Home Blog Page 1373

Puntland oo Sheegay in aysan DFS ku aamini karin xogta howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo AS

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay codsatay in ciidamadeeda dagaalka kula jira Daacish laga taageero duqeymaha cirka, rasaasta, iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah si loo baabi’iyo khatarta kooxda Daacish.

Puntland waxay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inay xilal u magacowdo xubno horey uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo isku dhiibay, taas oo ay sheegtay inay keentay kalsooni darro weyn.

Maamulka Puntland waxay ugu baaqday Beesha caalamka in si toos ah loo taageero maamulkeeda si ay u xoojiso awooddeeda dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Guul ka Gaartay Manta Dagaalka Kooxda Daacish

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Puntland oo Guul ka Gaartay Manta Dagaalka Kooxda Daacish

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro doonayay in ay tahriibaan oo Lagu qabtay Bardaalle.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Dhalinyaro doonayay in ay tahriibaan oo Lagu qabtay Bardaalle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga & Israa’iil oo qarka u saaran in ay ku dagaalamaan Suuriya

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Turkiga & Israa’iil oo qarka u saaran in ay ku dagaalamaan Suuriya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} labo nin oo Hooyadood Ku dilay deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay laba nin oo ku eedaysan inay hooyadood ku dileen deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer, 23-kii December, 2024.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay inay midi ku dileen labo wiil oo ay dhashay, kadibna ay aaseen. Booliiska gobolka Togdheer oo ka hawlgalay fal dambiyeedkan ayaa gacanta kusoo dhigtay eedaysanayaasha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrives in Ethiopia for high-level talks

0

Saturday 11,Jan,2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Addis Ababa on Saturday for an official visit aimed at strengthening bilateral relations between Somalia and Ethiopia.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed welcomed President Mohamud and his delegation at Bole International Airport. “I warmly welcome President Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, on his working visit to Ethiopia,” Prime Minister Abiy Ahmed said.

The two leaders are set to discuss key issues, including the implementation of the Ankara Agreement and Ethiopia’s participation in the new peacekeeping mission in Somalia. The talks will also cover regional stability, economic cooperation, and political alignment to enhance collaboration between the neighboring nations.

Tensions between Somalia and Ethiopia have simmered since Ethiopia’s controversial deal in January with Somalia’s breakaway region of Somaliland. The agreement allowed Ethiopia to lease a portion of Somaliland’s coastline for a port and military base in exchange for diplomatic recognition, a move that angered Mogadishu.

Diplomatic efforts, particularly Turkey’s Ankara Declaration in December 2024, have played a crucial role in de-escalating the situation. The declaration reaffirmed Somalia’s territorial integrity while granting Ethiopia conditional access to Somali ports, balancing Ethiopia’s economic ambitions with Somalia’s sovereignty.

President Mohamud’s visit highlights the urgency of addressing lingering issues while seeking to solidify bilateral ties. The outcome of these talks could redefine Somalia-Ethiopia relations and have far-reaching implications for regional peace and development in the Horn of Africa.

SOURCE HIIRAAN ONLINE

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka Itoobiya.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Iyo Mas’uuliyiin kale.

“Waxaan si diiran u soo dhoweeyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud oo booqasho shaqo ku yimid dalka Itoobiya” sidaasi waxaa yiri Abiy Ahmed Ali.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Adis ababa

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya , kaddib marti-qaad uu ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya , sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha

Wafdiga madaxweynaha ayaa si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey magaaladav Addis ababa waxaana garoonka dayuuradaha kaga hor tahay RW Itoobiya abiy Ahmed iyo madax kale.

Ujeeddada booqashada ayaa lagu sheegay; wada-hadal uu madaxweyne Xasan la yeelanayo Abiy Axmed oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah kii u horreeyay oo rasmi ah, kaddib baaqii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u bilaabay cilaaqaadkooda diblomaasi, kaddib markii uu xiriirka labada dal uu xumaaday horaantii sanadkii horr 2024, xilligaasoo Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay la gashay Maamulka Somaliland.

“In ay Daacish awood ku yeelato Puntland waa fashilka hoggaamineed ee Deni” Wasiir Xoosh.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Cali Yuusuf Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu muddo dheer indhaha ka qarsanayay halista dagaalka argigixisada, gaar ahaan Daacish taas oo sababtay in kooxda Daacish ay awood ku yeelato deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo shacabka reer Puntland inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa.

Cali Xoosh ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinacyo badan, ayna lagama maarmaan tahay in Puntland ka noqoto hormuud siyaasadeed oo qeyb ka qaadata wadajirka iyo midnimada qaranka.

Kulamo iyo dood furan oo dadweyne ayaa lagu soo geba-gebeeyay Degmooyinka dhowaan laga xoreeyay Kooxda AS.

0

11da Janaayo 2025 {HMC} – Degmooyinka Moqokri ,Aden yabal iyo Maxaas oo dhawaan laga xoreeyay AS ayaa wasaaradda amiga markale ku so geba-gebeysay kulanno ,dodo furan iyo wacyigelinno logu gol-lahaaa kor u qaadidda fikradda ku saabsan booliseeynta bulshada Aqoon-is-weydaarsiga.

 

wuxuu xooga saaraa fikradda ah in booliisku la shaqeeyo bulshada si wadajir ah loogu hortago dambiyada loona horumariyo ammaanka,wuxuuna ka qaybgalayaasha baray mabaadi’da booliiska bulshada dhexdeeda ka tirsan, halkaasoo askarta booliisku lagu arko xubno ka mid ah bulshada halkii laga arki lahaa amar bixiyeyaal dibadda ka yimid.

Habkan wuxuu dhiirrigelinayaa in saraakiisha booliisku si firfircoon ula macaamilaan shacabka, xiriir la sameeyaan, islamarkaana si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha amniga ee deegaanka.

Fadhiyadu waxay diiradda saareen qodobada kala ah :
Kobcinta Is-dhexgalka Bulshada: Haweenka ,dhalinyrada ,Hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa loo tababaray sidii ay ugu ololeyn lahaayeen hab-dhaqammo bulsho oo mideysan oo ka baxsan kala sooca qowmiyadeed ama xaalado bulsho.

 

Waxaa la baray muhiimadda ay leedahay is-tixgelinta, dulqaadka, iyo fahamka labada dhinac ee bulshada gaar ahaan xaaladaha colaadaha ka dib, Bogsiinta iyo Dib-u-heshiisiinta: Hoggaamiyeyaasha diinta waxaa loo tusay sida casharrada diinta ay u noqon karaan aalad lagu bogsiiyo bulshada, lagu dhiirrigeliyo cafis, iyo dib-u-dhis xiriirro burburay sababo la xiriira rabshado ama kalsooni darro.

Dhisidda Bulshada: Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanku si firfircoon uga qayb qaataan hawlaha bulshada. Waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan abaabulka wadahadallo iyo dhacdooyin bulsho oo kor u qaada isu soo dhowaanshaha bulshada iyo fahamka wadajirka ah.

Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, qayb muhiim ah ayaa loo qoondeeyay fahamka xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya ciidamada booliiska iyo bulshada deegaanka, gaar ahaan meelaha dhawaan laga xoreeyay argagixisada halkaasoo kalsoonidii labada dhinac ay daciiftay ama dhaawacantay.

Xiriirka Booliiska iyo Bulshada: Ka-qaybgalayaasha waxaa lagu baray fikradda wada-shaqeynta booliiska iyo bulshada, iyo muhiimadda ay u leedahay dhisidda kalsoonida iyo ilaalinta ammaanka. Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu muujiyay baahida loo qabo xiriir togan oo iskaashi ku dhisan, si booliisku loogu arko saaxibo la shaqeeya, halkii laga arki lahaa cadow ama cabsi gelin.

Dhisidda Kalsoonida iyo Sharciyadda Booliiska:Hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa la tusay sida ay u noqon karaan isku xireyaal, kuna gacan siin karaan dib u dhiska kalsoonida u dhexeysa bulshada iyo booliiska. Iyada oo la dhiirrigelinayo wadahadallo furan oo dhexmara booliiska deegaanka iyo bulshada, aqoon-is-weydaarsigu wuxuu doonayay in uu kor u qaado sharcinimada iyo kalsoonida lagu qabo booliiska, isla markaana laga hortago cabsi ama shaki hore u jiray.

Iskaashi Ku Saleysan Amniga: Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu muujiyay in sugidda amniga bulshada si wax ku ool ah u suurtagasho ay u baahan tahay iskaashi dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka.

Hoggaamiyeyaashan waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay furaan marinno wada-hadal wax dhisaya oo u dhexeeya booliiska iyo bulshada, si labada dhinac ay u fahmaan cabashooyinka, baahiyaha, iyo doorkooda ku aaddan sugidda nabadda.

Ugu dambeyn Bulshada degmooyinka Mahas,Moqokori iyo Adanyabal ayaa sameystay qorsha fudud oo ay ku meel marinaayan hannanka ay kuwada shaqeyn lahaayen hey’adaha amniga iyo maamullada , iyada oo fursaddani ugu mahadceliyay wasaaradda Amniga HirShabelle ,UNDP iyo Dowladda Japan oo fursaddani iska kaashaday.