Home Blog Page 1380

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya oo Biri ku kulmi doono Magaalada Qaahira

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Masar ayaa maalinta berri martigelin doonta wada-hadallo saddex-geesood ah oo dhexmaraya Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta Masar.

Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Masar ayaa shir-guddoomin doona kulanka ay ka qeyb-geli doonaan wasiirrada dhigiisa ah ee Soomaaliya, Axmed Moallim Fiqi, iyo Osman Saleh Maxamed oo ka socda Eritrea.

Kulamadan saddex-geesoodka ayaa lagu sii ambaqaadayaa heshiisyadii lagu gaaray shirkii Asmara ee bishii Oktoobar 2024, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka, loo ilaalin lahaa marin-biyoodka Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaalaha.

Madaxda Dalalka Masar, Soomaaliya, iyo Eritrea ayaa bishii Octoobar ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga, kadib markii Itoobiya ay heshiis muran dhaliyey la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaaday inay saldhig ciidan ka dhisato xeebaha Somaliland, talaabadaasi oo dowladda Soomaaliya ay diiday.

Kulanka la filaayo in uu maalinta berri ah uu ka furmaya magaalada Qaahira ee Caasimada Masar ayaa si gaar ah xoogga loogu saari doonaa ilaalinta waddooyinka ganacsiga ee muhiimka ah ee Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, la-dagaalanka burcad-baddeeda, iyo xakamaynta tahriibinta sharci-darrada ah.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya,  ayaa ku sugan Magaalada Qaahira, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay dhigiisa Masar.

Kulamadan ayaa diiradda saaraya kaalinta Masar ee Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo suurtagalnimada in ciidamada Masar loo adeegsado dadaallada nabadeynta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya iyo Masar ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo kale  bartamaha toddobaadka soo socda si loo dhammeystiro faah faahinta iskaashiga milatari iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee loo baahan yahay.

Bishii Diseembar 2024 ayeey Dowladda Turkiga heshiisiisay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay oggolaatay in ay ka noqoto heshiiska Somaliland, isla markaana loo oggolaado in dekadaha Soomaaliya ay ku isticmaasho heshiis laba-geesood calami ah.

Wararkii ugu Waa weynaa Soomaaliya iyo Caalamka 10-01-2025.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararkii ugu Waa weynaa Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Booliska Dalka Koonfur Afrika oo soo badbaadiyay Muhaajiriin afduub loo haystay

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa soo badbaadiyay 26 muhaajiriin ah oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo afduub loogu haystay guri ku yaala magaalada Johannesburg.

Shan iyo toban kamid ah muhaajiriinta waxa laga helay guri iyagoo qaa qaawan, halka 11 kale oo dhaawacyo yaryar qaba laga helay meel ku dhaw guriga.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyay dadkan ayaa ka dhacay habeenimadii Khamiista daafaha waqooyi bari ee magaalada, kadib markii xog laga helay dadka jaarka la ahaa sida boolisku sheegay. Sedex qof ayaa la xiray.

Ma cadda sida muhaajiriintan ay ku yimaadeen dalka Koonfur Afrika balse maamulka ayaa baaraya haddii ay dhibanayaal u yihiin kuwa ka ganacsada tahriibinta.

Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen “shabakad dadka tahriibisa”.

Saraakiishu faahfaahin dheeraada kama bixin xaaladdaha lagu haystay muhaajiriinta ama sababta qaarkood ay u qaawanaayeen.

Intii hawlgalku socday qaar baa daaqaddaha ka booday sida boolisku sheegay, waxana gaaray dhaawacyo, waxana loo qaaday isbitaalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

FAAH FAAHIN Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka maamulka Puntland.

Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid maleeshiyaadka ay ku doonayeen in xabsiga ay kaga soo furtaan maxaabiis halkaas ku xiran oo qaarkood ku xukuman dil toogasho ah.

Wararka hodhaca ah ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay dagaal mudo kooban dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo kooxaha hubeysanaa weerarka ku qaaday xabsiga.

Ilaa iyo hadda ma cadda in maleeshiyaadka ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen iney ka furtaan gudaha xabsiga, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Puntland.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ay yihiin maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xabsiga, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor xabsigan iney ka baxsadeen maxaabiis tiro badan oo la sheegay iney ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka saakay ay geysteen maleeshiyo beeleed hubaysan oo doonayey iney xabsiga kala baxaan rag horay u dilay Allaha u naxariiste ganaccsade lagu magacaabi jiray Ahmed Tahliil, kuwaas oo Maxkamada sare ee Puntland dhawaan ku riday xukuno isugu jiray dil iyo xabsi.

Wararkii ugu dambeeyey ee dabka Los Angeles

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Los Angeles — Dab ballaaran oo ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida.

Magaalada Los Angeles, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo in ka badan 10,000 dhisme la sheegay inay ku gubteen, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

“Wax walba waan waayay. Gurigaygii waa gubtay, waxna igama harin,” ayay tiri Hester Callul, oo ku jirtay goob barakac ah kadib markii ay ka qaxday gurigeeda oo ku yaallay xaafadda Altadena.

Dabka ayaa laga daminayay meelo badan iyadoo la adeegsanayo diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suuragashay kaddib markii dabeylaha yaraadeen. War ka soo baxay xafiiska baaraha dhimashada ee Los Angeles County ayaa lagu sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 10.

Iyadoo dhacdooyin boob ah lagu soo warramay, ayaa lagu soo rogay bandow habeenimo, halka Ciidamada Qaranka ee gobolka lagu howlgeliyay inay roondeeyaan goobaha dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in ciidamadaas ay qayb ka yihiin in ka badan kun shaqaale dowladeed ah oo loo daabulay aagga dabka.

“Wax walba ayaan adeegsanaynaa -– oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka -– si aan u ilaalino bulshada maalmaha soo socda,” ayuu yiri.

“Ciddii isku dayda inay ka faa’iideysato xaafadaha la barakiciyay, waxaan u sheegayaa si cad: boob ma aqbali doonno.”

Sarkaalka ugu sarreeya booliska Los Angeles County, Robert Luna, ayaa sheegay in booliiskiisa ay si dhow u ilaaliyayaan goobaha barakaca, isla markaana la xirayo cid kasta oo aan u fasaxnayn inay halkaas joogto.

Dabka ayaa illaa hadda ku baahay dhul dhan in ka badan 14,160 hektar, gudaha Los Angeles, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

Maaddaama aaggan ballaaran uu gubtay, dadka barakacay ayaa ka walaacsan in aanan si ku filan loo qaban shaqada gurmadka, taasi oo keentay in qaarkood ay isku dayaan inay gacmahooda wax ku qabsadaan.

Nicholas Norman ayaa hubkiisa qaatay kaddib markii uu arkey dad shaki leh oo xaafadda dhex marayay xilli habeen ah.

“Waxaan sameeyay waxa America caanka ku tahay: waxaan qaatay qorigayga, banaanka ayaan fariistay, waxaanan shiday nal si ay u ogaadaan in dad joogaan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxweynaha Rwanda oo iska fogeyay in uu Taageero fallaagada M23 ee ka dagaallanta Congo

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku adkeystay in fallaagada M23 ee dagaallada ka wada Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo aysan wax dhaqaale ah ka helin dowladdiisa sida uu sheegay.

Madaxweyne Kagame ayaa ku macneeyay in dagaalka ka socda bariga Kongo uu sanado badan soo socday, waxaana uu waydiiyay “Dadka halkan jooga miyaanay ogayn sida uu dagaalkani ku bilowday, dagaalkani waxa uu bilowday sanado badan ka hor mana ka iman dalka Rwanda”.

Waxa uu intaasi ku daray “Xitaa ma hayo wax aan sheego sababtoo ah dagaalka waxaa bilaabay kooxo ku sugnaa Congo oo laga yaabo in qaarkood ay asal ahaan ka soo jeedaan Rwanda balse u soo haajiray Congo ilaa xilligii gumeysiga”.

Madaxweyne Kagame ayaa sheegay in inkasta oo madaxda Congo ay u muuqdeen kuwo qiraya in fallaagada ay ka soo jeedaan Kongo, haddana waxaa la yaab leh in ay ku andacoonayaan in dagaalkan ay taageerto Rwanda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalyahannada aysan ka imaan Rwanda, balse ay yihiin kuwo salka ku haya taariikh hore oo la xiriirta xilligii gumeysiga.

Hadalka Madaxweyne Kagame ayaa imaanaya kadib markii kooxda M23 ay saddex maalmood ka hor la wareegeen magaalada Masisi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Dadka dhaleeceeya Rwanda ayaa ku eedaynaya inay M23 u adeegsato macdanta laga soo saaro bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida dahabka, iyo macdanno kale, kuwaas oo lagu sameeyo telefoonnada gacanta iyo baytariyada baabuurta korontada.

Bishii hore, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay sheegtay inay shirkadda Apple ku dacwaynayso isticmaalka “macdanta “, taas oo keentay in shirkadda weyn ee tignoolajiyada ay sheegto inay joojisay macdantii ay ka heli jirtay labada waddan.

Rwanda ayaa beenisay in ay qayb ka tahay dhoofinta sharci darrada ah ee macdanta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

{DAAWO MUUQAAKA} R/W Cabdi wali ” Dhaawacyada AS waxaa lagu dabiibaa Soomaliland”

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} R/W Cabdi wali ” Dhaawacyada AS waxaa lagu dabiibaa Soomaliland”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA