysan sahlaneyn” in la xalliyo dagaalkan dheer, dhiigga badan ku daatay, islamarkaana murugsan.

“Hannaanka nabadda waa mid u baahan dadaal ka badan hal kulan,” ayuu yiri diblomaasiga sare ee Mareykanka wareysi uu siiyay CBS, xilli uu ka qeyb galay Shirka Amniga Munich.

‘Weli waxba lama go’aamin’

Rubio ayaa hoggaamin doona wafdi heer sare ah oo Mareykan ah oo u socdaalaya Riyadh, balse weli lama caddeyn in Ukraine ay ka qeybgali doonto. Rubio wuxuu sheegay inuusan xitaa hubin cidda Moscow ay u soo diri doonto.

“Weli waxba lama go’aamin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ujeeddadu ay tahay in la helo fursad lagu billaabo wadahadal ballaaran oo “ay Ukraine ka mid noqon doonto, islamarkaana la xiriiri doona dhammaadka dagaalka.”

Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Michael Waltz, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wadahadallada.

Trump iyo Putin ayaa Arbacadii yeeshay wicitaan dheer oo ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo billaabo wadahadallo xabbad-joojin ah.

Wadahadalkii ayaa lama filaan ku noqday xulafada NATO iyo Kyiv, iyadoo Zelensky uu ku adkeystay in “wax go’aan ah laga gaareyn Ukraine iyada la’aanteed.”

“Xilligan ma jiro wax hanaan ah,” ayuu yiri Rubio, oo Sabtidii telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov. “Hal wicitaan nabad ma keeni karo.”

Wareysi uu Axaddii siiyay NBC, Zelensky wuxuu ku sheegay in Putin uu yahay qof been badan, oo aan la aamini Karin.

“Ma aaminsani in qofna qof kale uu aamini karo marka la eego arrimaha siyaasadda caalamiga ah,” ayuu yiri Rubio.

“Maalmaha iyo toddobaadyada soo socda waxay go’aamin doonaan haddii (Putin) uu dhab ka yahay ama aanay ahayn.”

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Keenay dib u dhaca Kal-Fadhiyadda Barlamaanka Soomaaliya.?

0

Isniin 17, Feb 2025 {HMC} Maxaa Keenay dib u dhaca Kal-Fadhiyadda Barlamaanka Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Mareykanka oo si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza.

0

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Mareykanka ayaa Axaddii shalay si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib markii uu Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio uu sheegay in ay tahay in Xamaas la ciribtiro, isla markaana aaney sii ahaan karin awood millatari iyo mid dowladeed.

Rubio ayaa magaalada Qudus shalay kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kulankaas oo qeyb ka ah booqashadi u horreysay ee uu xoghaye Rubiyo ku tagay Bariga Dhexe tan iyo marki loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka bishi hore.

Rubio, ayaa Netanyahu u sheegay in “ilaa iyo inta Xamaas ay u taagan tahay awood wax maamuli karta ama awood khatar keeni karta iyadoo la adeegsanayo rabshado, aysan macquul noqon karin nabaddu.

Hadalka Rubiyo ayaa ku soo beegmay xilli dhammaadka xabbad joojinta Isra’il iyo Xamaas ay ka hartay wax ka yar laba todobaad, isla markaana aanan wali la billaabin wada xaajoodka wajiga labaad ee muddo kordhinta xabbad joojinta.

Dhanka kale, ra’isul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa soo dhaweeyay qorshaha madaxweyne Trump ee uu ku doonayo in Mareykanku uu yeesho milkiyadda Gaza.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Trump ay mustaqbalka Gaza ka leeyihiin istaraatiijiyad mid ah.

Soo jeedinta Trump ee Gaza ayaa waxaa diiday dowladaha Carabta iyo ururka Jaamacadda Carabta, waxaa sidoo kale ka soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah dowladaha xulufada dhaw la ah Mareykanka.