Home Blog Page 1372

{DAAWO MUQAALKA} Kulan looga hadlay xal u helida Abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan oo Baladweyne Lagu qabtay.

0

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Kulan looga hadlay xal u helida Abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan oo Baladweyne Lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kulan lagu Dalbanayay in Biyadhaamin loo sameeyo Dadka Abaaraha Wajahayo ee ku nool Gobalka Hiiraan.

0

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Kulan lagu Dalbanayay in Biyadhaamin loo sameeyo Dadka Abaaraha Wajahayo ee ku nool Gobalka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

FBI-da Maraykanka oo doonaysa inay Soomaaliya hal arrin ka caawiso.

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Xafiiska Dembi-baarista dalka Maraykanka (FBI), ayaa raadineya shirkado gaar ah ama hay’ado si ay gacan uga geystaan hirgelinta ama maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay in FBI-du ay raadinayso iibiyayaal bixin kara adeegyo badan oo farsamo, sida saadka, iyo tababarada si ay u taageeraan hirgelinta iyo dayactirka nidaamka aqoonsiga biometric ee Soomaaliya.

Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya, waa qayb ka mid ah dadaalka loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee caddaaladda dembiyada iyo ka hortagga argagixisada iyada oo loo marayo teknoolojiyad aqooneed oo horumarsan oo biometric ah.

Hay’adda FBI-da ayaa doonaysa inay xoojiso awoodaha dhaqangelinta sharciga ee Soomaaliya, hubinta xasilloonida iyo amniga gobolka iyada oo la xoojiynayo aqoonsiga biometric.

Hindisahan ayaa sidoo kale ka tarjumaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka faa’iidaysato tignoolajiyada horumarsan si wax looga qabto caqabadaha amniga caalamiga ah.

FBI-yadu waxay sheegtay in nidaamkan uu door muhiim ah ka ciyaaraa in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) uu awood u yeesho in uu si hufan u aqoonsado shakhsiyaadka lala xiriirinayo fal-dembiyeedka ama falalka argagixisada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo si adag uga horyimid boobka lagu haayo dhulka danta guud.

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Xildhibaanadaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga soo horjeedaan boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Mudanayaashaan labada Aqal oo tiradoodu gaareyso ilaa 97 Xildhibaan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in laga iibiyo dhulka danta guud ah oo ay ku eedeeyeen in madaxda dowladda boob ku hayaan.

“Anagoo ah Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo saareen Xildhibaanadaan.

Warsaxafadeedkaan ayaa noqonaya kii labaad ay soo saareen Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan boobka dhulka danta guud ah.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo jeeda bahda waxbarashada inuu xaraashay dhul badan oo ahaa goobo Waxbarasho.

“Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xildhibaanadda.

Milatariga Sudan oo galay magaalada Wad Madani

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Milatariga Sudan ayaa Sabtidi shalay sheegay in ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani ee bartamaha Sudan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in ay bannaanka uga saaraan xooggaga RSF.

Qabsashada Wad Madani ayaa ciidamada qalabka sida ee Sudan uga dhiganaan doonta, tallaabo weyn oo ay horay ugu qaadeen dagaalka ay uga soo horjeedaan fallaagada, iyo magaaladi ugu weyneyd ee ay dib u qabsadaan ku dhawaad labada sano ee uu socda dagaalka sokeeye ee Sudan.

Ciidamada ayaa faafiyay muuqaal tusinaya milatariga oo ku jira gudaha magaaladan oo ah caasimadda gobolka caanka ku ah beeraha iyo ganacsiga ee Al Jaziira. Gobolkan ayaa waxaa heystay RSF tan iyo bishi December ee sannadki 2023.

Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan. Dagaalka oo ku billowday khilaaf ka dhashay isku dhafka malleeshiyada RSF iyo ciidamada millatariga ayaa bilowday bishi April ee sannadki 2023-ki.

Tan iyo markaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo ruux, kumannaan ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen colaadda, halka kala bar shacabka ay wajahayaan gaajo.

Afar askari oo Isra’ili ah oo lagu dilay Gaza

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Millatariga Isra’il ayaa Sabtidi sheegay in dagaalka ka dhacay waqooyiga Gaza looga dilay afar ka mid ah ciidamadooda, xilli ay wali Gaza ka socdaan duqeymaha culus ee ay ciidamada Isra’il halkaasi ka wadaan dagaalka socda 15-ka bilood ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xamaas.

Dhimashada afartani askari ayaa ka dhigeysa tirada ciidanka Isra’il looga dilay Gaza 403 askari, tan iyo marki uu billowday duulaanka aargudashada ah ee ay Isra’il ku qaadday Gaza, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, todobadi bishii October ee sannadki 2023.

Milatariga Isra’il waxay kaloo sheegeen in Sabtidi ay agagaarka xerada qaxootiga Jabaaliya ee waqooyiga Gaza ku dileen saddex ka mid ah dagaalyahannada Xamaas.
Hase yeeshee, Wakaaladda Difaaca Rayidka Gaza ayaa ku warrantay, in sideed qof oo ay ciidamada Isra’il ku dileen agagaarka Jabaaliya ay ku jireen laba carruur ah, kaddib marki uu madfac ku dhacay guri ay ku sugnaayeen.
Sidoo kale duqeynta ayaa waxaa lagu dilay laba dumar ah, halka 30 kale ay ku dhaawacmeen. Weerarkaasi cirka ah ayaa waxaa xaqiijiyay ciidamada Isra’il.

{DAAWO SAWIRADA} Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya.

Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.

Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.

DHAMMAAD

At least 3 killed on ground as light aircraft crash-lands in coastal Kenya.

0

Saturday 11, Jan 2025 {HMC} Three people on the ground were killed Friday in Malindi, a town on the north coast of Kenya, when a light aircraft crash-landed on a roadside, the police confirmed.

Kilifi County Police Commander Joseph Ongwae said the aircraft, 5Y-CDC, had taken off from Malindi Airport en route to Wilson Airport in Nairobi, the capital of Kenya, when it soon developed mechanical problems and crashed at about two km outside the airport at around 2:52 p.m., local time (1152 GMT).

Ongwae said the aircraft, which had a pilot, an instructor, and a student, all of whom survived, landed on several motorcycles in the vicinity.

“Two motorcycle taxi riders and a pillion were killed during the incident, while three people escaped with injuries,” the police commander said at the scene.

Video footage shared online showed parts of the plane lying on the road as a section of it was on fire, an indication that it burst into flames on impact.

Separate images showed nearby makeshift structures had also caught fire, but fire engines arrived and put out the fire.

The Kenya Civil Aviation Authority (KCAA) has launched an investigation into the incident, confirming the aircraft had three people on board who survived and were rushed to the hospital.

“Regrettably, there were three fatalities on the ground. Government agencies are already on the site to establish the cause of the accident,” said the KCAA in a press release.

SOURCE

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 11-01-2025.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY  

 

DFS Faah faahin ka Bixisay Shirarka Guddiga Saddex-geesoodka ah ee dhaxmaray Somalia, Masar iyo Eritrea.

0

Sabti, 11, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, oo ka dhacay magaalada Qaahira, kadib martiqaad uu ka helay Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda ee Masar.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo heerka wada-shaqeynta iyo isuduwidda ee u dhexeeya saddexda dal ee kala duwan, iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024.

 

Waxaa sidoo kale laga arrinsaday hababka lagu hirgelinayo go’aamadii hore ee laga gaaray shirarkii hore, iyo sidii loo furi lahaa fursado cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka shucuubta saddexda dal.

Kulanku wuxuu diiradda saaray muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo ay ku jirto iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Masar ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya Soomaaliya (AUSSOM).

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey xaaladda Sudan iyo saameynta gobolkeeda, iyadoo lala garab istaagayo shacabka reer Sudan si loo ilaaliyo hay’adahooda qaran iyo hantidooda qaranka.

Dhanka kale, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa si buuxda u taageeray Dr. Khaled El-Anani, oo ah musharraxa Jamhuuriyadda Masar ee jagada Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO.

Ugu dambayntii, waxaa shirka lagu adkeeyey baahida loo qabo in la ixtiraamo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in aan lagu faragelin arrimaheeda gudaha.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la sii wado wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga saddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.