Home Blog Page 1309

Dowladda Norway oo xabsi ku xukuntay gabdho Soomaali ah oo ku biiray Daacish

0

Jimco, 24, Jan 2025 {HMC} Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa Jimcaha maanta ah xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kaddib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.

Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano, ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka.

Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah, oo mid ka mid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.

Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha.

“Maxkamaddu waxay go’aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,” ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.

Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya.

Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay – sida ay markii dambe ku sharraxeen email – uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad.

Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.

Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasoo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.

Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan.

Labada gabdhood, oo racfaan ka qaadan kara xukunka, ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUUQAALKA} kulan looga halayey Xoojinta Amniga oo lagu qabtay Degmada Xarar dheere.

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} kulan looga halayey Xoojinta Amniga oo lagu qabtay Degmada Xarar dheere.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa Sidee Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga Xoolaha Suuqyada Dagmada Halgan

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Waa Sidee Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga Xoolaha Suuqyada Dagmada Halgan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay qarax lagula eegtay Buuraha Calmiskaad.

0

Jimco, 24, Jan 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in Fu’aad Xanaano, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland, uu ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay deegaano ka tirsan buuraha Calmiskaad.

Sida aan xogta ka helnay ilo xog ogaal ah, Qaraxa ayaa haleelay sarkaalkan iyo askari kale oo la socday, waxaana la sheegay in Fu’aad Xanaano uu qaraxa ku waayay mid ka mid ah lugihiisa.

Ciidamada uu watay sarkaalkan ayaa howlgallo culus ka waday buuraha Calmiskaad, gaar ahaan aagga Tursumaale, halkaas oo ay saakay ciidamada Puntland dagaal kaga la wareegeen kooxda Daacish.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Daacish ay miinooyin badan ku xireen dhulka laga saaray.

Dhinaca kale, shalay galikii dambe sarkaal lagu magacaabo Haruuse Bilcil ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ay Daacish la eegatay. Sidoo kale askari katirsan ciidanka Puntland ayay kooxda Daacish ku dileen toogasho meel fog ah.

Daacish oo ay ku jiraan ajaanib badan ayaa isticmaalaya xeelad badan oo ay doonayaan inay ciidamada Puntland ku gaarsiiyaan khasaare xooggan. Dhowr jeer, ciidamada ayaa fashiliyay diyaarado qaraxyo ay kusoo xireen, inkastoo qaar kamid ah ay ciidamada kasoo gaareen dhimasho iyo dhaawac.

Puntland ayaa sheegtay inay kaligeed dagaalka kula jirto kooxda Daacish. Waxay beesha caalamka ka codsaday in laga taageero dagaalkan oo ay sheegeen inay kula jiraan argigixiso caalami ah.

Sisi says Somalia’s security, stability integral part of Egypt’s national security.

0

 

Friday January 24, 2025 {HMC} Egypt’s President Abdel Fattah El Sisi said on Thursday Egypt will always remain a supporter of Somalia, asserting that they will work together to achieve further accomplishments and stressing that Somalia’s security and stability are an integral part of Egypt’s national security.

At a joint press conference with Somali President Hassan Sheikh Mohamud, President Sisi underlined the importance of stepping up efforts to preserve peace and security in the Horn of Africa region that has an impact on global security.

He said that he agreed with his Somali counterpart on the importance of holding another tripartite summit grouping Egypt, Somalia and Eritrea to enhance partnership, citing the progress achieved by Asmara summit in 2024 in achieving a turning point in relations between the three countries.

The summit saw discussions focusing on boosting coordination towards regional issues as part of keenness on supporting sisterly Somalia as a cornerstone for realizing stability in the Horn of Africa, the president also said.

Sisi added that talks with his Somali counterpart tackled the latest regional developments, including the political and security situation in the Horn of Africa region as well as the Red Sea security.

Sisi welcomed the Somali president, saying his visit to Egypt reflects the strong and deep-rooted relations between the two countries, stressing that the visit comes at a time relations between Egypt and Somalia are witnessing a major development.

Sisi said this is the fourth meeting grouping him with the Somali president since January 2024, adding that today meeting aims at materializing the aspirations of the two sisterly nations.

He said he agreed with the Somali president on maintaining joint efforts in implementation of the military cooperation protocol signed between the two countries in August 2024 to boost the capabilities of the Somali state and its national institutions in preserving peace and security and combating terrorist and extremist organizations.

Sisi said talks tackled in details Egyptian forces’ participation in the new African Union mission in Somalia, adding that the move aims only at achieving security and stability in Somalia and does not seek to pose any threat to any country.

Egypt’s participation in the AU mission is positive and mainly aims at demonstrating solidarity with the brethren in Somalia, he said.

He referred to the joint political declaration he signed today with the Somali president to upgrade relations to a strategic partnership covering political, military, cultural and economic axes.

Under the declaration, the two countries will hold annual political consultations at a summit level to follow up on developments of bilateral relations and explore ways to further enhance these relations.

Sisi said he witnessed with his Somali president the signing of a memorandum of understanding between the two countries’ foreign ministries in the field of diplomatic training, as well as an agreement to exchange exemptions from entry visas for holders of diplomatic passports from both countries in a way that enhances the mechanisms of political consultations and coordination between Egypt and Somalia.

Sisi said talks between both sides tackled progress realized in the economic field after the launch of EgyptAir flights between Cairo and Mogadishu, adding that they agreed on the need to maintain the current momentum and further strengthen bilateral relations within the coming period through taking additional measures to foster cooperation in the areas of health, justice and capacity building.

{DAAWO MUUQAALKA} Tiradii ugu badneeyd oo Dalxiisayaal ah oo Booqday Kenya.

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Tiradii ugu badneeyd oo Dalxiisayaal ah oo Booqday Kenya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 24/1/2025.

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {24-01-2025}

Jimco 24, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muse Ali Herow

Farsamadii ::Abdirahman Macalin 

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka oo Argagixiso u aqoonsaday Xuutiyiinta Yaman.

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Mareeykanka oo Argagixiso u aqoonsaday Xuutiyiinta Yaman.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaalo Culus oo ka socda wadanka koongo

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Dagaalo Culus oo ka socda wadanka koongo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.