Axad 12, Jan 2025 {HMC} Milatariga Sudan oo magaalo muhiim ah kala wareegay xooggaga RSF.
Maxey ka wada Hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar.?
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.
Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.
Dr. Badr Abdel Atty Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.
Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada iyo in la dhaqangeliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.
{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Qaabilay Danjiraha Talyaaniga U Fadhiyo Soomaliya
Axad Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo skaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, iyadoona sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadleen isku xirka Dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada iyo in Dowladda Talyaaniga ay qeyb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.

{DAAWO SAWIRADA} RW Abiy Ahmed oo Sagootin Cajiib ah u sameeyay Madaxweyne Xasan Shiikh.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed aya galabta Garoonka Diyaaradaha Addis ababa ka soo sagoootiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sawirrada laga soo qaaday ay ka muuqdeen inay wada qoslayeen.
“Waxaan galabta sii sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib Markii aan yeelanay wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga qotoda dheer iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee uu ku joogo dalka Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Abiy Ahmed.

{DAAWO MUQAALKA} Beledxaawo oo laga dhagax dhigay garoon diyaaradeed.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Beledxaawo oo laga dhagax dhigay garoon diyaaradeed.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Sababay inuu sidan u fido dabka ka kacay Magaalada Los Angeles?
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Maxaa Sababay inuu sidan u fido dabka ka kacay Magaalada Los Angeles?.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Somali and Egyptian Foreign Ministers Strengthen Bilateral Ties.
Sunday Jan 2025 {HMC} Ambassador Ahmed Moallim Fiqi , Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, met with H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Egypt’s Minister of Foreign Affairs.
The meeting focused on enhancing regional stability, including the activation of the African Union’s AUSSOM mission and support for the Somali National Army’s fight against terrorism.
Both ministers praised the ongoing visit of Somalia’s Minister of Defense to Cairo as a step toward stronger collaboration.
Dr. Abdel Atty reiterated Egypt’s unwavering support for Somalia’s unity, sovereignty, and stability, emphasizing joint efforts to deepen bilateral cooperation and provide technical assistance.
The ministers agreed to strengthen ties through the Joint Ministerial Committee and to implement outcomes from the 2024 Egypt-Somalia-Eritrea summit, promoting security in the Horn of Africa and the Red Sea region.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka
Axad 12, Jan 2025 {HMC}Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA
{DAAWO MUQAALKA} howlgal lagu dilay xubno ka tisan AS oo ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.
Axad 12, Jan 2025 {HMC}howlgal lagu dilay xubno ka tisan AS oo ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.



