Axad 12, Jan 2025 {HMC} Gabar lagu khalday guur ay jilliin u haysatay oo dhab ku noqday.
{DAAWO MUQAALKA} Hawlgalo lagula dagaalamayo jarista dhuxusha oo la sameeyay.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Hawlgalo lagula dagaalamayo jarista dhuxusha oo la sameeyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xarumahii Hiiraan State DFS Lagu Wareejiyay ”Madaxweyne Coloow”
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Xarumahii Hiiraan State DFS Lagu Wareejiyay ”Madaxweyne Coloow”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Waxaan la wareegnay xarumaha Dowladda ee degmada Baladweyne”Taliye Sanbaloolshe.”
Axad 12, Jan 2025 {HMC}Waxaan la wareegnay xarumaha Dowladda ee degmada Baladweyne”Taliye Sanbaloolshe.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wajiga baladweyne siddan waan ka badaeynaa”Wasiir Daahir shire”
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Wajiga baladweyne siddan waan ka badaeynaa”Wasiir Daahir shire”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo maalintii labaad wada hadalo kula Jira Itoobiya.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo maalintii labaad wada hadalo kula Jira Itoobiya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Hirshabeelle oo ka hadashay Isbaarooyinkii laga qaaday gobalka Hiiraan.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Hirshabeelle oo ka hadashay Isbaarooyinkii laga qaaday gobalka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Maxay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay Soomaaliya ka faa’iidi kartaa kursiga ay u sharaxan tahay ee Midowga Afrika?
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Maxay Soomaaliya ka faa’iidi kartaa kursiga ay u sharaxan tahay ee Midowga Afrika?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Horjoogayaal ka tirsan kooxda AS oo lagu dilay deegaanada galmudug.
Axad 12, Jan 2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda AS.
Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.
“Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha AS ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud.
“Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah”
Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka AS oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta.



