Home Blog Page 1340

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Faransiiska Oo booqasho ku tagay Lubnaan

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska Oo booqasho ku tagay Lubnaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo Mamnuucday isticmaalka iyo faafinta hubka sharci darrada.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} DFS oo Mamnuucday isticmaalka iyo faafinta hubka sharci darrada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Garsoorka Soomaaliya oo Xarun Gaar ah loo Sameeyn Doono.”RW Xamsa.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Garsoorka Soomaaliya oo Xarun Gaar ah loo Sameeyn Doono.”RW Xamsa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Matabaan.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Dagaal kooban oo maanta ka dhacay Dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maleesho Beeleed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO SAWIRADA} Ra’isul Wasaare Xamse oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Garsoorka Dalka

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hay’adaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaaday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hay’adaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’addaha caddaaladda dalka.

Maxuu Yahay Hishiiska Aay Gaareen Ruushka & Iran?

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Iran, Masoud Pezeshkian ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhamaystiran oo daboolaya dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga milatariga ilaa sayniska, dhaqanka iyo waxbarashada.

Heshiiska oo la sheegay in lagu jiray wada-xaajoodkiisa tan iyo 2001 ayaa jiri doona muddo 20 sanno ah , sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, lama soo bandhigin faahfaahin badan oo heshiiska ku saabsan, iyadoo aan la caddeyn inuu heshiiska bixinayo dammaanad qaad amni oo labada dal ay wadajir uga jawaabayaan nooc kasta o gardarro dibadda uga timaada.

Telefishinka Ruushka ee RT , wuxuu soo bandhigay labada dal inay ku heshiiyeen inuusan midkood wax gargaar militari ah siin karin ciddii ama dalkii soo weerarra iyo iskaashi difaac oo ay ku jirto dhoolatus ay wadajir u sameyn doonaan labada dal. Tan oo ka duwan heshiiskii Ruushka uu dhawaan la galay Kuuriyada Waqooyi.

Dowladaha Ruushka iyo Iran , ayaa cunaqabateyno iyo cadaadis xooggan kala kulmaya waddamada reer Galbeedka, waxa uuna heshiiska labadan dal imaanayaa xilli horey Iran loogu eedeeyay in diyaarado iyo hub kale ku taageertay ciidamada Ruushka ee duullaankla ku qaaday Ukraine.

Drones Hor leh oo ay Daacish kusoo Weerartay Puntland oo La Soo Riday

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC}  Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari kawada howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada isku dayayaan sidii ay usoo fajari lahaaheen dagaallmayaasha kooxdaasi ee wali ka dagaallamaya buuraha dhaxdooda.

Dagaalyahannada kooxda Daacih ee isugu jira Soomaali iyo ajaaniib , ayaa isku dayaya in ay iska difaacaan duullaanka uga yimid ciidamada Puntland, waxa ayna kooxdan adeegsanayaan hub kala duwan iyo diyaarado drones qaraxyo lagu soo xiray.

War kasoo baxay howlgalka ciribtirka kooxaha argagaxisada Puntland, ayaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca Puntland ay soo rideen ilaa lix diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn, kuwaa oo Dacaidh kusoo weerareen ciidamada.

“24-kii saac ee u danbeysay, Ciidanku waxay soo rideen oo burburiyeen 6-Drone oo Argagixisadu isku dayday in ay adeegsato” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada difaaca dowladda Puntland.

Ciidamada Puntland, ayaa sidaan oo kale horey u qarxiyay qaarkoodna gacanta ugu dhigay diyaarado aan duuliye laheyn oo lagu soo weeraray, waxa ay sidoo kale ciidamada Puntland qarxiyeen miinooyin badan oo kooxda Daacish ku aaseen waddooynka soo gala goobaha ay joogaan.

 

Madaxweeynaha Cusub ee Mareeykanka Trump oo lagu Dhaarin Doono Dhismaha Congreska iyo Sababta oo..

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa qorsheynaya inuu munaasabadda dhaartiisa ku qabto gudaha dhismaha Congresska ee Capitolka Isniinta soo socota, sababo la xiriira cimilada aadka u qabow ee la filayo.

Sida saadaasha hawada sheegtay, maalinta dhaarta, heerkulka magaalada Washington, D.C., ayaa la filayaa inuu aad hoos ugu dhaco, taas oo ka dhigaysa munaasabadda dhaarta Trump tan ugu qabow 40-kii sano ee lasoo dhaafay.

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu xil ka saaran yahay ilaalinta dadka iyo dalka, balse saadaasha hawada oo muujinaysa qabow daran iyo dabaylo ayaa keentay inuu ka baqo in dadka waxyeello soo gaarto.

Markii ugu dambeysay ee dhaar lagu qabto gudaha dhisme waxay ahayd 1985, markii Madaxweynaha hore Ronald Reagan loo dhaarinayay muddo xileedkiisii labaad.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in khudbaddiisa dhaarta, ducooyinka, iyo hadallada kale lagu qaban doono isla gudaha xaruunta Capitolka, halkaas oo martida iyo mas’uuliyiinta lagu soo ururin doono gudaha.

Madaxweynaha la doortay ayaa intaa ku daray in garoonka ciyaaraha ee Capital One Arena ee Washington la furi doono si dadweynuhu ugu daawadaan dhaarta gudaha iyo sidoo kale in halkaas lagu qabto dabaaldegyada.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga waxa laga yeeli doono in ka badan 250,000 oo qof oo la filayay inay isugu yimaadaan fagaaraha National Mall si ay uga qayb galaan xafladda bannaanka.

Garoonka Capital One Arena ayaa qaada 20,000 oo qof oo kaliya.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada oo loogu Baaqay in awood Ciidan ku joojiso Dagaalka ka socda Xadka Hiiraan iyo Sh-Dhaxe

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Dowlada oo loogu Baaqay in awood Ciidan ku joojiso Dagaalka ka socda Xadka Hiiraan iyo Sh-Dhaxe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.