Home Blog Page 1358

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.01.2025}

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha ee Dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, waxaana qaabilay Taliyaha Ciidanka Xuduudaha, Sareeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xuduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha.

Wasiirka Fartaag ayaa ammaanay shaqada xirfadeed ee ay qabtaan taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dadaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka, isagoo ku tilmaamay dadaalladaas kuwo mudan in laga tusaale qaato.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Xooga Iyo Kuwa Deegaanka oo Si wada jir ah u Fuliyay Howlgalo Qorsheysan.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Xooga Iyo Kuwa Deegaanka oo Si wada jir ah u Fuliyay Howlgalo Qorsheysan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 14-01-2024

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

At least 100 illegal miners died trapped in South African mine

0

Tuesday 14,Jan,2025 {HMC} At least 100 people who were mining illegally in an abandoned gold mine in South Africa have died after being trapped deep underground for months while police tried to get them out, a group representing the miners said Monday.

Sabelo Mnguni, a spokesperson for the Mining Affected Communities United in Action Group told The Associated Press that a cellphone sent to the surface with some rescued miners Friday had two videos on it showing dozens of bodies underground wrapped in plastic.

Mnguni said “a minimum” of 100 men had died in the mine in North West province where police first launched an operation in November to force the miners out. They were suspected to have died of starvation or dehydration, Mnguni said. He said 18 bodies have been brought out since Friday.

Police spokesperson Brig. Sebata Mokgwabone said they were still verifying information on how many bodies had been recovered and how many survivors were brought out after starting a new rescue operation Monday.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Shariif “Doorashada Dalka ka dhacday AS Ayaa ka Maqnaa”

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}   Shiikh Shariif “Doorashada Dalka ka dhacday AS Ayaa ka Maqnaa”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Garoon diyaaradeed oo isku tashi bulsho lagu hirgelinayo oo ka socda Beledxaawo .

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}  Garoon diyaaradeed oo isku tashi bulsho lagu hirgelinayo oo ka socda Beledxaawo .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo magacaabay xilal Cusub.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}   Madaxweyne Cirro oo magacaabay xilal Cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Nin isku Tooriyeeyay Musqul Masaajid dhexdeeda iyo Dadkii oo aad Ula yaabay Dhacdadan.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}   Nin isku Tooriyeeyay Musqul Masaajid dhexdeeda iyo Dadkii oo aad Ula yaabay Dhacdadan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Ugu yaraan 100 Qof oo macdan qodayaal ah ayaa ku dhintay dalka Koonfur Afrika.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Ugu yaraan 100 qof oo si sharci-darro ah uga qodanayay goob dahab ah oo laga tagay oo ku taalla Dalka Koonfur Afrika ayaa dhintay kaddib markii ay ku xayirnaayeen dhulka hoostiisa muddo bilo ah, iyadoo booliisku ay isku dayeen inay soo saaraan, sida ay sheegeen koox ka wakiil ah macdan-qodoyaasha.

Sabelo Mnguni, oo ah afhayeenka Macdan qodayaasha  ee ku mideysan ururka United in Action Group ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in talefan gacanta loo diray oo ay la socdeen qaar ka mid ah macdan qodayaal la badbaadiyay Jimcihii ay ku duubnaayeen laba muuqaal oo muujinaya daraasiin meydad ah oo dhulka hoostiisa ah oo baco lagu duubay.

Mnguni ayaa sheegay in “ugu yaraan” 100 nin ay ku dhinteen miinada oo ku taal gobolka Waqooyi Galbeed halkaas oo booliisku ay markii ugu horreysay bilaabeen bishii Nofembar si ay xoog uga saaraan macdanta. Waxaa looga shakiyay inay u dhinteen gaajo ama fuuqbax, ayuu yiri Mnguni. Wuxuu sheegay in 18 meyd ah la soo saaray tan iyo Jimcihii.

Afhayeenka Booliska Brig. Sebata Mokgwabone ayaa sheegay in ay wali xaqiijinayaan xogta tirada meydadka ah ee la helay iyo inta badbaaday ee la soo saaray ka dib markii ay bilaabeen hawlgal cusub oo samatabbixin ah Isniintii shalay.