Home Blog Page 1351

Madaxweynaha la xiray ee Kuuriyada Koonfureed oo diiday in su’aalo la weydiiyo

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha shalay xabsiga loo taxaabay ee Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa diiday inu ka qeyb qaato maalinta labaad ee su’aalo weydinta. Su’aalaha aya aku saabsan isku daygiisi inuu dalka ku soo rogo xukun milatari.

Yoon ayaa la xiray Aracai shalay ahayd, isagoo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo ku takrifal awoodeed.

Ha yeeshe, maxkamada dastuuriga ah ayaa qabanaysa dhageysi maxkamadeed oo ay ku go’aamineyso in si rasmi ah xilka looga qaadayo madaxweynaha ama in dib loogu soo celinayo awooddiisa.

Yoon Suk Yeol, waxa uu ku adkaysanayaa in dembiyada laga baarayo ay yihiin kuwa sharci darro ah

Soomaaliya iyo Ukraine oo ka wada hadlay xiriir aay yeeshaan labada Dowladood.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliyaa Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine Andrii Sybiha, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa u gudbiyay rajada uu ka qabo soo laabashada nabadda iyo xasilloonida dadka reer Ukraine, Labada wasiirba waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee Ukraine iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Dibadda Dalka Ukraine ayaa sheegay inay soo dhoweenayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xiriir Diplomaasi la yeelato Dowladda dalkaasi Ukraine oo dagaal kula jirta Dowladda Ruushka.

Qoraal kooban uu soo dhigay barta uu X ku leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukrane Andrii Sybiha waxa uu ku xaqiijiyay inay qadka telfoonka kuwada xiriireen isaga iyo dhigiisa Soomaaliya ayna ka wada hadleen inay xiriir wada yeeshaan labada Dowladood.

“Waxaan uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay siisay madax-bannaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed,” ayuu yiri wasiir Andrii Sybiha.

Wasiirka waxa uu shaaca ka qaaday baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed, lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac uu ula jeeday Dowladaha Ukraine iyo Soomaaliya.

Dowladda Ukraine sanado waxaa ka jira colaad kala dhaxeeya Dowladda Ruushka oo dooneysa in qeybo kamid ah dhulka Ukraine ay ku darto wadankaasi Ruushka.

{DAAWO MUQAALKA} Abuukaate Dudaaye “Xeerka ciqaabta Soomaaliya xal uma haayo dambiyada Internete-ka ”

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Abuukaate Dudaaye “Xeerka ciqaabta Soomaaliya xal uma haayo dambiyada Internete-ka ”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Faah-faahinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Faah-faahinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha degmada Hodan” Cid laga ogolaanayo majirto in laamiga qashin lagu soo daadiyo”.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha degmada Hodan” Cid laga ogolaanayo majirto in laamiga qashin lagu soo daadiyo”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.01.2025}

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Molim Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Madaxweyne Trump

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Madaxweyne Trump

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Muxuu Mareykanka ka yiri heshiiska Israa’iil iyo Qasa?

Khamiis 16 Jun 2025 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tallaabadan ay ‘joojin doonto dagaalka Gaza, isla markaana ay sare u qaadi doonto doonto gargaarka bini’aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin shacabka reer Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.

Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sharraxay sababta ay muhiim u ahayd in lagu daro maamulka cusub ee Trump wadaxaajoodka waxuuna sidoo kale sheegay in muhiimaddu ahayd hirgelinta heshiiskaas.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa si rasmi ah madaxweyne u noqon doonaa shan maalmood kadib.

Xaqiiqadaas soo dhowaanaysa ayaa si cad u dhiirrigelisay dhexdhexaadiyaasha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee ku hawlanaa raadinta heshiis xabbad-joojin ah.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump, waxuu u raray safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv magaalada Qudus waxuuna aqoonsaday haysashada Israa’iil ee Buuraha Golan Heights.

Heshiiskan ayaa ahaa wixii madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu si aad ah ugu hamiyey kadib Dhibaatooyinkii 15-kii bilood ee ugu dambeysay socday iyo arrinta ka qabsatay kala qaybsanaanta siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo gudahaba.

Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo May sanadkii hore. Xamaas iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhaca heshiiskaas.

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo ka digtay Dabaylo la filayo inay ku dhuftaan Badda Gacanka Cadmeed.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Somaliland oo ka digtay Dabaylo la filayo inay ku dhuftaan Badda Gacanka Cadmeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

WAR DEG DEG AH: Israel iyo Xamas oo gaaray heshiis xabad-joojin.

0

Arbaco 15 Jun 2025 {HMC} Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacada maanta ah ku heshiiyey xabbad joojin iyo sii daynta la-haystayaal lagu hayo Gaza, kadib kulamo kala duwan oo ay la yeesheen ra’iisul wasaaraha Qatar, sida ay AFP u sheegtay ilo-wareed xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Sarkaal Maraykan ah ayaa sidoo kale xaqiijiyey heshiiska.
Cadaadiska lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar, Masar iyo Maraykanku ay xoojiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo heshiis.

Ilo-wareed xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa u sheegay AFP in “heshiis xabbad joojin ah oo Gaza ah iyo sii daynta la haystayaasha (la gaaray) kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani uu xafiiskiisa kulmay si kala gooni ah wada-xaajoodayaasha Xamaas iyo kuwa Israa’iil.”

Ku dhawaaqistan ayaa timid bilo kadib isku dayo fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka ugu dhimashada badan taariikhda Gaza, iyo maalmo ka hor caleemo saarka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, kaasi oo isla markiiba soo dhaweeyay heshiiska ka hor inta uusan si rasmi ah uga dhawaaqin Aqalka Cad.

“Waxaan heshiis u haynaa la haystayaasha Bariga Dhexe. Si dhaqso ah ayaa loo sii dayn doonaa. Waad mahadsan tahay!” ayuu ku yiri bartiisa Truth Social.

Wuxuu uga digay Xamaas “dab cadaab ah” haddii aysan xorriyaddooda u soo celin maxaabiista harsan ka hor inta uusan xilka la wareegin. Ergooyin ka socda labada maamul, midka Biden iyo Kan Trump ee soo socda ayaa joogay wada-hadalladii ugu dambeeyay.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamas ay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, taasoo sababtay dhimashada 1,210 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirakoob ay AFP ka samaysay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale weerarkaas ku qafaashay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, ayadoo 34 ka mid ah ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay dhinteen.

Olole aargoosi ah oo Israa’iil ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 46,707 qof, oo u badan rayid, sida ay sheegeen tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

Faah-faahinta iyo qodobada lagu heshiiyey ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo saacadaha soo socda.

XIGASHO VOA