Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Cirro oo magacaabay xilal Cusub.
{DAAWO MUQAALKA} Nin isku Tooriyeeyay Musqul Masaajid dhexdeeda iyo Dadkii oo aad Ula yaabay Dhacdadan.
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Nin isku Tooriyeeyay Musqul Masaajid dhexdeeda iyo Dadkii oo aad Ula yaabay Dhacdadan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Ugu yaraan 100 Qof oo macdan qodayaal ah ayaa ku dhintay dalka Koonfur Afrika.
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Ugu yaraan 100 qof oo si sharci-darro ah uga qodanayay goob dahab ah oo laga tagay oo ku taalla Dalka Koonfur Afrika ayaa dhintay kaddib markii ay ku xayirnaayeen dhulka hoostiisa muddo bilo ah, iyadoo booliisku ay isku dayeen inay soo saaraan, sida ay sheegeen koox ka wakiil ah macdan-qodoyaasha.
Sabelo Mnguni, oo ah afhayeenka Macdan qodayaasha ee ku mideysan ururka United in Action Group ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in talefan gacanta loo diray oo ay la socdeen qaar ka mid ah macdan qodayaal la badbaadiyay Jimcihii ay ku duubnaayeen laba muuqaal oo muujinaya daraasiin meydad ah oo dhulka hoostiisa ah oo baco lagu duubay.
Mnguni ayaa sheegay in “ugu yaraan” 100 nin ay ku dhinteen miinada oo ku taal gobolka Waqooyi Galbeed halkaas oo booliisku ay markii ugu horreysay bilaabeen bishii Nofembar si ay xoog uga saaraan macdanta. Waxaa looga shakiyay inay u dhinteen gaajo ama fuuqbax, ayuu yiri Mnguni. Wuxuu sheegay in 18 meyd ah la soo saaray tan iyo Jimcihii.
Afhayeenka Booliska Brig. Sebata Mokgwabone ayaa sheegay in ay wali xaqiijinayaan xogta tirada meydadka ah ee la helay iyo inta badbaaday ee la soo saaray ka dib markii ay bilaabeen hawlgal cusub oo samatabbixin ah Isniintii shalay.
Maxeey Ka tiri DFS Howlgalada Dagaalka ay Ciidamada Puntland kula Jiraan Daacisho iyo AS.?
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay dagaalka culus ee ciidanka Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ka socnaya dhulka Buuraleyda ah.
Wasiir Alcadaala ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Daacish.
“Hambalyo iyo bogaadin Geesiyaasha Daraawiishta Puntland oo Buuraha ku baacsanaya Khawaarijta Daacish. Waxaa garabkiina taaqan Qarankiinna iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Khawaarijtu, waa Cadaw si siman halis ugu ah Dadka Soomaaliyeed ciribtirkoodana waa in loo midoobaa” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhulka buuraleyda ah ee Puntland ka socdan maalmahii ugu dambeeyay dagaalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish ee fariisimaha ku laheyd deegaanada Puntland, gaar ahaan buuraha gobolka Bari.
Shalay ayay aheyd markii dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish lagu dilay in kabadan 20 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo la tilmaamay iney ku jireen 4 xubnood oo ajaaniib ahaa.
DFS oo sheegtay inay isku dheellitirayso xiriirka ay la leedahay Masar iyo Itoobiya
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay isku dheellitirayso xiriirka ay la leedahay Masar iyo Itoobiya, oo ah labo dal oo isku haya biyaha Webiga Niil.
Wasiir u Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa wareysi ku sheegay, in xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Masar uusan waxba u dhimayn xiriirka ay la leedahay Itoobiya.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ku shaqeyneyso siyaasad dibadeed oo dhexdhexaad ah, taas oo ujeedkeedu yahay inaysan cidna ka fogaynin.
“Soomaaliya waxay dooneysaa inay la yeelato xiriir wanaagsan dhammaan dalalka caalamka, iyadoo aan dhinacna u janjeerin ama dhinacna aan fogeynayn,” ayuu yiri Cali Balcad.
Masar ayaa si gaar ah isha ugu haysa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii dhowaan lagusoo afjaray xiisadda labada dal.
Madaxweynaha Masar ayaa dhawaan sheegay in dalkiisa uu mar kasta u taagan yahay difaaca qaranimada Soomaaliya.
Masar waxay sidoo kale kasoo horjeeddaa in Itoobiya loo ogolaado inay ka faa’iideysato biyaha Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan aqbali doonin in dalal aan bad lahayn ay dhistaan ciidamo militari oo ka howlgala Badda Cas.
Wuxuu intaa ku daray in tallaabadaasi ay si weyn u saameyn karto ammaanka biyo qotoda dheer ee gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Qaahira kula qaatay dhiggiisa Eritrea, Cismaan Saalax, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi.
{DAAWO MUQAALKA} Rageena Hadii Xil loo dhiibo Hotelada ee Jiiftaan, ee Haweenka ayaan dirsanaynaa” Nabadoon Biyaange
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Rageena Hadii Xil loo dhiibo Hotelada ee Jiiftaan, ee Haweenka ayaan dirsanaynaa” Nabadoon Biyaange
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amanka oo Gacanta kusoo dhigay Dhalinyaro Anshax xumi ku dhex faafineysay baraha Bulshada
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Amanka oo Gacanta kusoo dhigay Dhalinyaro Anshax xumi ku dhex faafineysay baraha Bulshada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Tiktok oo laga xirayo Mareykanka iyo codsi ka yimid Trump oo la diiday
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Tiktok oo laga xirayo Mareykanka iyo codsi ka yimid Trump oo la diiday
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA
{DAAWO MUQAALKA} DFS oo Jaamacad Gaar ah u Xil-saartay Dalxiiska iyo Wacyigalinta.
Talaado 14, Jan 2025 {HMC} DFS oo Jaamacad Gaar ah u Xil-saartay Dalxiiska iyo Wacyigalinta.



