Home Blog Page 1374

{DAAWO MUQAALKA} labo nin oo Hooyadood Ku dilay deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay laba nin oo ku eedaysan inay hooyadood ku dileen deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer, 23-kii December, 2024.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay inay midi ku dileen labo wiil oo ay dhashay, kadibna ay aaseen. Booliiska gobolka Togdheer oo ka hawlgalay fal dambiyeedkan ayaa gacanta kusoo dhigtay eedaysanayaasha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrives in Ethiopia for high-level talks

0

Saturday 11,Jan,2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Addis Ababa on Saturday for an official visit aimed at strengthening bilateral relations between Somalia and Ethiopia.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed welcomed President Mohamud and his delegation at Bole International Airport. “I warmly welcome President Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, on his working visit to Ethiopia,” Prime Minister Abiy Ahmed said.

The two leaders are set to discuss key issues, including the implementation of the Ankara Agreement and Ethiopia’s participation in the new peacekeeping mission in Somalia. The talks will also cover regional stability, economic cooperation, and political alignment to enhance collaboration between the neighboring nations.

Tensions between Somalia and Ethiopia have simmered since Ethiopia’s controversial deal in January with Somalia’s breakaway region of Somaliland. The agreement allowed Ethiopia to lease a portion of Somaliland’s coastline for a port and military base in exchange for diplomatic recognition, a move that angered Mogadishu.

Diplomatic efforts, particularly Turkey’s Ankara Declaration in December 2024, have played a crucial role in de-escalating the situation. The declaration reaffirmed Somalia’s territorial integrity while granting Ethiopia conditional access to Somali ports, balancing Ethiopia’s economic ambitions with Somalia’s sovereignty.

President Mohamud’s visit highlights the urgency of addressing lingering issues while seeking to solidify bilateral ties. The outcome of these talks could redefine Somalia-Ethiopia relations and have far-reaching implications for regional peace and development in the Horn of Africa.

SOURCE HIIRAAN ONLINE

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka Itoobiya.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Iyo Mas’uuliyiin kale.

“Waxaan si diiran u soo dhoweeyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud oo booqasho shaqo ku yimid dalka Itoobiya” sidaasi waxaa yiri Abiy Ahmed Ali.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Adis ababa

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya , kaddib marti-qaad uu ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya , sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha

Wafdiga madaxweynaha ayaa si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey magaaladav Addis ababa waxaana garoonka dayuuradaha kaga hor tahay RW Itoobiya abiy Ahmed iyo madax kale.

Ujeeddada booqashada ayaa lagu sheegay; wada-hadal uu madaxweyne Xasan la yeelanayo Abiy Axmed oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah kii u horreeyay oo rasmi ah, kaddib baaqii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u bilaabay cilaaqaadkooda diblomaasi, kaddib markii uu xiriirka labada dal uu xumaaday horaantii sanadkii horr 2024, xilligaasoo Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay la gashay Maamulka Somaliland.

“In ay Daacish awood ku yeelato Puntland waa fashilka hoggaamineed ee Deni” Wasiir Xoosh.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Cali Yuusuf Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu muddo dheer indhaha ka qarsanayay halista dagaalka argigixisada, gaar ahaan Daacish taas oo sababtay in kooxda Daacish ay awood ku yeelato deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo shacabka reer Puntland inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa.

Cali Xoosh ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinacyo badan, ayna lagama maarmaan tahay in Puntland ka noqoto hormuud siyaasadeed oo qeyb ka qaadata wadajirka iyo midnimada qaranka.

Kulamo iyo dood furan oo dadweyne ayaa lagu soo geba-gebeeyay Degmooyinka dhowaan laga xoreeyay Kooxda AS.

0

11da Janaayo 2025 {HMC} – Degmooyinka Moqokri ,Aden yabal iyo Maxaas oo dhawaan laga xoreeyay AS ayaa wasaaradda amiga markale ku so geba-gebeysay kulanno ,dodo furan iyo wacyigelinno logu gol-lahaaa kor u qaadidda fikradda ku saabsan booliseeynta bulshada Aqoon-is-weydaarsiga.

 

wuxuu xooga saaraa fikradda ah in booliisku la shaqeeyo bulshada si wadajir ah loogu hortago dambiyada loona horumariyo ammaanka,wuxuuna ka qaybgalayaasha baray mabaadi’da booliiska bulshada dhexdeeda ka tirsan, halkaasoo askarta booliisku lagu arko xubno ka mid ah bulshada halkii laga arki lahaa amar bixiyeyaal dibadda ka yimid.

Habkan wuxuu dhiirrigelinayaa in saraakiisha booliisku si firfircoon ula macaamilaan shacabka, xiriir la sameeyaan, islamarkaana si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha amniga ee deegaanka.

Fadhiyadu waxay diiradda saareen qodobada kala ah :
Kobcinta Is-dhexgalka Bulshada: Haweenka ,dhalinyrada ,Hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa loo tababaray sidii ay ugu ololeyn lahaayeen hab-dhaqammo bulsho oo mideysan oo ka baxsan kala sooca qowmiyadeed ama xaalado bulsho.

 

Waxaa la baray muhiimadda ay leedahay is-tixgelinta, dulqaadka, iyo fahamka labada dhinac ee bulshada gaar ahaan xaaladaha colaadaha ka dib, Bogsiinta iyo Dib-u-heshiisiinta: Hoggaamiyeyaasha diinta waxaa loo tusay sida casharrada diinta ay u noqon karaan aalad lagu bogsiiyo bulshada, lagu dhiirrigeliyo cafis, iyo dib-u-dhis xiriirro burburay sababo la xiriira rabshado ama kalsooni darro.

Dhisidda Bulshada: Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanku si firfircoon uga qayb qaataan hawlaha bulshada. Waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan abaabulka wadahadallo iyo dhacdooyin bulsho oo kor u qaada isu soo dhowaanshaha bulshada iyo fahamka wadajirka ah.

Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, qayb muhiim ah ayaa loo qoondeeyay fahamka xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya ciidamada booliiska iyo bulshada deegaanka, gaar ahaan meelaha dhawaan laga xoreeyay argagixisada halkaasoo kalsoonidii labada dhinac ay daciiftay ama dhaawacantay.

Xiriirka Booliiska iyo Bulshada: Ka-qaybgalayaasha waxaa lagu baray fikradda wada-shaqeynta booliiska iyo bulshada, iyo muhiimadda ay u leedahay dhisidda kalsoonida iyo ilaalinta ammaanka. Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu muujiyay baahida loo qabo xiriir togan oo iskaashi ku dhisan, si booliisku loogu arko saaxibo la shaqeeya, halkii laga arki lahaa cadow ama cabsi gelin.

Dhisidda Kalsoonida iyo Sharciyadda Booliiska:Hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa la tusay sida ay u noqon karaan isku xireyaal, kuna gacan siin karaan dib u dhiska kalsoonida u dhexeysa bulshada iyo booliiska. Iyada oo la dhiirrigelinayo wadahadallo furan oo dhexmara booliiska deegaanka iyo bulshada, aqoon-is-weydaarsigu wuxuu doonayay in uu kor u qaado sharcinimada iyo kalsoonida lagu qabo booliiska, isla markaana laga hortago cabsi ama shaki hore u jiray.

Iskaashi Ku Saleysan Amniga: Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu muujiyay in sugidda amniga bulshada si wax ku ool ah u suurtagasho ay u baahan tahay iskaashi dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka.

Hoggaamiyeyaashan waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay furaan marinno wada-hadal wax dhisaya oo u dhexeeya booliiska iyo bulshada, si labada dhinac ay u fahmaan cabashooyinka, baahiyaha, iyo doorkooda ku aaddan sugidda nabadda.

Ugu dambeyn Bulshada degmooyinka Mahas,Moqokori iyo Adanyabal ayaa sameystay qorsha fudud oo ay ku meel marinaayan hannanka ay kuwada shaqeyn lahaayen hey’adaha amniga iyo maamullada , iyada oo fursaddani ugu mahadceliyay wasaaradda Amniga HirShabelle ,UNDP iyo Dowladda Japan oo fursaddani iska kaashaday.

Shan sababood oo dabka Los Angeles ka dhigaya mid aad u faafaya.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Dabka kaymaha ka kaca oo baahsan ayaa u muuqda mid halakeynaya qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, kaas oo geystay burbur laxaad leh.

Waxaa uu noqonayaa dabkii ugu xumaa ee taariikhda magaaladaas, kaas oo baabi’iyey in ka badan 31,000 acres (12,500 hektar) oo dhul ah isla markaana sababay in boqolaal kun oo qof ay qaxaan. Ugu yaraan 10 qof ayaa naftooda ku waayey illaa hadda, halka boqolaal dhisme ay ku burbureen

Inkasta oo dab-damisyadu ay dadaalayaan, balse dabkan ayaa ah mid aan wali la xakameynin.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku hawllan deminta dabkaas ee California, ugu yaraan shan meelood oo kala duwan ayuu dab ka socdakacaa gobolka.

Dabka Palisades, oo ah kii ugu horreeyay ee qarxa welina ugu weyn, ayaa baabi’iyey qaybo ballaadhan oo dhul ah, oo ay ku jiraan xaafadda qaaliga ah ee Pacific Palisades, oo ay ku nool yihiin dad caan ah sida Mel Gibson iyo Paris Hilton. Sababta dabkan – iyo saddex kale oo ka mid ah ay uga kaceena gobolka – wali baadhitaanno ayaa ku soconaya.

Dab cusub oo loo bixiyay Kenneth ayaa isna ka kacay aagga West Hills Khamiistii. Mas’uuliyiinta ayaa xidhay nin looga shakisan yahay inuu dabkaasi u ololiyey si ula kac ah.

Koronto la’aan ayaa magaaloada qaybo badan gelisay mugdi, halka cidhiidhiga waddooyinka uu ka dhashay dadkii isku dayayay inay ka baxaan goobaha halista ah. Iskuullada iyo jaamacadaha ayaa la xidhay.

Haddaba, maxay maxaa dabka LA ka dhigay mid halis ah oo si fudud u fidaya?

1. Waxyaalaha sii huriya dabka.

Khabiirro ayaa sheegaya in roobab cuslaa oo da’ay sanadka 2024, oo la xidhiidha dhacdada cimileedka El Niño, ay abuureen xaalado khatar ah oo qasbayay baahitaanka dabka jiilaalkan.

Rory Hadden, oo ah cilmi-baare ku takhasusay sayniska dabka kana tirsan Jaamacadda Edinburgh, ayaa sharxay:

“Roobabka ka hor intaanu dab dhicin waxay sababaan in dhir badan ay go’aan, taas oo noqonaysa shidaal suurtageliya dabka. Kadib markaad gasho xilli cimilo qalalan, dhirtani si degdeg ah ayay u qallalaysaa, iyada oo kordhineysa baahitaanka dabka.”

2. Dabalaylaha Santa Ana.

Dabeylo xooggan ayaa sii laba jibbaaray dabkii buuraha galbeedka Los Angeles una beddelay holac si degdeg ah u fidaya, kaas oo jibaaxaya dhirta qalalan kuna baahay xaafadda Pacific Palisades ee ku dhow Santa Monica.

Dabeylahan, oo badanaa kulul oo qallalan, ayaa ka mid wax yaalaha halista ah ee kiciya dakba

“Si dab u dhasho, waxaad u baahan tahay saddex shay – wax dab kicin kara, wax guban kara, iyo ogsijiinta hawada,” ayuu yidhi Rory Hadden, khabiir ku takhasusay cilmi-baadhista dabka. Si kastaba ha ahaatee, xawaaraha dabaylaha ka imanaya lamadegaanka California ayaa ka dhigay dabkan mid gaar ah oo xooggan.

Dabeylahan oo loo yaqaan Santa Ana, Föhn ama dabaylaha “hairdryer-ka,” ayaa sababa in dabka uu noqdo mid aan la saadaalin karin.

“Dabeylahan aad bay u qallalan yihiin oo si aad u xawli ah ayey u socdaan, sidaas darteed marka dab uu kaco, si fudud ayuu u faafayaa una fidayaa,” ayuu Hadden sharaxay.

Mararka qaar, dabeylahan xawaaraha leh ayaa sababi kara dabab, iyagoo burburiya fiilooyinka korontada oo halkaas oo dab ka dhasho, siiba kuwa kaymaha..

3. Firidhka dabka

Dabeylahan ma ahan oo keliya inay kiciyaan dabka, balse sidoo kale waxay qaadaan dhuxulaha ama “firidhka dabka”, kuwaas oo ah sababta ugu weyn ee burburisaa guryaha marka dabka duurka ku fido, sida uu sheegay Rory Hadden. “Waxyaabo badan ayaa ka hor istaagi kara dabka inuu gudbo, sida waddooyin ama dhismayaasha qaar,” ayuu sharaxay. “Laakiin waxba ma joojin karaan dhuxulahan iyo firidhka duulaya, wayna socdaan.”

Dabeylaha ayaa qaadi kara dhuxulo ka kacaya dhirta gubanaysa, iyagoo u sii gudbinaya horay. Mararka qaar waxay ku dhacaan dhowr mitir meel u jirta dabka, halka marar kale ay ka boodaan dhowr mayl, iyagoo dab cusub ka kicinaya meelo kale oo cusub.

“Waxaa jira warbixino sheegaya in dhuxulahan ay mararka qaar safraan tobanaan kiilomitir, kuna dhacaan meelo cidhiidhi ah sida guryaha ama dhirta kaddibna ay sii gubaan halkii ay gaadhaan ba,” ayuu yidhii Hadden.

Haddii firidhkani gaadho hal guri waa lala tacaali karaa, waxaa se u daran mar uu gaadho toban guri oo kala duwan ee hal mar ay isla ololaan.

Marka laga soo tago burburka hantida, friridhkan ayaa aad khatar ugu ah dadka ku sugan meelaha ka ag dhaw ee ay gaadhi karaan.

4. Taagagga LA iyo luuqyada cidhiidhiga ah.

Dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla aagga Los Angeles ayaa sidoo kale kordhiya khatarta dababka keymaha, sida uu sheegay Rory Hadden, khabiir ku takhasusay cilmiga dabka.

“dabku aad ayuu ugu faafaa meelaha buuraha ah,” ayuu yidhi Hadden.

“Meelo juqraafiyeedka sida togagga iyo dooxooyinka waxay abuuri karaan qab dabku u faafo taas oo ay adag tahay in la xakameeyo”

Dhulka noocan ah wuxuu sidoo kale ka dhigayaaa daadgureynta iyo badbaadadaa mid adag. Mike Bonin, oo horay u ahaa xubin golaha magaalada Los Angeles, ayaa u sheegay The New York Times in waddooyinka cidhiidhiga ah ee buuraha ku yaalla si gaar ah Palisades ay caqabad weyn ku yihiin dadka isku dayaya inay ka baxaan oo ka yaacaan dabka.

Dhibtaas oo muujinaysa in deegaanka dab fididda ku habbooni oo adkaynayo hawlihii gargaarka, marka dab kaco.

5. Isbeddelka Cimillada

Khabiirro ayaa sheegaya in isbeddelka cimilada uu kordhiyo suurtagalnimada dababka noocan oo kale ah. “Ma aha oo kaliya cimilada kulul ee engegan. Waxay ku saabsan tahay la qabsiga xad-dhaafka ah ee roobka, dabeysha, kulka, kuwaas dhammaantood isbeddel ku yimi,” ayuu yidhi Rory Hadden.

Cilmi-baadhist ay samaysay dowladda Mareykanka ayaa muujisay in isbeddelka cimilada uu kordhiyay khatarta iyo korodhka dababka keymaha. “Isbeddelka cimilada, oo ay ku jiraan kuleylka kordhay, abaarta sii dheeraanayysa, iyo jawiga cimilada oo ah mid aad u qalalan, ayaa ahaa sabab weyn oo kordhiyay khatarta iyo baaxadda dababka keymaha ee galbeedka Mareykanka,” sida laga soo xigtay Hay’adda Qaran ee Badaha iyo Hawada (NOAA).

Ka dib xagaagii aadka u kululaaa iyo roob la’aan muddooyinkii u dambeeyay haysay, California ayaa ahayd mid si gaar ah u nugul.

Rejo lagu demin karo?

Kooxaha dabdemisku waxa ay isku dyeeyaan in xaalka ay la tacaalaan, xilli saadaasha dabkuna ay sheegayso in khataru u muuqato mid soo yaraanaysa.

Qaybta cimillada ee BBC se waxa ay saadalinaysaa in toddobaadkan aan roob jirin, kaas oo sahli lahaa in si fudud dabkaasi ku bakhtiyo.

Isaga oo la hadlayey barnaamijka Today ee Radio 4, madaxa dab-damiska California, David Acuna, ayaa sidoo kale ka digay in dabeylaha maalmaha soo socda ay keeni karaan burbur kale oo ku dhaca gobolka.

Warshadaha caymiska ayaa muujiyey welwel ah in tani ay noqoto mid ka mid ah qarashyada ugu badan ee ka dhasha dababka taariikhda Mareykanka, iyadoo khasaaraha caymiska la filayo inuu ka badan doono $8 bilyan, sababtoo ah hantida qiimaha sare leh ee ku jirta ee ku burburtay.

XIGASO BBC

Waa Maxay Warka wadajir ah ee aay soo saareen Somalia, Masar & Eritrea?

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Waxaa goordhow War murtiyeed laga soo saaray shirka Guddiga isku dhafka ee Isbaheysiga saddex geesoodka ee Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya, Eritrea iyo Masar oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Saddexda wasiir ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka.

Saddexda wasiir ayaa soo dhoweeyay horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga dalalkooda si loo gaaro amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sidoo kale Saddexda wasiir ayaa ka wada hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Ugu dambeyn Eritrea iyo Soomaaliya ayaa waxay taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani.

Waxaa la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka saddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, xilli dhawaan lagu heshiin doono saddexda dal.

Muxuu Yahay keydka Sharciga Taariikhi ah ee La guddoonsiiyay Dowladda Soomaaliya?

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo guddoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka keyd sharci oo taariikhi ah laga soo bilaabo 1950 ilaa 1989.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Pier Merio Decco Coppi.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo xirfadaha sharciga ee labada dal, iyadoo la rajeynayo in wada-shaqeyntu ay sii xoogeysato oo la horumariyo dhinacyada sharciga.

Safiirka Talyaaniga ayaa wasiirka ku wareejiyay kayd casri ah oo taariikhi ah, kaas oo ka kooban sharciyada iyo wargeysyada rasmiga ah ee Soomaaliya laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟓𝟎 ilaa 𝟏𝟗𝟖𝟗, oo ay bixisay Jaamacadda Roma Tre.

Kaydkan casriga ah ayaa ah hanti qiimo leh oo ka tarjumeysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isagoo noqon doona ilo muhiim ah oo loogu talagalay horumarinta sharciga iyo xirfadaha sharciga ee Soomaaliya.

Kaydkan wuxuu si gaar ah uga tarjumayaa sida wada-shaqeynta labada dal ay muhiim u tahay horumarinta nidaamka sharciga iyo cadaaladda ee dalka.

{DAAWO SAWIRKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga qeyb galay Kampala

Sabti 11, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay shirka sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiyo doorka diblomaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.