Home Blog Page 1310

Maxkamad Hakisay fulinta Mid ka Mid ah Amaradii Trump ee Soo-galootiga

Jimco, 24,Jan,2025 {HMC} Garsoore Maraykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada , kaas oo la qorsheeyay inuu dhaqan galo bisha Febraayo.

Garsoore John Coughenour ayaa amarkan ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka .

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid ka mid ah amarada fulinta ee Donald Trump kaas oo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

“Tani waa amar aan gabi ahaan-ba aan dastuuri ahayn ,” ayaa yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah.

Dhanka kale afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon – ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku ay go’aan ka garayso dacwadaha ay ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen.

Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo.

Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Amerikan.

Trump ayaa ku amray hay’adaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysandeganaanshaha joogtada ah.

Madaxweyne Donold Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray gorsoorahaasi.

“Waxaa iga daa-dagi la’a fahamka sida xubin ka tirsan golaha garsoorka uu si aan leex leexad lahayn u sheego in amarkan uu yahay mid aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri qareenka waaxda cadaaladda ee Mareykanka ee difaacay amarka Trump. ”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa shalay xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump.

“Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tallaabadan ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah.

Dhanka akle Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dacwad oogayaasha inay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha ka dhaga adayga dadaalka lagu xoojinayo ka hortagga socdaalka muhaajiriinta, ayadoo uu maamulku sii kordhinayo ugaarsiga uu Trump bilaabay isla maalintii uu xafiiska la wareegay.

Qoraal ay aragtay wakaaladda Reuters, ayuu ku xigeenka xeerilaaliyaha guud ee ku-meel-gaarka ah, Emil Bove wuxuu u sheegay shaqaalaha waaxda cadaaladda iyo maamullada maxalliga in ay khasab ku tahay in ay iskaashi ka sameeyaan ugaarsiga, ayadoo dacwad oogayaasha federaalkana “ay baaritaan ku samayn doonaan wixii arrin ah ee ku lug yeesha si xun u dhaqmid, ayadoo sharciga lala tiigsan doono”.

Waaxda cadaaladda waxay kaloo loollan kala hortagi doontaa shuruucda cakiraya dadaalladaas, sida uu Bove qoray.

Si loo xoojiyo dadaalada ka hortaga muhaajiriinta sharci-darada ku soo galaya Mareykanka ayuu madaxwaynuhu amray in 1,500 oo askari la geeyo xadka koonfureed.

Trump ayaa amar ku siinayay waaxaha Amniga Gudaha, Waaxda Caddaaladda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dib ugu celiyaan ugana saaraan dhammaan “shisheeyaha sharci darrada ah” ee ka gudbaya xadka koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

XIGASHO BBC SOMALI

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo Millatari ah Oo la Geeyey Xuduudaha Mareeykanka

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Ciidamo Millatari ah Oo la Geeyey Xuduudaha Mareeykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Taliyaha NISA oo Wada Dardar-gelinta Howlgallo Ka Dhanka ah AS

Jimco 24,Jan 2025 {HMC} Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka dhacay kulan muhiim ah oo dhexmaray Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo saraakiil kale oo ka tirsan NISA, iyada oo dhinac taagan yihiin odoyaasha dhaqanka ee degmada.

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfeeyay amniga Gobolka Hiiraan iyo qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo dadaallada amni ee gobolka, gaar ahaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa si rasmi ah ula wareegay mas’uuliyadda amniga ee Gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kale sheegay in gobolka uu gacanta ku hayo dhammaan hawlgallada amniga ee socda.

Wajiga koowaad ee hawlgalka amniga, kaasoo lagu joojinayo isbaarooyinka ka jira gobolka, ayaa horey u bilowday.

Isbaarooyinkani ayaa horay u caqabad ku ahaa dhaq-dhaqaaqyada bulshada iyo xasiloonida amni ee gobolka.

Intii uu ku sugnaa gobolka, Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa sidoo kale bilaabay wajiga labaad ee qorshaha amniga, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saarayo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab si looga qabsado deegaannada ay kooxdaasi ku sugantahay ee ku yaalla gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, kulamo kale ayaa ka socda gobolka Hiiraan, kuwaas oo looga arrinsanayo diyaarinta ciidamo dheeraad ah oo ku dhaqaaqi doona hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamadan waxaa loo qorsheeyay inay iskaashato la sameeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ka howlgala gobollada Hiiraan.

Howlgalladani ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga guud ahaan, waxaana si gaar ah loo tilmaamay in gobolka Hiiraan uu yahay mid muhiim u ah hawlgalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa sheegay in la sameyn doono qorsheyaal dheeraad ah oo lagu xoojinayo la dagaalanka kooxaha argagixisada, iyadoo sidoo kalena la tixgelinayo taageerada bulshada iyo saraakiisha deegaanka ee ka qeyb qaadanaya hawlgallada.

Kulankan iyo hawlgalada socda waxay muujinayaan inay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ciidamada Deegaanka ay ka go’an tahay sidii looga takhalusi lahaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah amniga gobolka Hiiraan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi ” Wali waxa socdo wada hadalka la Xirira Itobiya sidi ay uga Mid Noqon leheyd Howlgalka

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Wasiir Fiqi ” Wali waxa socdo wada hadalka la Xirira Itobiya sidi ay uga Mid Noqon leheyd Howlgalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Abwaan ”hadii aanan la dagaalamin AS wiligood waana Xasuuqayaan”

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Abwaan ”hadii aanan la dagaalamin AS wiligood waana Xasuuqayaan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Xamaas oo maanta la filayo in ay sii dayso qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban

Jimco 24,Jan 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta sii doonto qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta ay afduubka u haystaan, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Qasa. Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah.

Israa’iil dhankeeda ayaa la filayaa in barri oo sabtida ah, ay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah.

Xamaas ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay Israa’iil siiso macluumaadka ku saabsan cidda nool ee ka mid ah liiska soddonka la haystayaasha ee haray ee la filayo in la sii daayo lixda toddobaad ee ugu horreeya ee xabbad joojinta.

Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga Qasa iyadoo ciidamada Israa’iilna ay ka baxayaan Qasa.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01/24/2025}

Jimco 24,Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii :: C.Raxmaan Maaskaro

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Trump oo doonaya inuu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Jimco, 24,Jan,2025 {HMC}  Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu mar kale la xiriiro hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. waraysi uu siiyay Fox News, ayaa Mr Trump wuxuu ku tilmaamay Kim nin caqli badan, wuxuuna sheegay inuu yahay nin ay is fahmi karaan.

Labada hoggaamiye ayaa laba jeer kulmay muddo xileedkii hore ee Trump, laakiin wuxuu ku guul daraystay inuu Kim Jong-un ka dhaadhiciyo inuu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sidoo kale soo hadal qaaday suurtagalnimada ah in canshuuro lagu soo rogo Shiinaha, isagoo sheegay inuusan dooneyn inuu isticmaalo, balse canshuurahaasi ay yihiin kuwo awood badan leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {23-01-2025}

Khamiis 23, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdirahman Ahmed Maskaro

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha DFS Iyo Madaxweynaha Dalka Masar oo kulan Muhiim ah ku Yeeshay Qaahira.

Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga dibulasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.